Qoraallo xiiso leh

Qoraalkii Hay’adda Cilmi Baarista PDRC looga xiray Kulankii Garoowe Eeg Qod

Madaxtooyada dowlada Puntland ee magaalada Garowe ayaa [ Maalintii Arbacada ee 26-May 2010] amartay in irdaha loo xiro shir saddex maalmood ka socday xarunta hay’ada cilmi baarista iyo horumarka Puntland ee PDRC kaasi oo ay ku qabatay magaalada Garowe.

Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen masuuliyiin ka socota dowlada, wakiilada bulshada rayidka iyo hay’ado ayaa looga hadlay cilmi baaris ku wajahan xaalada Puntland oo mudo sanad ah ay waday hay’ada PDRC taasi oo lagu soo bandhigay xog faahfaahsan oo ka hadleysa wadciga ka jira Puntland.

Cilmi baaristan oo sidoo kale ka hadashay siyaasada, maamulka iyo amaanka ayaa si gaar ah diirada u saartay caqabadaha hortaagan in la helo amni, xasilooni iyo maamul baahsan, taasoo eedeeda wax laga saarar dowlada. Balse dowlada Puntland ayaa u muuqatey inaysan ku qancin waxyaabihii shirkaasi lagu soo bandhigay inkastoo markii hore ay dowladu ka qeybgashay oo xitaa shirka uu furay madaxweyne ku xigeenka Gen C/samed Cali Shire.

Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga Daa’uud Maxamed Cumar oo isagu laftiisa furitaankii shir ka hadlay ayaa maalintii dambena ku dhawaaqay joojinta shirka, isagoo markaasina ku tilmaamay shirku inuu faragaliyey jiritaanka Puntland amnigeeda iyo xuduudeheeda.

Haddaba waxaa haatan taagan su’aal ah, Khaladka ma waxaa lahaa dowlada mise PDRC ee cilmi baaris xasaasi ah soo bandhigtay? si ay akhrstayaasha u fahmaan waxna uga ogaadaan cilmi baaristaasi iyo waxyaabihii ay ka hadashay ayaanu halkan ku soo daabaceynaa warbixinta daraaasada oo dhan.

Xusuusin: Warbixintan oo ka koobneyn English iyo Af Soomaali waxaa xusid mudan in PDRC aysan ugu talagalin in la faafiyo maadaama warbixintu weli tahay qabyo (darft dreport) oo dood ay ku jirtay. Haddii ay jiraan khaladaad xagga hingaada waxaan cadeyneynaa inay tahay sida ay u diyaarisay PDRC oo aanu nuqulkii asalka ahaa ka soo qaadnay.

AFEEF:

SOO KOOBID NATIIJADA SAHAN XOG URURIN

XAALADA PUNTLAND

(PUNTLAND NOTE)

SAHAMIN TIIRKA NABADA

Arimaha Caqabadaha ku ah Nabadgelyada, Qanuunka iyo Kala Dambeynta, Dhaqangalka Dimuqraadiyada iyo Awooda Xukun oo lagu Fidiyo Maamulka Degmooyinka.

Madiqada waqooyi Bari Soomaaliya waxay heysatey nabadgelyo iyo xasilooni tan iyo burburkii dowladii Soomaaliya sanadkii 1991-dii iyo dhismihii ka dambeeyey ee dowlada Puntland ee Soomaaliya sanadkii 1998dii. Waxaa markiiba la baabi’iyey jidgooyooyin ay wadada weyn ee magaalooyinka badankooda isku xidha oo ay sameysteen budhacad berri hubeysani; kuna dhibayeen baabuurta wadadaas maraysa, waxaa la aas aasay hay’adihii maamul ee nidaamka dowladnimo saldhiga u noqonayey, arrimaaas oo xilligaas noqday waxqabad weyn oo loo baahnaa.

Afartii sano ee hadda ugu dambeysay xaalada way ka soo dareysay; sababtoo ah waxa soo kordhay kooxo cusub oo ku hawlgala falal budhcad badeednimo oo ay dakhli aad u badan ka helaan iyo hawlo kale oo sharciga khilaafsan kuwaasoo ay ka mid yihiin afduubka ajaaniibta, waxaa kale oo soo kordhay isku- dhacyada qabiilka ku salaysan iyo dilal lala beegsanayo dad loo aaneynayo siyaasadda, kuwo loo aanaynayo kooxo diineed; dilalkaas oo beryahan dambe loo adeegsado habab kala duwan oo cusub; sida bambooyinka, baabuurta qaraxda iyo dadka ismiidaamiya.

