Qoraallo xiiso leh

Taariikhda Khilaafaadka Dariiqooyinka Soomaaliya iyo Laba Kacleynta Suufiyada

Ma sahlana in raadraac loo helo xiliga dhabta ah ee ay bilaabantay khilaafaadka ku qotoma diinta ee ka hanaqaaday gayiga Soomaaliya, tanoo loo aaneynayo qorid la?aanta taariikhda. Waxase suurtagal ah in la helo cadeymo muujin kara tixraac la oran karo qiyaas ahaan xiliyadaas ayay soo bilaabantay.

Marka laga yimaado arinta khilaafka, Soomaaliya waxa ay aheyd wadan Muslimnimada, ka sakow wada qaatay Mad-habta Shaaficiyada, tanoo sahashay in isku dhawaansho iyo xiriir adag dhex dhigto culumadii hore, iyadoo jiilba jiil ka dhaxlay diinta

Martabadihii ay soo martay diinta islaamku wadanka Soomaaliya ayaanan laheyn caqabado waaweyn oo la oran karay waa ay hor istaageen, waa marka aynu ka hadleyno Soomaalida gudaheeda, wallow marka la xusayo kaalintii ay ku lahayeen fidinta Islaamka Geeska Afrikada Bari, la helayo marxalado ad adag oo la oran karay waa soo wajaheen, iskuduubni iyo muslinnimo ayaanay uga gudbeen.

Dariiqada Qaadiriyada iyo Kaalinteeda Soomaaliya:

Sida lawada xuso dariiqada Qaadiriyada ayaa aheyd mida ugu hanaqaadsaneyd dariiqooyinkii Soomaaliya soo galay, ilaa maantadan aan joognana sida muuqata uma eka mid raadkeeda ay suulin karaan firqooyinka kale, inkastoo ay soo martay marxalado la is oran karay dib danbe loo maqli mayo, ayay hadana mar walba dib u soo baxeysay ayadoo sidii hore ka awood badan.

Dariiqadan ayaa waxa loogu abtiriyaa Shiikhii caanka ahaa ee ?Al-Syed Muhiyudin Abu Muhammad Abdal Qadir al-Gaylani? noolaana intii u dhaxeysay (1077?1166 A.D.).

Sidaan horeba u xusay lama helin taariikh qoran oo muujineysa isbadaladii iyo heerarkii diinta Islaamka iyo Soomaalida dhexdeeda, balse waxaa cadeymo dhiraadhirin u baahan noqon kara sheekooyinka kutiri kuteenta ah ee Soomaalida dhexdeedu wariso iyo gabayada laga hayo arimahaas.

Dariiqada Qaadiriyada Soomaaliya oo ah mid suufiya ah, ayaa umada sumcad weyn ku laheyd, ayagoo lagu yaqaanay dad qunyar socod ah, mujtamaca Soomaaliyeed iyo ayaguna aad ayay isku dhexgaleen, tanoo keentay in ay hantaan bulshada gabi ahaanba.

Shacabka Soomaaliyeed waxa ay gaarsiiyeen heer ay ayaga uun u lug xirnaayeen, ayagoo aaminsanaa wax walba oo culumadaas afkooda soo mara. Xaga cilmiga waa laga helayay culumo waaweyn oo magac iyo maamuus ka tagay, balse tiro ahaan sida la xuso ma badneyn. Si walba oo ay ahaataba culumadii hore ee Soomaaliya waa kuwa salka u ahaa in la helo umad Soomaaliyeed oo Muslimnimo ku abtirsaneysa maanta.

Caqabadihii ka horyimid Dariiqada Qaadiriyada:

Maadaama ayan jirin qoraallo aan soo xiganeyno, ma helikarno taariikhda bilowga caqabadahaas soo wajahay Dariiqada Qaadiriyada Soomaaliya, balse mida aan bidhaamin karo ee aan ugu hormarin karo ayaa waxa ay tahay gabey laga hayo mid ka mid ahaa Culimadii ugu waaweynaa Soomaaliya, noolaana qiyaas ahaan kudhawaad labo qarni ka hor.

