Qoraallo xiiso leh

Sideen ugu Abtirinnaa Suugaanteena

Qore: Sheekh Xasan Maxamed Ibraahim
xasanyare@msn.com

 

Qaybtii 1aad

September 5, 2008

 

Suugaanta ummadi leedahay waa hanti ma guuraan ah oo la wadaago, waxayna diiwaan u tahay taariikhda iyo soo jireenka ummaddaasi leedahay, waana weel uu ku jiro dhaqankeedu. Qallooca iyo leexadka gala suugaanta wuxuu saameyn aad u weyn ku leeyahay caqiidada, dhaqanka iyo luqadda ummaddaas. Sidaas daraadeed waa lama huraan in la helo dadaal aan kala go’ laheyn oo ku wajahan sidii turxaanta looga dhowri lahaa suugaanta, loogana ilaalin lahaa inay isu beddasho boosto la inoo soo mariyo dhaqamada iyo caqiidooyinka doolka ah, laguna dhalan rogo luqaddeenna hodanka ah.
 

Qormada aan halkan ku soo bandhigaynaa waxay dabajoogtaa maqaal aan horay ugu soo qoray www.doollo.com iyo rugo kale oo internetka ah oo cinwaankiisu ahaa “Suugaanta Qafaalan Qaabkee loo soo Dhiciyaa?” Maqaalkaasi wuxuu qayb ka ahaa birmad aan damacsanaa in lagu cayni qabto suugaanta dibadyaalka u noqotay is bariyeeyayaalka (reer bari iska dhigayaalka ama Mustashriqiinta) iyo ardada ka aflaxday ee tubtoodii haysa, suugaantana ka dhigtay hanti ay si gaar ah u leeyihiin oo ay mar ka ganacsadaan, marar kalena ugu adeegaan ujeedooyinka iyo dhaqamada silloon ee la doonayo in Soomaalida lagu marin habaabiyo.

 

Si dadkaas hororka ah looga difaaco waxay suugaantu u baahan tahay in  loo taago dhidibbo iyo tiirar aan la dumin karin, iyo qawaacid la raaco oo ninka khilaafa ama dhinacmara la ogaan karo inuu laaxin wado ama ujeeddo gurracan leeyahay.  Ninkaa  waa in dawgiisa la mariyaa oo lagu suntaa inuu beenaale gaboobay oo mardabaale ah yahay mar haddii uu xaajaxumada joojin waayo.  Markii loo digo ka dibna waa in loo aqoonsadaa nin hadalkiisu uusan wax ka soo qaad lahayn.
 

Qawaacidda muhiimka ah ee aan isleeyahay waa lama huraan in lagu saleeyo suugaanta Soomaalida si looga dhowro khaladka iyo been-abuurka waxaa ka mid ah in suugaanta loo abtiriyo.  Waa in gabay walba ama eray suugaaneed kasta lagu xidhiidhiyo ninkii curiyay.  Haddaba, waxaan qormadan kusoo qaadaneynaa qodobbo asaas u noqon kara abtirka suugaanta lagana duuli karo.

Maxaan ugu Abtirinaynaa Suugaanta?

Qofka aan abtir lahayn ama abtirkiisu aanu saxneyn waxay Soomaalidu u taqaannaa wecel; sidaas daraadeed ma laha meel uu bulshada ka soo galo oo aan aheyn haweenta aan sharafta lahayn ee garcatay.  Sidaas oo kale waxaa ah ama ka sii xagjira afkaarta iyo erey suugaaneedka aan la garaneynin ciddii iska lahayd ama curisay. Arrimaha keenaya in loo abtiriyo suugaanta waxaa ka mid ah:

 

1) In laga badbaado in la inagu siro suugaan soo seexis ah ama been abuur ah oo ka soo horjeedda dhaqankeenna oo la inooga dhigo mid ku abtirsata dhaqanka bulshadeenna.  Tusaale ahaan waxaa la wariyaa gabayo fara badan oo lagu dicaayadeeyo Daraawiish, laguna duro dhaqankeedii, suugaantaas oo la sheego in uu mariyay Sayid Maxamad Cabdille Xasan.  Waxaa ka mid ah tixda odhanaysa: wab markaan ka siiyaa indhaha wahab ka duulaaye, ma wareero mana waasho naxariisna waan kala wareegnaaye!