Nabadgelyo yaraanta ka soo dareysa iyo sii liidashada sharciga iyo kala danbaynta, guud ahaan waxaa loo aaneeyaa debecsanaanta nadaamka dowladnimo iyo xilgudasho la’aanta ka dhalanaysa agabyarida iyo maqnaanshaha kartida lagu hanan lahaa maareynta dhibaatooyinkaas.

Hab u socodkii siyaasadda iyo dhaqaalaha ee sanadihii dambe waxay saameyn guud ku yeesheen xaaladaha nabadgelyo iyo deegaansho ee mandiqadda. Bartamihii sanadkii 2001dii, khilaaf dastuurka la xiriiray ayaa si weyn u wiiqay dhismihii horey u socan lahaa ee maamulka iyo sharciga iyo kala danbeynta, hakadna ku keenay horumarkii siyaasadda iyo maamuul.

Sanadkii 2003dii heshiis nabadeed oo waqtigaas ay wada galeen hogaamiyaashii labadii kooxood ee dagaallamay oo kala ahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed (oo ahaa madaxweynihii waqtigaas) iyo Maxamud Muuse Xirsi (Cadde)- Hogaamiyihii mucaaradka, heshiiskaas nabadeed ee labada dhinac wada galeen ayaa soo afyaray mudo ahayd isku-dhac hubaysan, wuxuuna dhaliyey awood qaybsi iyo ciidan kooxeedkii oo lagu daray ciidanka dowladda Puntland.

Sanadkii 2004dii, Puntland markale waxay gashay khalkhal siyaasadeed markii madaxweynihii Puntland Cabdullaahi Yuusuf Axmed uu noqday madaxweynaha Dowlada Fadaraalka Ku-Meel Gaadhka ee Soomaaliya; arrintaas oo Puntland ka dhex abuurtay “marnaan” siyaasadeed (political vaccuum).

Xaaladahaasi waxay dhamaatay markii hogaamiyihii ee hore mucaaradka Janaraal Maxamud Muuse Xirsi (Cadde Muuse) uu maamulka doorasho kagala wareegay madaxweynihii ku meel gaadhka ahaa oo ahaa madaxweyne-ku-xigeenkii hore Maxamed Cabdi Xaashi. Waqtigaas maamulkii Puntland ee cusbaa oo Cadde Muuse madaxa ka ahaa waxaa ka hor-yimid dhibaatooyin kaga yimaaday gudaha iyo dibadaba.

Horraantii sanadkii 2007dii, waxaa bilaabmay dib-u-eegista Dastuurka ku-meel-gaadhka ah ee dowlada Puntland iyadoo howshaas gacan ka heshay hay’adda P.D.R.C iyo hay’adda kale ee bah-wadaagta la ah ee Inter-peace. Bishii Fecruary 2010kii, Dastuurka Puntland waxaa ansixiyey Golaha Wakiilada iyo Golaha Wasiirada ee Puntland. Dastuurku wuxuu hadda sugayaa ansixinta dadweynaha Puntland.

Horraantii sanadkii 2005tii, waxaa Puntland ka bilaabmay in xukunka hoos loo daadejiyo oo la gaarsiiyo degmooyinka, hase yeeshee inkastoo howshaasi ay dhashay natiijooyin bilow ah oo wax ku ool ah, haddana ma jiraan goleyaal degmo oo si buuxda u howlgala.

Sanadkii 2009kii, waxaa bilaabmay barnaamijkii ahaa:- Dialogue for Peace (Nabad u wada dahalka) kaasoo laga heley khibrado muhiim ah laguna gaaray guulo la taaban karo, iyadoo tiirarka nabada lagu asteeyey kuwa soo socda:-

1- Nabadgelyo, qaynuun iyo kala danbeyn iyo dib-u-heshiisiinta bulshada.
2- Dimuqaraadiyad shaqeyneysa.
3- Xukunka oo la baahiyo, dadweynuhuna si buuxda uga qeyb-qaato (ula shaqeeyo)

Qoraalkan ku magacaaban: XAALADA PUNTLAND, isagoo abbaaraya dhibaatooyinka la xiriira saddexda tiir ee kor ku xusan wuxuu soo koobayaa nuxurkii wada tashi ballaaran oo mudo sanad ah gudihii laga soo sameeyey lix gobolada Puntland. Qoraalkani wuxuu muujinayaa waxyaabihii ka soo baxay sahanka ee ku saabsan caqabadaha guud ahaan ku wajahan tiirarka nabadda. Wuxuu kale oo sahanku saadaalinayaa habka si wadjir ah ah looga wada qayb-qaadan karo dhismaha nabadgelyada si joogto ah u jirta.