Tix ka mid ah Gabay uu lahaa Xaaji Cali Cabdiraxmaan Fiqi-Khayre,(Xaaji Cali Majeerteen) asaga oo diidanaa qabuuraha iyo xoolaha lagu dul gowracayo ayaa waxa uu yiri

MA AKALO WAMAA UHILA IYO ARI QABUUREEDKA?

Kelmadaha ka muuqda tixdaas ayaa iskugu jira kalmad carabi (AKALO =CUNO) ah iyo aayada Qur?aanka ah (WAMAA UHILA LI KHEYRI LAAHI, suuratul, Maa?ida) micnaheeduna yahay (wixii aan magaca eebe weyne ka aheyn lagu gowraco).

Gebaygaan ayaa muujinaya in Xaaji Cali hardan kula jiray Dariiqadan Suufiyada ee Qabuuraha iyo siyaarooyinka badan quudan jiray, Xaajiga oo marka la sifeynayo lagu sheego in uu ka mid ahaa Salafiyiintii hore ee Soomaalida.

Diidmadaas Xaaji Cali oo xer badan lahaa, umad badana aflaxiyay, hadana lama cadeyn karin ama ma jirinba saameynta uu ku yeeshay Dariiqadan, waxaase cad in ay hore u soo socdeen halka aan la helin cid sii wada kaalintii Xaaji Cali.

Dariiqada Qaadiriyada v Dariiqada Saalixiyada:

Lama hayo kagadaal Xaaji Cali cid la xusi karo oo Dariiqadan ay iska horyimaadeen, balse caqabadii ugu weynayd waxa ay soo foodsaartey xiligii Daraawiishta oo hogaamiyahoodii uu wadanka soo galiyay Dariiqo kale SAALAXIYA, oo asagu hormood u ahaa, tanoo keentay in uu u babacdhigo Dariiqadii Qaadiriyada, ilaa uu gaaro heer uu dilo Shiikhoodii ugu weynaa xiligaas, Ibraahim Bin Cabdalle Mayal (Shiikh Aweys) waana tuu gabeyga ka tiriyay uu leeyahay

?CANDHO DOGOBLE GOORTAAN DILNUU ROOBKU NOO DA?AYE?.

Dilkii Shiikh Aweys waxa ay aheyd mid colaad xun ku dhex abuurtay labada Dariiqo, Dariiqada Qaadiriyadu awood ahaan ma hor istaagi Karin Saalixiyada, oo markaas awood Meliteri laheyd, balse sida la xuso waxaa jiray fatwooyin ay soo saareen wadaadii Qaadiriyada iyadoo laga sheegay in ay yiraahdeen ?Ninkii dila wadaad Saalaxiya ah waxa uu la mid yahay asagoo dilay kun gaal, Janada guri baa laga siiyaa?.

Waxaa hal mar daciifay awoodii Dariiqada Qaadiriyada, Sayid Maxamed-na maalin walba gabey hor leh ayuu u soo gudbin jiray Culimadii Qaadiriyada oo markaas wada hoos fadhiday dhulkii Gumeysigu gacanta ku hayay, halka kuwa kalena uu ka codsan jiray in ay Daraawiish iyo Saalixiyadiisa kusoo biiraan.

Gabey kale oo uu ku bidhaaminayay culimadii aan ku biirin Saalixiyadiisa, ee danahooda ka raacday, ayagoo aan dhag u jalaqsiin jihaadkii uu ku dhawaaqay, baladkana iska mushaaxayay, waliba magaalooyinka gacanta gumeysiga ku jiray, waatuu ku lahaa

CULUMADA SIDII BAANIYAAL, BALADKA MEEREYSA

BAABKII ALLAA LAGA AKHRIYEY, IN AY BALOOBEENE

INAY BELALKA NAARTII KU DHICI, BA?A EE YOW SHEEGA?

