Qoraallo xiiso leh

Geedaha iyo Haadda oo si wada jir ah u diyaar Cabdulle iyo Cawaale

Waxaa dhaqanka ummad walba qeyb libaax ka ciyaara deegaanka iyo qaabka uu u rakiban yahay, xayawaanka duurjoogta ah iyo nimcoolayda, haadda samadaa kore heehaabta, iyo dhamaan bii’ada inteeda kale.  Muddo gaaban ka hor, dhulka Soomaaliyeed wuxuu hoy u ahaa xayawaan iyo haad aad u tiro badan oo isagu jira nooc walba oo ku noolaan kara duruufaha geyiga Soomaaliyeed. 

 

Maroodi ilaa Hangaraarac inta u dhaxaysa noocii la doonaba wuxuu ahaa hortaa ka gal.  Maahmaahaha, gabayada, dhaantada, heesaha, googaalaysiga, caraatanka iyo noocyo badan oo kale oo murti, madadaalo, iyo maamuus dhaqameed kale leh ayaa lagu qotomiyaa bii’ada iyo noolaha la falgala.

 

Tusaale ahaan bal Maroodiga iyo Hangaraaraca aan xusnay aan midba maahmaah macno weyn oo ka mid ah kuwa ugu caansan maahmaahaha Soomaaliyeed ka soo qaadano.  Waxay yidhaahdaan ”Maroodigu takarta saaran ma arkee ka kale ta saaran buu arkaa.”  Waxay Soomaalidu maahmaahdaa isticmaashaa marka nin ceebtiisu dacyaal tahay uu qof kale mid ka muuqata farta ku fiiqo.  Maroodi iyo takar bal farqiga u dhaxeeya day!  Bal eeg cibbaarada ku dheehan maahmaahda iyo xikmadda Af-Soomaaligu leeyahay ee laga dheegan karo

 

Abwaan Cabdullaahi Macallin Dhoodaan waa kii isagoo maahmaahdaa qalbiga ku haya gabayga mariyey beydkan aan is idhi beyd la miisaan ah gabayga hor iyo dib toona wuu ku yaryahay.  Intuu maahmaahdii dhinaca kale u rogay ayuu yidhi isagoo Xamarna takar kasoo qaaday, Soomaali Galbeedna maroodi kasoo qaaday:

 

-     Takartaa maroodiga liqday yaan, soo tuf leeyahayee

 

Waa Beyd takhayulka iyo gundheerida ku jirtaa caajis galiso maskaxda beyd-gaabka, damac iyo jamashana ku riddo maskaxda hal-abuurka yaqaana gabayga iyo godadkiisa. 

 

Xusuuso in abwaanka maahirka ahi mar walba arki og yahay beydka qotada dheer isla marka uu arkana uu qiro macnaha beydka siddii Sayid Maxamed Cabdille Xasanba u jantay beydkii laga soo wariyey Nuur Jiir Ibraahin ee ahaa:

 

-     Feedhaha miyaan uga qablamay, siddii libaax qoodh ah

 

Waxaa  la wariyey in Sayid Maxamed yidhi haddii Nuur Jiir maanta noolaan lahaa, oo intuusan odhan beydkaa fursad aan kaga gato heli lahaa 100 halaad iyo baarqabkoodii iyo 100 farasba waan u huri lahaa.  Ha layaabin gacan furnaanta Sayidka maxaa yeelay deeqsi wuxuu ahaa gacantiisa bidix aanay ogaanin waxa ta midig bixinayso siduu isaguba isu sifeeyey; wax walba waw huraayaa ninkii, ii walaal noqone.   Wuxuu kaloo ahaa siyaasi hal-murtiyeedka oo dhan in loo tiiriyo isagana laga wariyo jeclaa.

 

Mar kale ayuu Macallinkii Abwaanadu awoodiisa halabuur si’aan aad u jeclaystay ugu muujiyey beydadkan aad ka dhadhansan karto ”Isa Seegga Hummaag” nooca loo yaqaano ee halabuuraha luxdani ku tuso iska-hor-imaadka ama kaafka iyo kala dheerida u dhexeeya laba shay tabartood ama taagtood si uu tusaale u siiyo dadka markaa dhagaysanaya. 