 

Meerisyadaa waxaa loola jeedo inuu Sayidku ama Daraawiishi khamrada dhuuqi jirtay. Dhab ahaanna markii loo kuurgalay waxaa caddaatay in tixdan baadida ah ay tiriyeen rag ka baxay dhaqankii toosnaa ee Soomaalidu laheyd, kuna baloobay dhaqamadii gaalada. Waxaa si cad u muuqata inay dhaqankaas silloon doonayeen inay ka dhigaan mid ka soo jeeda Soomaalida gaar ahaan Daraawiish oo lagu  yaqaannay inay ahaayeen raggii gaalo-dabaqley ka quusiyay inay Soomaalida dhaqanguuriso ama dhulkeeda hantido. Baydadkaasi tixda ay ka tirsanyihiin waa tusaale uun, waxaase jira suugaan badan oo noocaas ah oo loo tiiriyo suugaanyahanno caan ah ama si wadar ahaaneedba loogu nisbeeyo bulshada Soomaaliyeed oo haddana ay muuqato in lagu hafrayo ujeeddaduna ay tahay in dhaqanka ay xambaarsantahay laga dhigo mid Soomaali ka soo jeeda ama ku abtirsada. Si arintaas looga hortago waa in suugaanta loo abtiriyaa oo la ogaadaa midda nasabka leh iyo midda soo seexiska ah.

 

2) In la helo curiyaha eray suugaaneedka waxaa ku fududaan doona in la isu uruuriyo diiwaanka gabayaa walba si gaar ah, waxaana sahlanaan doonta xilligaas ka dib in  la isbarbardhigo ama la tartansiiyo maansayahanada, lana helo mid waliba meesha uu ku horreeyo. Taasi waxay ku iman kartaa in la kala haybsooco suugaanta oo tix walba  ninkii mariyay lagu sunto si markaas la isugu uruuriyo intii uu isku hal gabyaa leeyahay loona tirakoobo si wixii danbe ee gabayaagaas loo tiiriyo loo helo meel laga tixraaci karo.

 

Sidaas waxaa meesha kaga baxaya maansa booliga ama mushkiladda weyn ee ah in nin maanso uu lahaa mid kale loo tiiriyo, taasoo xad gudub ku ah xaqiiqada, gabyaaga dhab ahaan iska leh maansada, iyo kan loo tiiriyay ee aan lahayn intaba, maxaa yeelay uma uu  baahna in maanso booli ah loo soo xado, sida uusan ugu bahnayn in xoolo booli ah loo soo dhoco. 

 

Muran aad u badan ayaa arrintaas daraadeed ka oogaan baraha internetka ee isku hawla ururinta suugaanta Soomaaliyeed, waxaana isleeyahay raggaasi iyaga oo dadaalaya waxay gafayaan hadafkoodii dhabta ahaa ee ahaa in ay si hufan u baadi goobaan suugaanta sii dabar go’eysa ee bulshada soomaaliyeed ka dhexeysa ninka tiriyay reerkuu doonaba ha noqdee.  Suugaanta luqada lagu tiriyay dadka ku hadla oo dhan ayaa wadaaga, macna gaar ahna ma laha in ninka gabayga mariyay uu reer Qudhac yahay ama reer Qansax yahay mar haddii af Soomaali uu ku gabyay, waana laaxin weyn in la kala xigsado suugaanta Raage, Salaan, Qamaan, Aw Muuse iyo ragga la midka ah oo dadka qaar isa siiyaan, qaarna iska fogeeyaan.  Raggaas dadaalayana waxaan uga digi lahaa inayna suugaanta kalsoonida ka luminin oo ayna ka dhigin bililiqo iyo boobow reerkaa, hadafkooduna ha noqdo in xaqiiqada la gaadho, xaqana ninkii lahaa la siiyo.

 

3) In la raadraaco maanso waliba deegaanka ay ka soo jeeddo ee laga baadi goobi karo wixii ka dhiman ama calaaqo la leh. Tusaale ahaan haddii ay sugnaato in gabayga la hayaa Raage leeyahay waxaa laga raadinayaa Sulul iyo Sibi, iyo carro Maalinguur. Haddii Cali-dhuux leeyahayna waxaa laga raadgoynayaa Buuhoodle iyo xero Caligeri. Haddii Salaan leeyahayna degaan Habarjeclo, taasina waxay sahleysaa in si dhib yar loo helo maansada la doonayo iyo taariikhdeediiba.