Marka laga yimaado Culumada Dariiqada Qaadiriyada, waxaa cad in bulshada caamada Soomaaliyeed laftigeedu diidan tahay Dariiqo aan ka aheyn taas Qaadiriyada, taasna waxa cadeyn u ah Saalixiyada oo xiligaas awood sare laheyd, ayaa hadana waxaa ku adkaa in ay hanato caamada dhagweynta aheyd, ayagoo oran jiray waxaan wixii la ina baray ma aheyn, waxaa muujineysa taas Gabey uu tiriyay Daylan Nuur Guray

DAYLAN NUUR GUREY:

 

Hadey maanso caraf leedahay, Caashaq iyo xiiso

Awal waan kasoo carafsadaan, Caynwalbaw iriye

Cajab weeye maantana aduun, Camalka joogaaye

Ciiryaamadii shalay dhacdiyo, Cararkii Oogaad

Cadcadkii lalaayiyo raggii, Cirida gawriiray

Caynaan waraariga hadii, La isku caatoobay

Ee laba ciidan iskugu timid, Ceelka ina Geelle

Car joog iyo car soo soco, Caymankaas noqotay

Nin cisaara qaba waxaan lahaa, Waa la caajumiye

Ileen nimanka waa loo cadgoyn, Cune abuurkiiye

Nin cadaaday oo caalim ah, Oo madaxu cawsoobay

Oo ciidan in uu galo kol hore, Laga calool duubtay

Ninku waa caruusaye warmaha, Ku cadcadee oo dil

RABI IYO NABAA LA CUSKADEE CAADO MA AHAYNE

In wadaadadu ceeb huriyeen oo,Camal kufaaroobeen

Iyo in ay cilmaan laba aqoon Curiyeen oo keeneen

Caamaanu nahay oo qalbigu, Naga caruurowye

Iyagaaba cibaadada hayee, Culumo weydiiya

Caruur dhalatay aan wali guryaha, Caradna u dhaafin

In caloosha laga soo ridoo, Haada la cunsiiyo

RABI IYO NABAA LA CUSKADEE CAADO MA AHAYNE

In wadaadadu ceeb huriyeen oo,Camal kufaaroobeen

Iyo in ay cilmaan laba aqoon Curiyeen oo keeneen

Caamaanu nahay oo qalbigu, Naga caruurowye

Iyagaaba cibaadada hayee, Culumo weydiiya

Inta naag calool lahoo jilbaha, Ciida galineysa

Waxey la cartanleysaba hadii, Dumar ku soo ciidmo

Ciyaal maalintaas larkayee, Ciidagale moodid

Inuu caawimaa la arki jiray, Calaf ninhaystaaye

Caanaha naasaha ku yiil, Cunugu yuu nuugin

Curkana ka goo gaalada cad bay,Camal wadaagaane

RABI IYO NABAA LA CUSKADEE CAADO MA AHAYNE

In wadaadadu ceeb huriyeen oo,Camal kufaaroobeen

Iyo in ay cilmaan laba aqoon Curiyeen oo keeneen

Caamaanu nahay oo qalbigu, Naga caruurowye

Iyagaaba cibaadada hayee, Culumo weydiiya

Allaha u naxariisto ABWAAN DAYLAN NUUR GUREY, gebaygiisu waxa uu na tusayaa sida ay u mariweyday Dariiqada Saalaxiyada iyo ficiladeeda oo uu leeyahay wixii naloo sheegi jiray ma hayaan, asagoo sida tixihiisa ugu danbeeyay ku cadeeyay isweydiinaya in shaqadii gaalada meesha timid iyo in cilmi hor leh Saalixiyadu la timid.