 

Waa Maroodi Cadhoole ah oo gaajooday dabadeed damcay inuu isagoon jiifka ka kicin daaqo, laacayna geed hamash ah oo caleen badani kasoo laalaado oo uu hoos galabeedkiisa jiifay.  Geedkaas oo ka baxay badhtamaha xidhkii caanka ahaa ee Way Tol’ay.  Wuxuu laxaad iyo itaal lahaa iyo wixii gaajo haysay wuu ka quustay mar qudha inuu hiigo laamihii hodanka ku ahaa caleenta curdanka ah.  Inuu sarjoogsado oo uu qummaati u gaadhana wuu ka wahsaday.  Isagoo dhareerinaya ayuu saa u jaleecay dabadeed hunguri-juqjuqay.   

 

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ”geed walba in gubtaa hoos taala.”  Hangarale ay Hangaraaraca isku bah yihiin ayaa isna heeladkaa ka dhawaa waxaana sida Maroodiga haysay gaajo xun.  Geedkii uu ka quustay ninkii duurjoogta ugu shin-u-dhaladsanaa ayuu Hangaralihii hamiyey inuu laan rudho isagoo waliba axmaqnimo ku tuhmaya Maroodiga. 

 

Wuu hanqaloocsaday saa wuu gaadhi waayey.  War ha la i badhi-gantaalo ayuu yidhi saa wixii xammaarato aaga joogay ayaa isugu yimid oo baaciyey saa wuu gaadhi waayey.  Habas is yar qolofodhinaya oo markaa isaga la weynaa oo wuxuu arkay dhinacaa taagan, war Habas bal isku day adigu?  Habasna kac oo boodyoo inuu geedkii saro wuu ka quustay. 

 

Sheekada noocaa ah ee aanan cadli u samayn karin haddii aan tiraab ku gudbi is idhaahdo ayuu Macallinku afar beyd oo gaaban laakiin gabay dheer ku abtirsada kusoo gudbiyey.  Bal akhri oo yaadan fajicin balaaqada ku jirta.

 

- Maroodiga hurdaa geedka, uu jiifo hadhaciisa

- Hiyigiisu daaq buu jeclaa, taana hidin waaye

- Hanqaloocsay oo gaadhi waa, xiid haraadanuye

- Kaasaay Hangaralihii dhulkiyo, Habasna laaceene

 

Dhaqanka iyo asluubta ayuu inagu dhansiinayaa macanaha hodanka ah ee Af-Soomaaliga siduu isaguba sheegay.

 

Maahmaahda labaad ee khusaysa hangaraaraca waa   "Hangaraarac lug uma dhutiyo."  Hangaraarucu wuuna fudud yahay oo laf iyo jiidh midna ma laha, wuuna lugo badan yahay hase ahaatee lugahaasi aad ayey u jilicsan yihiin oo way dhib yartahay inay kolba mid ama labo ka go’do.  Lugtii dhacdaa waxay Soomaalidu ku qiyaastay inuusan waxba u noqonaynin markaa ayey maahmaahdaa kala soo baxeen.  Waxaa maahmaahdan la isticmaalaa marka qofku waxyeelo gaadhay yaraynayo si uu uga soo qaado inaan intaasi waxba yeelaynin inuu kasoo kabtana aysan waqti dheer ku qaadan doonin.

 

Haddaba waxba yaanan hadal kugu daalinin ee, dhaqanka Soomaaliyeed sida uuna reer guuraaga iyo miyiga uga maarmin ayuusan duurka iyo duurjoogtana uga maarmin.  Waxaan qormaddan kuugu soo bandhigaynaa magacyada haadda godanka Soomaaliyeed ku dhaqan ama ku dhaqnaan jirtay iyo geedaha ka baxa ama ka bixi jiray isla godankaas.  Waxa laga yaabaa haaddan qaarkeed inay u hijrootay dhulal kale, geedaha qaarkoodna nabaadguureen oo aysan haatan ka bixin dhulkii:

 

Haadda

 

Abooto Yaxaas

Babow

Balanboolo

Baqalyo

Bogcad

Boqonloow

Boor lab

Buli

Ciiro

Cirsankayeedh

Ciyoow

Curcuri

Daadwad

Daa'uus

Digiiran

Diridiri

Dhawdhawley

Dhigloow

Dhulwas

Durdur

Faadumo lo'ley

Fiin

Fiidmeer.