HAB IYO HANNAAN:Dal dagaal ka dhacay in dib loo dhiso, lana gaarsiiyo nabadgelyo cago ku taagan, macnaheedu waxaa weeye xiriiradii bulsho oo dhamaan dib loo wada dhiso. Nabadda lama dhisi karo haddii aan dhamaan qaybaha bulshada si buuxda uga wada qaybqaadan. Sidaas oo kale, dhamaan daneeyeyaashu waa in ay iyana si buuxda uga qaybqaataan. Ujeeddada barnaamijka Tiirarka Nabaddu, waxa weeye in dhamaan dadweynaha Puntland si buuxda uga qaybgalo howlaha xalka loogu raadinayo dhibaatooyinka hortaagan Demuqaraadiyada, amniga, qaanuunka iyo kala danbeynta iyo awoodda oo degmooyinka loo daadejiyo (fidiyo), waana taas sida daneeyeyaasha laftoodu u asteeyeen.

Habka ah cilmibaaris la wadaago ayaa ah midka suurtagelinaya in xaajadu dhexdhexaadda taallo taasoo markaas daneeyeyaashu ay tilmaami karaan dhibaatooyinka shacbiga u muuqda, iyagoo isla markaasna tilmaamaya xalka dhibaatooyinka; habkaas oo lagu gaari karo asaaska xalka muddada dheer.

Wajiga hore ee barnaamijka oo ah gudagal sahanka, waxa weeye qaab shacbiga u suurtagelinaya in uu si buuxda uga qaybqaato cilmi-baaris la wadaagayo oo lagu raadinayo xalka caqabadaha ka hor-imaanaya Tiirarka Nabada ee la isla tilmaamay, iyadoo kaalinta P.D.R.C ay ahayd keliya suurtagelinta kulamada iyo fududaynta doodaha iyo ururinta fikradaha dadweynaha si howlgalka guu ugu dhamaado.

Si fikradaha kulamada ka soo baxaya u noqdaan kuwo matelaya dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland, ka qaybgaleyaasha waxaa lagu xulay hab hab tixgelinaya siyaasiyiinta, cuqaasha, bulsho weynta, culumada gobollada iyo isu miisaamidda lab-dheddig.

Laga bilaabo Abril 2009 illaa Febraayo 2010, koox ka socota PDRC ayaa ku soo wareegtay lix gobol oo ka tirsan gobollada Puntland, kuwaasoo kala ah; Nugaal, Bari, Mudug, Bariga-Sanaag, Karkaar iyo Sool; wareegaas oo isugeynta lagu soo maray 15 (shan iyo toban) degmo, iyadoo kooxdu degmo walba ay ka habryneysay dood iyo wareysiyo.

Iyadoo la tixgalinayo xaaladaha gaarka ee ay ku sugan yihiin qaybaha bulshada Puntland, iyo sida haweenka, dhalinyarada, dadka laga badan yahay iyo qaybaha la gacan bidixeeyo, waxaa la qabtay kulamo iyo wareysiyo oo qeybahaas lagu tixgalinayo. Guud ahaan, mudadii lagu guda jiray sahaminta barnaamijka Tiirarka Nabadda waxaa wada tashi lala yeeshay 728 qof (toddoba boqol labaatan iyo siddeed).

Xogtii soo ururtay waxaa falanqeeyey cilmi baareyaal, oo ku kala aadiyey tiirarka kala duwan, aakhirkina waxaa looga dooday miis wareegsan korkiisa. Doodihii kooxaha iyo wareysiyaashiiba waxaa laga duubay filim. Muuqaal ka sameyntu waxay qeyb ka tahay cilmi baarista, waxayna muujineysaa qaabka fikradaha loo soo gudbiyey, muuqaalka guud, duruufaha iyo wajiga ku xeernaa. Qoraalkan waxaa lagu darsayaa kulan loo qabanayo daneeyeyaasha Puntland oo lagu soo xulayo qaabkii horay loogu xulay kooxihii ka soo sameeyey doodaha iyo kuwii lala yeeshay wareysiga.