Inkastoo Daraawiish ay aheyd ama la oran karay waxa ay u halgamayeen Dal iyo Diin, hadana dhinaca kale waxa ay cagta saareysay Dariiqadan Qaadiriyada, ayada oo abuureysay, xoojineysayna afkaarta Dariiqadooda Saalixiyada, tanoo laga dareemi karay culumadii kusoobiirtay Daraawiishta in ay si uun u diidanaayeen Saalixiyada uu Sayid Maxamed horboodayay, waxaana cadeyn u ah in ?Shirqoolkii Canjeel Talowaa? oo ahaa mu?aamarad lagu go?aansanayay in Sayid Maxamed looga takhaluso uu ku jiray Shiikhii Daraawiish oo dhan cilmiga ka qaadan jireen (SHIIKH CABDALLA QORIYOW), Sayid Maxamed gabeygii uu ka tiriyay shirqoolkaas ee Siinleyda ahaa waatuu lahaa asaga oo si gaar ah u xusaya shiikhaas shirqoolkaas fadhiyay

SUGI MEYNIN QORIYOW IN UU SUUQYA II TUMANE?

Jabkii Daraawiishta uma aheyn guul gumeysiga oo kaliya, balse waxaa la oran karay waxa uu ahaa fursad qaali ah oo Dariiqada Qaadiriyada u ogalaaday in ay soo ceshato kaalintii ay ku laheyd bulshada Soomaaliyeed, iyadoo halkaasna ay ku baaba?day Saalixiya oo ubaxeedu ku bacrimi jiray jiritaanka Daraawiishta oo kaliya.

BIXIN 1921 SAALIXIYA V BIXIN1992 AL- ITIXAAD:

Sayid Maxamed Cabdalle Xassan, gabeygiisii DARDAARAN, ee uu tiriyay markii la jabshay Daraawiish, asagoo tilmaamaya gumaadkii loo geystay Culimadiisii Saalixiyada waxa uu yiri

Nin dooriyo wixii sheikh la dilay, culumadii diinka

Wixii duubcaddii ay wadhnayd, Bixin duleedkeeda

Dooxada Garoowe ah wuxuu haadku, dul u faagay

Gabeygani waxa uu ku tusayaa sida loo laayay culimadii Saalixiyada, iyadoo halka gabeygu tilmaamayona tahay Bixin oo ah duleedka Degmada Garoowe, halkaas oo ah meeshii 1992-kii lagu laayay dhalinyaradii Itixaadka, markii laga saaray Magaalada Garoowe, dagaalkii ayaga iyo SSDF-ta oo shacabka iyo Dariiqooyin kaleba la safnaayeen.

Xerta Timaweynta, oo Shiikh Maxamed Rabiic hogaanka u yahay, ayaa ka qayb galay dagaalkaas Al-Itaxaadka lagu jabinayay, Nashiidu ay ka sameeyeen dagaalkaas ayaa waxa ka mid ahaa, tixahan ay ku xusayaan Dooxada Bixin, ayagoo sheegaya sida ay ugu guuleysteen

Buurtii Saliid,

Bankii Bixin baa ka fiican

Baroontiinaas,

Baroontayadaa ka fiican

Baal cadihiinana,

Baal gaduudkayagaa ka fiican.

Buurta Saliid ayaa aheyd halkii dagaalyahankii Al-itixaadku isku urursadeen markii dhulka kale laga soo saarey, ayagoo ku jabshay huwantii ay SSDF-tu hogaamineysay, iskudayo ay is lahaayeen cagta ku marsha, ka hor inta aysan heshiiska qaadan, wadaadada Suufiyada timoweynta, ayaa u xusaya in Bankii Bixin, uu uga fiicnaa Buurtaan Saliid ee laga saariwaayay raggan.

Tani waxa ay nabareysaa sida taariikhdu usoo noqnoqoto, Bixin 1921, Dariiqadii Saalixiyada ayaa lagu gumaaday, Bixin 1992, Itixaad ayaa haadda loo waray, u maleyn mahayo qof xasuusan taariikhdaa in uu jiro, waxaadna ka heleysaa hadii aad baartid Gabayadii hore.

Tan iyo intaas wixii ka danbeeyay waxaa bilaabmantay labakacleyntii Dariiqada Qaadiriyada, waxa ayna bilaaben sidii ay usoo ceshan lahaayeen kaalintii ay lumiyeen intii ay Saalixiyada gabagabeynta ku haysay.