 

4) In si dhab ah loo darso taariikh nololeedka gabyaa walba isaga oo la tixraacayo munaasabadaha kala duwan ee uu ka gabyay ee taariikhdooda la garanayo. Tusaale ahaan qofka akhriya diiwaanka gabayada Sayidka wuxuu si faahfaahsan u qori karaa taariikh nololeedkiisii iyo waxyaabixii la soo gudboonaaday Sayidka. Gabyaa kasta oo kalena gabaygiisa ayaa loogu taariikheyn karaa.  Waxaa sidaas lagu helayaa qayb ka mid ah taariikhda Soomaaliyeed ee aan qorneyn.  Marka la sugo gabayga cidda marisay iyo waxa uu ka hadlayo iyo dhacdooyinkii kala duwanaa ee gabyaagu maansadiisa ku suntay, waxaa inoo suuragalaya inaan helno qaybo muhiim ah oo ka mid ah taariikhda aan moognahay.

 

5) In si mug leh loo raadgooyaa isbadallada ay suugaantu samysay iyo heerarka ay soo martay, iyo fac walba oo suugaanyahanno ah wixii ay caanka ku ahaayeen.  Waa inaan u dhabbagalnaa xilliyaddii geela aadka looga hadli jiray, xilliyadii xornimadoonka iyo gumeysi diidka laga hadli jiray, xilligii maahmaahaha iyo murtida culus la isticmaali jiray iwm.  Waa inaan garwaaqsanaa xilli walba waxa gaarka ku ahaa ama uu kaga soocan yahay xilliyada kale. 

 

Qaybtii 2aad

October 3, 2008

Waxaynu kaga soo hadalnay qeybta koowaad ee qormadan ahmiyadda ummad kasta suugaanteedu u leedahay iyo qiimaha ay ugu fadhido, iyo sida loogu baahan yahay in loo abtiriyo, lagana ilaaliyo lumitaanka, is dhaxgalka iyo in duulal kale inoogu soo dhexdhuuntaan oo ay  dhaqamadooda iyo caqiidooyinkooda inoo soo dusiyaan. Waxaa kaloon soo qaadnay asbaabta keenaysa in aynu u abtirino suugaanteenna. Qaybtanna waxaynu ku eegaynaa siyaabaha loogu abtirin karo suugaanta.  

Sidee lagu helayaa abtirka saxda ah ee suugaanta? 

Mar haddii ay caddaatay in suugaantu u baahantahay abtir lagu garto nasabkeeda iyo cidda curisay waxaa is weydiin mudan sidee ayaa lagu helayaa abtirka saxda ah ee suugaanta la doonayo in loo abtiryo? Jawaabta su’aashaa waxaan ku soo koobaynaa qodobbadan soo socda: 

1) waa in suugaanta deegaan walba si gaar ah loo uruuriyaa maxaa yeelay waxaa deegaankaas laga heli karaa magaca gabyaaga oo dhammaystiran, sababtii gabaygan keentay iyo macnaha erayada ku jira ee Soomaali ahaan dadka qaar ku adkaan kara.  Sidoo kale waxaa suuragalaya in gabay walba isagoo dhammaystiran la helo intii suuragal ah. Hadiise suugaanta ka soo jeedda Doollo laga baadi doono Saraar ama Nugaal, midda ka soo jeedda Hobyana laga raadiyo Qarrijuqood ama Faafan waa lagu jirrabmi doonaa, lamana soo heli doono waayo shaygu weel uusan ku jirin lagama soo helo. Si ururinta noocaas ahi u hirgashana waa in deegaan walba isu xilsaaraa inuu baadi goobo  oo uruuriyo suugaanta ay curiyeen gabyaaga deegaanadooda ka soo jeeda oo sida badan iyaga cid ka taqaannaa ayna jirin ama ay yartahay, gaar ahaan marka gabyaagu aanu caan ahayn ama aan magiciisa horay loo maqlin. 