Qoraalkan marka lagu kordhiyo talooyinka ka soo baxa kulanka daneeyayaasha Puntland laguna sameeyo wixii bedel ah oo kulankaasi soo jeediyo, markaasi ayuu qoraalkani sugmayaa oo noqonayaa meelmar, markaasaana la faafinayaa.

Kulanka daneeyayaasha Puntland ayaa laga codsan doonaa inay taxaan oo tilmaamaan dhibaatooyinka caqabadaha ku ah saddexda tiir ee nabadda iyo inay isla markaas tilmaamaan sida caqabadahaas ka hawlgalka loogu kala hormarinayo.

1- DHIBAATOOYINKA KA HORJEEDA NABADGELYADA, QAYNUUNKA IYO KALA DAMBEYNTADowlada Puntland ee Soomaaliyeed waxay maanta taagan tahay meel kala beyr ah oo waddooyinku isku goynayaan. Puntland iyadoo u socota dimuqaraadiyad buuxda ayey bilowday inay xukunka hoose u daadejiso, haddaba waqtigan muhimka ah waxaa loo baahnaa in Puntland yeelato nadaam xukun oo dhalin kara qaanuun iyo kala dambeyn adag, arintaas oo hadda ka dhiman Puntland. Waxaa jira caqabado u baahan in wax laga qabto si loo diyaariyo jawi isbedel ku abuurmi karo.

Qoraalkan wuxuu muujinayaa xaalada guud ee nabadgelyada Puntland iyo heerka qaanuun-fulinta iyo kala dambeynta, wuxuuna muujinayaa caqabadaha ka horjeeda nabadgelyada, qaanuunka iyo kala dambeynta iyo arimaha kuwaas xiriirka la leh, wuxuuna muujinayaa fikradaha daneeyeyaasha Puntland ka qabaan xaalada nabadgelyada, qaanuun- fulinta iyo kala dambeynta, xasiloonida iyo sida ay u wada shaqeyn karaan xeer dhaqameedka iyo qaanuunka kale oo uu sidaas Puntland uga hirgali karo nadaam caddaaladeed oo shaqeynaya. Qoraalkani tafaasiisha soo socta ayuu ka bixinayaa caqabadaha asaasiga ee ka horjeeda kor u qaadida nabadgelyada iyo hirgalinta qaanuunka iyo kala dambeynta.

CAQABADAHA AMNIGA
Dadweynuhu waxay rumaysan yihiin in nabadgelyada Puntland ay tahay daciif oo aan la isku halleyn karin. Dad la wareystey mid ka mid ah ayaa sidan yiri:- “Inkasta oo nabadgelyada Puntland ay ka fiican tahay meelo kale oo Soomaaliya ah; haddana nabadgelyada Puntland ma aha mid ku taagan cago adag oo si fudud ayey u jabi kartaa. Waxyaabaha dadweynaha ku abuuraya welwelka weyn waxaa ka mid ah hubka faraha badan ee gacanta ugu jira dadweynaha iyo hubka culus ee beeluhu heystaan. Puntland oo dhan qabiil walba wuxuu leeyahay ciidan hubeysan, jilib walbana wuxuu leeyahay siyaasad gaar ah, waliba wuxuu leeyahay hub uu ku xisaabtamayo”, sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah ka qeybgalayaashii kulamada, intaas wuxuu ku daray oo yiri; “haddii aan shacbiga hubka laga uruurin lama fili karo nabadgelyo, qaanuun fula iyo kala dambeyn”.
Arimaha kale ee nabadgelyada khatarta ku ah waxaa ka mid ah jilicsanaanta hay’adaha amniga, kuwaasoo shacbigu aanu isku halayn karin waxqabadkooda. Waxaa iyana saameyn lahaa dagaalada sida joogtada ah uga socda gobolada dhexe iyo koonfurta Soomaaliya, kuwo ururo iyo kuwo qabaa’ilba.