Bulshada Soomaaliyeed iyo ayagu mar walba waa yareed dareen ka dhex dhalan karay, lama yaqaan sababta, balse wadaadaan Salafiyiinta ku abtirsada marka ay sharxayaan Dariiqooyinka Suufiyada waxa ay ku sheegaan in mar walba ay wax u socodsiiyaan sida shacabka daneynayo, shirkina ka maqneyn, ayagoo diidaya in ay lumiyaan danahooda gaarka ah.

Waxey galeen xili baraare Daraawiish ka dib, balse waxaa ka dhashay culumo diidanaa danaha gumeysiga, ayna ka mid ahaayeen Sh:Xassan Barsame, oo koonfurta ka kacay, asagoo Talyaaniga ka hor yimid, sidoo kale ayaa dhacday in Magaalada Burco lagu dilo Shiikh Bashiir, Xaaji Aadan Af-Qaloocna waa tuu ka tirshay Gabeygan hoose arintaas.

Duhur baa Bashiir lagu Shannaqay Daar agtiina ahe

Damal la hargalaabay jabsheen Waqay duloobeene

Dahriga iyo Laabtay rasaas kaga duleesheene

Sida gabeygiisa ka muuqata Cismaan Yuusuf Keenadiid, oo isna xiliyadaas noolaa, soona gaaray Xornimadii ayaa gabayadiisa mid ka mid ah laga dheehan karay khilaadka Dariiqooyinka, tixahan ayaana cadeyn u ah.

Culumadii Gadaalkan waxaa Galay Khillafweyne

Geyigana Dariiqooyin baa Goosan ku ahaaye

Khaliifyadatan Guutadawata iyo Calanka Giirgiiran

Iyo Gabanada soo Baxay Dhowaan yaw u Garniqi doona

Khilaafka ka sakow Cismaan Yuusuf oo abwaanimada ka sakow Shiikhna ahaa, ayaa sida Xaaji Cali Cabdiraxmaan Fiqi-Khayre, la oran karay Salafiyiintii Soomaaliya ayuu ka mid ahaa, asagoo wadadii Xaaji Cali lagu faylinayo, tixdaan hoose ayaana bidhaamineysa in uu nin ehlu towxiid ah ahaa, wuxuuna yiri

Nin shugriga ilaahiyo, Shahaadada qiraan ahay

Nin sharuuda towxiidku, Ku shisheyso baan ahay

Nimaan sharacu suu yiri, Shakiyeynin baan ahay

Nin shafeecadii nebiga, Shisanaaya baan ahay

Nin shabaab ahaantii, Shareecada bartaan ahay

Mar kale asagoo dhaliilsan culumadii dariiqooyinka, waatuu gabeygiisii Guubaabo Qaran1952, ku xusay, asagoo leh

Culimadiina damac baa melgoo, mooyi say tahaye

Milladdiyo shareecada bar baa, maal ku iibsadaye

Marsiis iyo maddiidduu ku dhacay, magane diinkiiye

Waxaa kaloo jiray gabey kale Cismaan yuusuf, asagoo muujinaya dhaqanka Dariiqooyinka ku jireen sida uu u diidanaa yiri

Waxa calanka loo lulahayaa, Cood kusoo badiye?

Isla xiliyadaas ma aheyn oo kaliya raga soo baxay ee si uun u diidanaa dhaqankii Dariiqooyinka qaar ka mid ah, balse waxaa aad loo xasuustaa Shiikh Nuur Cali Colow, oo isna dadaal dheer u galay sidii uu wax uga sixi lahaa raadkii Dariiqooyinka, tanoo keentay iskadaa culumadiiye, in bulshadii caamada aheyd ka hortimaado Shiikh Nuur Cali, dhaleeceyna kala kulmay.

Waxaa muuqata in Dariiqooyinka Qaadiriyadu hormoodka u aheyd ay si kal iyo lab ah u hanteen bulshadii Soomaliyeed intoodii badneyd, bulshaduna ayba aheyd kuwii hortaagnaa in ayaga iyo Dariiqadooda Qaadiriyada la kala dhex galo.