2) waa in la darsaa taariikhda suugaanta iyo suugaanyahanada si loo garto maanso walba xilliga ay ku beegantahay iyo waagii uu gabyaa kasta noolaa.  Taasi waxay fududaynaysaa in la helo inay sax tahay iyo in kale suugaan badan oo dadka qoloba nin u tiiriso iyaga oo dhab ahaan dhimashadooda wakhti badani u dhexeeyay.  Waxaa kala caddaan doona inay isa soo gaadheen iyo in kale dad la sheego inay gabayo isu direen ama mid midka kale gabaygiisa ku xusay, sida qisada la sheego inay dhexmartay Raage Ugaas iyo Wiil waal ee ku   saabsanayd qof dumar ah oo ay isku qabteen sida la sheegay ama baydadka loo nisbeeyay Raage ee uu sida la sheegay ku ammaanay gabayga Aw Muuse.   Haddii aynu helno taariikh nololeedkii raggaas aan xusnay ee la sheegay in gabay kala gaadhay ama xaajo dhexmartay waxaan si dhab ah u sugi karnaa ama u diidi karnaa in dhacdadaasi jirto iyo in kale. Hadiise aan la helin taariikh nololeedka suugaanyahannada waxaan laga lug baxaynin in rag halqarni ama ka badani u dhexeeysay maanso la wadaajiyo ama qiso la dhexdhigo.  Waxaa arintaas tusaale ugu filan warqad been abuur ah oo ay Yuhuuddu qarnigii 5aad ee hijrada sheegteen in Nabi Muxammad  (scw)  u qoray oo sheegysa inay xaq u leeyihiin inay Khaybar degganaadaan. Haddii warqaddii la akhriyayna waxaa ku qoran in Mucaawiye iyo Sacad Ibnu Mucaad makhraati ka ahaayeen heshiiskan.  Markii arrintaas lagu wareeray waxaa loo geeyay Al khadiib Al Baqdaadi oo ka mid ahaa culimada baaca dheer ku leh cilmga xaddiiska, wuxuna xukumay in warqadda la been abuuray; maxaa yeelay Sacad Ibnu Mucaad wuxuu dhintay duullaankii Axsaab ka dib, duullaanka Khaybarna ma soo gaadhin, Mucawiyana xillgaas muslimba ma ahayn. Wax walba oo taariikhdiisa la helana sidaas ayaa loo soo afmeeri karaa inuu jiro iyo inuusan jirin. 

3) Waa in loo fiirsadaa magacyada dadka ama goobaha gabyga ku soo arooray si looga raad raaco deegaanka gabaygu ka soo jeedo iyo gabyaaga magacyadaasi la xidhiidhsanaan karaan.  Tusaale ahaan tixda uu ka mid yahay baydka ah: Naa soo xaliimooy xaddiya xaalna kama raacdid.  waxay dadka qaar wariyaan in Raage Ugaas leeyahay, dadka qaarna waxay sheegaan in ninka tiriyay tixdaas uu yahay Raage Aadan Waal ama Aadan Dhallin oo si weyn looga yaqaanno deegaanka Tureed.  Labada riwaayo midda saxanna waxaa lagu garan karaa in afooyinka raggaas u kala dhaxay magacyadoodii la helo ama la ogaado midka labadaas dumarka ah loogu kala xiskiisamay, ka dibna waxaan guddoomin karnaa gabyaagii dhab ahaan iska lahaa tixdan. 

Sidoo kale waxaa gabyaaga u caado ah inay ku halqabsadaan rag ay saaxiibbo yihiin ama isku dhowyihiin ama maansadaas marinteedaba ku kallifay oo aalaaba ay ararta gabayga ku sheegaan. Tixraacidda magacyadaasina waxay sahlayaan inaan helno labada ama saddexda nin ee gabayga loo kala tiiriyay keebuu magacani la xidhiidhaa ama la yaqaannay inuu ku dhowyahay ama saaxiib la yahay. Waxaa iyana sidaas oo kale ah magacyada deegaanka ama beelaha uu gabyaagu soo hadal qaado oo iyaga laftoodu ah fure lagu gaadhi karo qofka tixda mariyay . 

4) Waa in maansada si dhammaystiran loo wariyo intii suuragal ah oo aan hal qayb lagu kaaftoomin maxaa yeelay waxaa suuragal ah in gabyaagu meelo si qayaxan ugu caddeeyo waxyaabo laga fahmi karo ninka uu yahay. Tusaale ahaan tixda  uu ka midyahay baydka ah: Harre maxay wadaagaan caqligu hoos u galiwaaye
haddii aan si dhammaystiran u raadinno waxaan heleynaa isaga oo uu gabyaagu waa Muxumad Daahire abtirkiisa isla gabayga ku sheegay sida uu yidhi: haybkaynu nahay reer cigaal horinta guuleed ah taasina
waxay meesha ka saaraysaa in baydad ama bayd gabayga ka mid ah gabyaa kale loo leexiyo, waxayna inagu caawinaysaa inaan si dhab ah u helno suugaanyahanka tixda lagu muransanyahay mariyay oo marag madoonto ah.