FULINTA QAANUUNKA
Maqnaanshaha hab dowladeed muddo ah labaatan sano ka dib markii dagaaladii sokeeye burburiyeen hay’adihii dowladnimada oo dhan, kuwaasoo la burburiyey dowladii Soomaaliya , waxaa loo arkaa inay tahay xaalad aan fududeyn in dib loo helo nadaam iyo kala dambeyn. Dooddii ka qeybgalayaashii qaarkood waxay tilmaantay inay ka mid tahay arimaha debcinaya fulinta qaanuunka iyo kala dambeynta, isbarbar socodka saddex nadaam- sharci ee kala ah; Shareecada Islaamka, xeer dhaqameedka iyo qaanuunka dowluga ah oo ay saddexduba ka shaqeynayaan Puntland.
Ka qeybgalayaasha qaarkood waxay tilmaameen in madaxda dhaqanku iyagoo khubaro ku ah xallinta khilaafaadka qabaa’ilka haddana oo ay marar wax u dhimaan fulinta qaanuunka, isagoo madax dhaqameedkaasi markaasi daafacaya dembiile ka soo jeeda qabiilkiisa.

CAQABADAHA HAY’ADAHA DOWLADA

Sahankani wuxuu muujinayaa in hay’adaha garsoorka iyo qaanuun fulinta ay ka dhiman tahay awoodii ay ku maamuli lahaayeen nadaam caddaaladeed oo adag. Adeegyada dadweynuhu way ku liitaan degmooyinka Puntland oo idil marka laga reebo Boosaaso, Garowe iyo Gaalkacyo, saddexdaas oo leh nadaamkii maxkamadeed oo shaqeynaya, xabsiyo iyo saldhigyo boolis oo shaqeynaya (inkasta oo qalabaynta hay’adahaasi ay liidato). Saldhigyada booliska iyo xabsiyada oo aan lagu maalgelin awoodihii howl fulintooda (jidad, gaadiid iyo baahiyaha kale) ayaa wiiqaya kalsoonida dadweynaha ku aamini lahaa caddaalada iyo qaanuun fulinta.

SIYAABAHA NABADGELYO XUMADA AY UGA QEYBQAADANAYAAN FAQRI BAAHSAN, SHAQO LA’AANTA IYO SAAMEYNTA XUN EE BUDHCAD BADEEDKA:-

Ka qeybgalayaasha mid ka mid ah ayaa wuxuu yiri;- “Budhcad badeedku waxay joogaan meel walba Karkaar, Sanaag, Nugaal, Mudug iyo Bari iyo meelkasta oo ah Puntland. Hay’adaha sharci fulintu ma qaban karaan oo ma xiri karaan; sababtoo ah budhcad badeedku waxay haystaan lacag wayna hubeysan yihiin. Hay’adaha sharci fulintu kama hortegi karaan kooxo iyaga ka hub-culus”.

DIB U SOO NOQOSHADA DAGAALADA QABIILKA KU SALEYSAN

Ugu dambeyntii; soo noqoshada dagaalada qabiilka ku saleysan ayaa loo arkay dhibaato khatar ku ah nabadgelyada oo sababaysa barakac dadweyne, isla markaasna burburineysa ganacsiga iyo isu socodka oo ciriiri gelineysa nolosha bulshada. Dagaalladaas qabiil marka lagu qaboojiyo howlgallo gudaha ah waxaa caqabado lagala kulmaa marxalada heerka fulinta iyo joogteynta nabaddaas.

2- CAQABADAHA DIMUQRAADIYAD SHAQEYSA IYO GEEDI SOCODKA DIMUQRAADIYADDA:-

Cilmi-baaristani waxay muujineysaa horumarka Puntland ay ka sameysay ka guurka nadaamka ku dhisan habka qabiilka iyo ku tallaabsiga hab siyaasadeed oo dimuqraadi ah, waxayna tilmaameysaa caqabadaha horyaal soo ifbaxa hab dimuqraadi ah oo shaqeynaya. Caqabadahaasi kama baxsana xaalado la xiriira hab nololeedka guud ahaan Soomaaliya ugu soo jiri jiray.

Puntland waxay ku jirtaa tallaabooyinkii bilawga u ahaa jidka ay u qaadeyso dhinaca dimuqraadiyada waxay ka guureysaa nadaam ku dhisan hab qabiil waxayna u guuraysaa habka dowlad ku dhaqanta nadaamka asxaabta badan. Waxaa ah waajib muhim ah oo la xiriira hawsha dhismaha dimuqraadiyada inay wadada u xagaafto habraacna u dejiso hay’ado u dhisan hab dimuqraadi ah sida; hab dimuqraadi ah loogu gudbo waa dhisme leh qeybo badan oo isdabo taxan oo u soo dhisma qayb qayb isla markaasna ay soo hoos galayaan arimo badan (kuwo siyaasadeed, kuwo dhaqaale, dhisme hay’ado cusub iyo isbedelo xagga dhaqanka ah) iyadoo ka qeybqaadashada dhismaha taxanaha ah ay wada wadaagayaan dhinaca bulshada ah oo kala duwani; sida bulsho weynta, jaaliyadaha dibada iyo maamulkuba.