Wixii waqtiyadii xornimada la qaatay ka danbeeyay Dariiqadu waa soo kaceysay, ayadoo markaan saaxiibo ku yeeshay Dowladii, dhinaca kale waa ay jireen culumo badan oo wax barasho dibadaha ah helay, kuwaasoo laftigooda la soo laabtay culeyskooda, ha ahaadeen kuwii Al-As-har kasoo qalin jabiyay, ama kuwii Sacuudiga kusoo aflaxay. Waxaase ciirtoodu laba rogmatay xiligii kacaanku curtay, dariiqooyinkuna si weyn ayay u kaceen.

Sideetamaadkii ayaa marka kale culeys weyn ku yimid Dariiqooyinkii, iyadoo taasna u sabab ahaayeen Diinta barashadeedii oo wax badan laga ogaaday, sidoo kalena ay soo baxeen dhalin yaro ay hormuud u ahaayeen Ikhwaan Muslimiinta.

Gabayadii Abshir Bacadle iyo waxaa is helay Shiikh Boqol Soon, tani waxa ay keentay in Dariiqooyinkii hadal laga waayo, ilaa ayba 1991-kii Qaranimadii Soomaaliya faraha ka baxday.

Tani markii ay dhacday dad badan ayaa u qaatay in wax la yiraahdo Dariiqo danbe in aan dib loo arki doonin, meel walba waxaa yaacayay wiil dhalin yaro ah oo surweel gaaban iyo gar aan baxeyn leh.

Shacabkii oo la deyeysnaa dagaaladii qabiilka iyo Dowlad la?aanta ayaa dhalinyaradani dhinacooda ka faa?ideyteen, waxa ay sameysteen awood ciidan, waxa ayna is tuseen aaminnaadii loo hayay in wadaanta dhinac qabsadaan, meel walba in ay ayagu xalin karaan ayaa u soo baxaday.

Dariiqadii Qaadiriyada ayay albaabada iskugu dhufteen, markaan Qaadiriyadu ma helin shacab ku hagoogta, balse dhinac ayay inta u baxeen yiraahdeen ?Af daboolan waa dahab?, waxa ay isku fiirsadeen shacabkii iyo dhalinyaradii hamuumneyd.

1992-kii ayaa war farxad leh u soo yeerey Dariiqooyinkii ku sugnaa Waqooyi Bari Soomaaliya, markii ay arkeen shacabkii ay tooshka u hayeen SSDF-tu iyo dhalintii Al-Itixaad oo waranka isku boobaya, dhinacooda ayay ka galeen safka, waana tan aan kor ku xusay in dhalintii lagu laayay BIXIN qayb ka ahaayeen.

Tani ma gaarsiin wixii ka danbeeyay dirirtaas heerkii ay joogijireen, balse waxa ay u aheyd mid ay madaxa ciida uga ceshteen, shacabkiina waxa u muuqatay in kaalinta Dariiqooyinka aysan lumin.

Mar nin odey ah oo u garnaqayay labada qolo, waa Dariiqooyinka iyo Dhalinyaradaan Salafka ku abtirsaneysa, ayuu waxa uu yiri ?Waar qolodaan Dariiqadu meheradoodii waa shacabkooda, Halka qolodiinaan Dhalinyarada ahani meheradiinii ay Carabta noqotay?.

Dad badan ayaa aaminsanaa Dariiqooyinku in ayan sinaba kusoo laabaneen, saaxadana sidaas ay uga baxayaan, waa la oran karaa mid

?Qaabkii nolashoodu ku xirnayd ayaa isbadalay, tanaana keeneysa in aysan lug danbe lakicin?, waase ka badbaadi karaan hadii tab iyo xeelad kale helaan.