 

Gabiyahandhoore

Gablay

Galaydh

Gili

Gilingil

Gorgor

Goroyo

Guumays

Guuguule

Haad Geel

Haawaycad

Haawaymadoow

Habas

Haray

Haraydhalacad

Hilaac

Horog

Tuke

Tunbuli

Uurarweyn

Himili

 

Hud-Hud

Huluq

Jirri

Juglay

Kabaray

Khayre

Kooragu

Kuraykanixis

Mandad

Odaygeedgal

Qanbaroow

Qolay

Qudun-quuto

Qunbulaa

Xidinxiito

Xusgal

Xuunsho

Yaryareey

Waxaa jirta odhaah Soomaaliyeed oo tidhaahda qofkaasi ama waxaasi waa ama wuxuu noqday ”haad geed waayey.”  Haaddu markay samadda ku daasho goorada ugu horaysa ee ay cagodhigato si ay u xuurtirato waxaa weeye geed korkii.  Haddii haaddu geed weydo in kasta oo ay dhulka degi karto haddana waxaa la qiyaasay inaysan si fiican u nasan karin, maxaa yeelay cadowgeeda ayaa si dhib yar uga il-heli kara oo si gaadmo ah u kala goyn kara. 

 

Markiise ay geedka fiintiisa kore kasoo cakoodiso Malakumawt waa halkiisee waxay u badan tahay inaan si kadiso ah loo dhagrin.  Qofkii ay talo ku ciirto, arxan iyo ciirsibana waaya, inta baddanna lagu tuhmayo in isagu saa isagu wacan yahay ayaa waxaa la yidhaahdaa wuxuu noqday haad geed waayey. 

 

Xikmadda Macallinka ayeynu ku iidaamanaynaa qoraalka ee isagoo dhiirigalinaya Soomaali, dhaqan xumo badan oo faaftayna la diriraya waa kii gabaygiisa cajiibka ah ee Xulub Socod la baxay ku lahaa:

 

- Xirfad iyo garaad kii isbiday, ee xornimo gaadhey

- Xeebaha dhulkiisiyo ma baran, geed xanjaala ah

- Xukunna maa la ii dhiibto buu, xuuxda la hayaaye

- Xikmadaha asaageen watee, xoogga lagu yeesho

- Rag Allow maxaa naga xayira, waa xujiyo yaabe!

 

Haddaba si aynu haadda u dajino, ninkaa xirfadda iyo garaadka is biday, xeebihii dhulkiisa iyo geedihiisiina aan kala aqoonin hasse yeeshee inuu taliyo oo wax xukumo uun doonaya aynaan ugu sifoobin bal aynu geedihii intii aan ka xusuusano taxno barshadoodana waqti ku bixino:  

 

Geedaha

 

Ashacad

Argeeg

Askax

Baar

Baaxuur

Babaay

Badhi-booto

Bal

Balanbaal

Barde

Barkin Dhurwaa

Baxar Saaf

Beeru u eke

Beeyo

Biile

Bilcil

Bisiq

Booco

Booga Dhaye

Bugle

Buhood

Bun

Cadaad

Caday

Cagaar

Canbe

Canjeel

Carmo

Cayo

Ciid

Ciin

Cilal

Dacar

Dal

Damanyuluq

Dano

Dareemo

Dhafaruur

Dhagmaanyo

Dhamas

Dhammaajo

Dharkayn

Dhay

Dhebi

Dheen

Dhidin

Dhigri

Dhiigsaar

Dhikil

Dhirindhir

Dhunkaal

Dhurbo

Dhuundhas

Dhuur

Dhuuse  ure

Dhuyac

Digir

 

 

Dixi

Doofaarqod

Doonbir

Duur

Faramog

Gaad

Gabaldaye

Gabro

Gacandhi

Gahaydh

Galiile

Galool

Gasaangas

Gawlale

Garawle

Geed Harag

Geed-hindi

Gob

Gogobe

Gomashe

Goosay

Gubtaanyo

Gumar

Gumre

Hadi

Handhurwaa

Hareeri

Higlo

Himir

Hohob

Ilgeesh

Ilko Caddeeye

Iriir

Jadeer

Jaad

Jaleefan

Jaleelo

Jarmi

Jeerin

Jiic

Jillab

Kabxan

Kariir

Labi

Liin

Liin dhanaan

Like

Maadh

Madaxbuq

Madheedh

Madheedh Qoox

Majabe

Malmal

Mandooye

Maraa

Marmar

 

 