Sida badanna gabayada loo tiiriyo cid aan lahayn waxaa la wariyaa qaybo ama qayb ka mid ah oo kaliya ee lama sheego isaga oo ebyan, haddiiba isaga oo idil la warin lahaana gabaygu isaga ayaaba abtirsan lahaa. 

5) Waa in la darso sababta gabayga keentay oo inta badan ay maansayahanadu ararta gabaygooda ku sheegaan taas oo sahli doonta in si dhib yar loo helo waxyaabo badan oo laga tilmaansan karo qofkii gabaygan  mariyay.  Sababta gabayga keentay waxay noqon kartaa mid shakhsi ah ama khusaysa beesha iyo degaanka uu ka soo jeedo ee uu afhayeenka u yahay, waxaana arrintaas lagu tilmaansan karaa midka uu yahay gabyaaga tixda curiyay. Tusaale ahaan tixda uu Aw Yuusuf Barre ka mariyay guurka ee uu dhextaalka uga dhigay “ guur aan ka la’aado” wuxuu ku xusay rag uu adeer u yahay oo markaas guurdoon ahaa sida ka muuqata hadalkiisa. Haddii aynu haddaba garanweyno ninka gabaygaas tiriyay, sababta ku soo aroortay waxay inoo noqon kartaa dhabbe aan u raacno helidda gabayaaga iska leh tixda ina hortaalla. Waxaa iyana sidaas oo kale ah tixda uu ka mid yahay baydkaah: wayshaan u xidhay Reer Subeer wiil u fura waaye oo ninka tiriyay la sheego inuu yahay Guure Dulyar, waxay dad kalena sheegeen inuu yahay Buraale Cali Seexde, qaarna waxay ku doodaan inuu yahay Cali-dhuux Aadan. Haddii aan haddaba waysha la xidhay oo ah sababta gabaygu ku qotomo ogaanno waxaa fududaan doonta inaan ogaanno kumuu ahaa ninka qisadaas la soo gudboonaatay ee dabadeedna ka gabyay, sidaasna waxaa ku xallismi lahaa khilaafka arrintaas ku saabsan. (Qisadan oo uu qoraa kale mar horre kusoo qoray doollo.com halkan ka akhri.)  

6) Waa in la dhuuxo macnaha uu gabaygu ka hadlayo si loo qiimeeyo inay suuragaltahay in hebal uu yahay midka gabayga tiryay iyo in kale iyada oo la tixraacayo mawaadiicda uu horay uga hadli jiray.  Gabyaa walba hilimmo gaar ah ayuu sida badan maansadiisa ku cabbiraa ama u badan waxa uu ka hadlo. Tusaale ahaan Cabdi Gorod wuxuu caan ku ahaa inuu ka hadlo wixii cusub ee markaa soo baxa, tixo badan oo noocaas ahna wuu leeyahay, erayadii uu yidhi isaga oo idaacaddu waagii ay soo baxday ka hadlayana waxaa ka mid ah:

Birtan danani ee laga dikriyi sida wadaad duuble
Warkan kugu soo duulayee kaana sii durugsan
Dib maxay ka noqonba waa adduun doorshey kii hore’e


Rag kale waxay ku caanbexeen sida  Sayid Maxamed, Xaaji Aadan Afqallooc iyo Tima cadde inay ka hadlaan xornimada iyo gumeysi diidka. Haddaba haddii tixda ina hortaalla ay ka hadleyso macne ragga maansada loo dhexeysiiyay qaarkood caan ku ahaayeen inay ka hadlaan waxaan soo dhoweyn karnaa inaan rajaxno in gabyaa hebal ku mudanyahay tixdan, hebalna baabkii uu ka hadli jiray ayna maansadani ku qotomin. 

7) Waa in dadka suugaanta isku hawlaa ay taxaan abtirka gabayga ama eray suugaaneedka si kale ku soo gaadhay si la isu barbardhigo dadka laga wariyo riwaayado kale duwan midka warkiisa la qaadan karo iyo midka kale ee aan aqoonta u lahayn suugaanta ama aan lagu kalsoonaan karin waxa uu soo tabiyo.
Arrintaasi waxay keeni doontaa in qofka gabay afkiisa laga maqlo la waydiiyo yaa kuu sheegay, haddii uu sheegana la sii waydiiyo yaa midkaasna u sii sheegay ilaa laga gaadho ninkii gabayga tiriyay, sidaasna waxaa ku soo baxaya silsilad dad ah oo kala wariyay gabaygan, taasina waxay fududayn doontaa in raggaas gabayga kala wariyay mid mid la isu dultaago, lana hubsado inuu yahay mid warkiisa wax lagu dhisi karo iyo in kale.  