Usoo noqo hada iyo kaalintooda, waxaa mideeyay magaca Ehlu Suna Waljameeca, guntigey xirteen oo waa kuwa dirita u taagan, aan is daafacno ayaa taladoodu noqotay, meel aan laga filaneyn ayay kasoo baxeen, shacabkii iyo iyagiina waa isku soo olalayaan, oo dan ayaa isku soo riixeysa, maxey tahay SABABTU?

Fursadan iyo labakacleyntooda ayaa waxa sabab u noqday qolooyinkii huwanta Maxkamadaha sheegan jiray markii danbane firqooyinka usii kala furfurtay, kuwaasoo target ka dhigtay wadaadadii Dariiqooyinka, ayaagoo ula dhaqmay sidii dad gaalo ah, hadalkoodiina kusoo ururshay shirki baan ka daadineynaa.

Daadintii shirkiga ayaa keentay in difaacu nafsi galaan, meel aysan filanayna uga soo baxeen kooxihii kale, sidoo kale khaladaadkii culumadii Salafiyada sheeganayay ayaa waxa uu unoqday gool kale oo sumcadoodii soo ceshay.

Tani waxa ay is xasuusisay ayaga iyo shacabkii lakala abaajiyay, iyadoo shacabkii soo xasuusteen barisamaad iyo tuf ku kheyrayaashoodii xirsiyada u xiri jiray, siyaarooyinkii baaqday ayaa dib loo iclaanshay, xuskii Mowliidka Nabiga ?NNKH?, iskadaa Soomaaliyee, wadamadii dariska iyo Yurub ayay soo gaarsiiyeen, marlabaad ayaa waxa shidmay shaashad sanado badan xirneyd.

Soomaali iyo Dariiqada Qaadiriyada:

Qormadeydani waxa ay xasuus u tahay sida Dariiqadan Qaadiriyada iyo Shacabka Soomaaliyi u kala maarmeyn, Soomaalina xudun u tahay taas, firqo kale oo barabixin kartana hada aysan muuqan, qolooyinkii ugu dhawaa ee halista gashay waakuwaas ayagu iscunaya, umadiina cunaya.

Taariikh ahaan Dariiqadani qayb weyn ayay ku qaadatay muslinnimada Soomaaliya iyo geeska Afrikada Bariba, waana ay mudan yihiin in lagu tixgasho, umad jiilal ah ayay soo aflixiyeen, wadaado badan oo sare u qaadey diinta ayaa kasoo baxay.

Dhinaca kale ayaa lahelayaa dhaliilo iyo waxyaabo ay ku talaxtageen, balse la sixi karo, tanoo u baahan wadajir iyo in caqli shaqeeyo.

HALISTA AY KU HOOBAN KARAAN:

Balse hal arin ayaa jidha oo hadii ay kusii socdaan, sida looga samray firqooyinkan bilaawaha la ordaya, ayagana looga samrayo, waana bohosha hadii ayan ka digtoonaan dibirtu ka haleyso, waa marka wadaanta sumeysan ee kooxahaan Soomaali la haray 20sano ayaguna dacalkooda in ay ka fuuqsadaan bilaabaan, xukunka iyo kursiga dhiiga dhex heehaabaya hadii damac ka galo, kasamir weeye xaalkoodu, waana tii ay kamaqnaayeen noloshooda in ay ka duceeyaan maahane.

Qolooyinkii Dagaal oogayaasha ahaa ee ayaguna is tusay in ay dabka kuqabsadaan, ayaa iyaduna ah halis kale hadii ay hoostooda ka saarin, dhaqdhaqaaqooda kale ee shisheeyuhu ugu durbaan garaacayaan si maalinba qolo madaxa loogu gashana, waa aafo afka ciida u galin karta.

Hadaba sida kaliya iyo wajiga kaliya ee baaqi ay kusii ahaan karaan, waa iyaga oo ku laabta dariiqoodii hore ee soo gaarsiiyay maanta, dibna u saxaan daldaloolada muuqda ee iyaga iyo shacabka lagu kala dhantaali karo

W/D Muxyadiin Ciid

alcarab1@yahoo.co.uk