Mawe

Mayay

Maxaansugaa

May Subag

Maygaag

Midhafur

Mirdhis

Mirimiri

Moos

Ontor

Qabo

Qadow

Qalaanqal

Qalfoon

Qansax

Qarari

Qare

Qare Dameeraad

Qaydar

Qudhac

Qundho

Raqay

Ridhmo

Sabansabdho

Salaalmaco

Sarin

Sarmaan

Sarmaanyo

Siiq

Tawaad

Timir

Tincad

Tiin

Tukelalmis

Uneexo

Urundhi

Wacanri

Wadhi

Washaaqaar

Xagar

Xajiin

Xamakoow

Xamudh

Xangeeyo

Xankookib

Xaskul

Ximre

Xoday

Xule

Xumboox

Yaanyo

Yaaq

Yamaarug

Yicib

Yucub

 Geedaha laga midhaysto (qaarkood kor wey ku xusnaan karaan)

 

Ashacad

Askax

Bacalol

Bacaroor

Carmo

Ciid

Dhaboobo

Dhafaruur

Garas

Gomashe

Goosay

Himir

Hohob

Ilgeesh

Jinow/caleenta

Madheedh

Maygaag

Qaranri/afbuq.

Tukalalmis

Uneexo

Wancari

Xajiin

Yicib

 

 

Geedaha badhidooda la cuno  (qaarkood kor wey ku xusnaan karaan)

 

Cilal

Coodan

Dabanyuluq

Dhidin

Doonbir

Faramog

Like

Mandooye

Tindhad

Xamakow

 

Geedaha laga xabkaysto (qaarkood kor wey ku xusnaan karaan)

 

Cadaad

Gabro

Gumar

Jaleefan

Jeerin

Maraa

Sarmaan

Waadhi

 

Geedaha xabagta lagato leh (qaarkood kor wey ku xusnaan karaan)

 

Beeyo

Caadaded

Cadaad

dhidin

Foox

Hadi

Malmal

Midhafur

Xabag Hadi

 

Waxaanu aragnay inaan aad looga hadal geedaha iyo haadda oo aynan ka helin qeybta ay ka mudan yihiin dhaqan uruuriyaasha Soomaaliyeed, ama Internetka ha ahaato ama buuggaagta ha ahaato ee.  Waxaa kaloon aragnay jiilal dhan oo dhawaan soo kacay oo ay ka madowdahay aqoonta bii’adu. 

 

Waxaa dhacday, maalin maalmaha ka mid ah inaan nin saaxiibkay ah ku booqday gurigiisii.  Kuray xaafadda joogay ayaan siday ku timid garanmahayo ee waxaan weydiinay inuu geel yaqaano iyo in kale.  "Haah geel waa akhaanaa" ayuu si dhiiranaani ku jirto ugu jawaabay.  Oo muxuu yahay ayaanu weydiinay.  "Geel bahal waaye nooh" ayuu nagaga naxsaday.  Waa la qoslay. 

 

Annagoo yarkii wali ku maadsanayna ayaa waxaa aqalkii aan fadhinay soo galay mid isaga ka weyn oo walaalkii ah.  Waryaa, geel ma taqaanaa adigu, ayaan ula degdegnay isagiina?  "Haa geel waa akhaanaa nooh" ayuu noogu jawaabay isna isagoon hadalka inna ku hakanin.  Waa maxay geel?  "Caanahaa laga shubtaa nooh" ayuu isna ku jawaabay!  Ma hadal baa yaala!  Waa lagu kala dhaqaaqay.

 

Waxaan is leenahay jiilka nooca ah iyo dad kale oo badan ayaa ka faa’iidaysan doona qoraalkan aan cilmiyeysnayn ee sida butuluqsiga ah usoo dhex qaaday bii’adii dhulkeena.  Wixii aanu khaladnay waa la sixi karaa kuwa aanu ka tagnayna adiguba waad taqaanaa ee soo dir. 

 

Waxaanu hubnaa in deegaanada Soomaaliyeed geedaha ama haadda qaarkood magacyo kala duwan loo yaqaano, sidaa daraadeed ha la yaabin haddii aad magacyada qaarkood markiiba soo dhufan weydo.  Geedaha iyo haadda degaankaad ka timid laga helo ama laga yaqaano noo soo dir si aan dhamaan u helno intii suuragal ah.

 

Cabdullaahi Cabdi Cabbaas &

Cawaale Xuseen Cabdi

awallea@hotmail.com