Waxaa sidoo kale halkaas ka soo bixi doona in suugaanta laga waayo wax aan abtir lahayn ama albaabada laga wada xidho cid kasta oo isku dayi lahayd inay suugaanta ku darto wax been abuur ah (mowduuc). 

8) Waa in loo fiirsado erayada ku soo arooray tixda dhexdeeda si loo soo sooco degaanka laga isticmaalo erayadaas in kasta oo gabyaagu uu si baahsan u isticmaalo luqadda Soomaaliyeed laakiin haddana guud ahaan waa la fahmi karaa deegaanka ay tixdu u biyo shubanayso ama sida gaarka ah looga isticmaalo erayada ku soo arooray qaybo ka mid ah. Tusaale ahaan markaad maqasho:

Godogodo ninkii dilay
Guushaana gowracay
Geela gabalow ku leeyahay

waad saadaalin kartaa deegaanka uu ka soo jeedi karo ninka geeraarkaas mariyay, haddii la isku qabtana waxaad rajixi kartaa cidda la siin karo adiga oo arrintaas deegaanka wax ku dhisaya.

Waxaa iyana aan meesha laga saari karin inay aad isugu lahjado dhowyihiin deegaannada inta badan suugaanta la hayo loo nisbeeyo ilaa xad ay adkaan karto in la kala sooco.  Hase yeeshee haddana waa uun la heli koley tahay eray tixda ku arooray wax lagu kala saaro ama lagu fahmo deegaanka loo sii iili karo gabayga markaas la hayo iyada oo la raacayo kalmadaha ay ku kala duwanaan karaan deegaamada qaarkood.

9) Waa in la eego macnaha iyo afkaarta gabaygu xambaarsan yahay. Gabayada ama noocyada kale ee suugaanta markii mid walba abtirkiisa la raaciyo, lana xaddido qofkii curiyay waxaan shaki ku jirin in ay soo hadhi doonto suugaan badan oo aan la heleynin cid tirisay ama tidhi tix iyo tiraab midka ay tahayba. Suugaanta noocaas ah waxaa ka mid ah maahmaahaha intooda badan, hadallada loo nisbeeyo xayawaanka ama dugaagga iyo suugaan kale oo gabaygu ka mid yahay. Suugaanta noocaas ah iyana waxaa loogu abtirin doonaa inay tahay mid Soomaaliyeed haddii ay wadato wax lagu aqoonsan karo inay Soomaali wax u galeen oo aan ahayn luqadda kaliya; maxaa yeelay luqadda dad badan oo bartay ayaa ku cabbiri kara dhaqammo aan ahayn kuwo Soomaali lagu yaqaanno. Suugaantaasna  in ay Soomaali ka soo jeeddo guud ahaan waxaa lagu garan karaa caqiidada, dhaqanka iyo akhlaaqda ay xanbaarsantahay.  Haddii ay tahay wixii Soomaali lagu yaqaannay waxaan odhan karnaa waa suugaan Soomaaliyeed oo aan la garanaynin qofkii curiyay, haddii ay dhaqammo kale wadatona waxaan dhahaynaa waa suugaan dool ah oo qalaad Af-Soomaaliba ha ku hadashee, abtirna sidaas kuma heleyso, waxaana lagu darayaa suugaanta la been abuuray (mowduuca ah). 

Qodobadaas aan kor ku soo sheegnay iyo kuwo kale oo aan filayo dad suugaanta iiga aqoon badan inay soo kordhin karaan haddii la cuskado waxaan ku wadaa in laga nasan doono ismaandhaafka ku saabsan u abtirinta suugaanta ee ay qoloba meel ku dhufanayso iyada oo aan la raacaynin qawaacid ama shuruudo lagu sugi karo suugaanyahanka dhab ahaan gabayga laysku hayo tiriyay.  Waxaan ku rajo weynahay in tallaabadani wax uun ka xallindoonto khilaafaadka noocaas ah. 

Gabagabadii waxaan codsanayaa in baadi goobka la sii wado, birmadkana la sii abaabulo si loo dabaqabto suugaanta Soomaalida ee waraabaha u bilqan, bahalkuna saanyaday, wax badan oo ka mid ahina dayac u baaba’ay.

Dhammaad <>

Source:Doollo.com