Bulshada rayidka ahi waxay iyadu u dhismi kartaa oo u kobci kartaa hay’ado ku saleysan aragti iyo fikrado aan abbaan iyo lifaaq u ahayn qabiil iyo reer, waxayna bulshada rayidka ahi diyaarin kartaa oo awood siin kartaa shakhsiyaad ay iyagu ku hubaysan awood iyo kartiyo sax ahi iyo aragtiyo fulin kara xukun wanaag, hufnaan, ogolaansho la xisaabtan iyo talo-la wadaaga bulsho weynta.

Jaaliyada dibada dowlada Puntland waxay siin karaan khubaro siyaasiyiin ah, caawin karaan hawsha geedi-socodka dimuqraadiyadda. Xagga dhaqaalaha jaaliyaduhu aad ayey muhim u yihiin oo lacag ayey soo gudbin karaan oo ganacsatada ayey ganacsiga ku darsan karaan, maalgashina way soo jiidi karaan, iyadoo lagu saleynayo wada tashiyadii lagu sameeyey sahankan. Qoraalkani caqabadaha soo socda ayuu ku tilmaamayaa kuwo dhibaatooyin ku ah geedi socodka dimuqraadiyadda Puntland.

FAHAMKA DADWEYNAHA MACNAHA DIMUQRAADIYADDA:-

Caqabada ugu horeysa oo Puntland taal oo dimuqraadiyadda la xiriirta waxa weeye in la fahmo dimuqraadiyadi waa maxay.
Dimuqraadiyadu si ay Puntland uga hirgasho, looguna guuleysto waa in dadweynuhu fahmaa oo aqbalaa. Inkastoo dadkii lala kulmay iyo kuwii la wareystay badankoodu ay mowqif wanaagsan ka taagnaayeen dimuqraadiyadda, haddana badankoodu waxay sheegeen inay u baahan yihiin inay fahmaan qaabka ay u shaqeyso iyo faa’idooyinkeeda. Guud ahaan, ka qeybgalayaashu waxay sii oddoroseen in dimuqraadiyadda siin doonto haweenka, dhalinyarada iyo qaybaha laga badan yahay, fursado ay si buuxda ugaga qaybgalaan siyaasadda, iyagoo yeelanaya cid ku matesha oo u joogta kaalimaha go’aan qaadashada.

ISKA SOO HORJEEDKA DIMUQRAADIYADDA IYO NADAAMKA QABIILKA IYO SIYAASADAHA QABIILKA KU SALAYSAN:-

Nadaamka siyaasadeed ee Puntland, wuxuu ku salaysan yahay wax wada qaybsiga qabiil, taasaana lagu dhisaa golaha wakiilada, golaha wasiirada iyo xafiisyada maamulka. Nadaamka qabiil wax u-qaybsiga ma tixgelinayo qofka jago loo magacabayo inuu u qalmo jagadaas xag aqooneed, karti iyo daacadnimo midna.

Ka qeybgalayaasha badankoodu waxay nadaamka ku dhisan qabiil wax ku qaybsiga ku tilmaameen inuu yahay caqabadda ugu weyn ee hortaagan dimuqraadiyadda Puntland; iyadoo nadaamka qabiil wax ku qaybsiga lid ku noqonayo xukun wanaagga iyo hufnaanta shaqada maamulka.

Nadaamka wax ku qabsiga qabiilka wuxuu tirtirayaa maamul wanaagga oo dad nadaamkaas xafiisyada ku fadhiya ma yeelan karaan hufnaan maamul, diyaarna uma noqdaan in lala xisaabtamo. Nadaamkaasi wuxuu muhimka dhigayaa in qabiilka daacad loo ahaado meeshii dowladnimo daacad loo noqon lahaa. Demuqraadiyadda Puntland, si ay uga gudubto heer qabiil wax u qabsiga, waxay dhibaato badan kala kulmeysaa dhaqanka baadiyaha ka soo jeeda.

ARAGTIDA ISLAAMKA EE KU WAJAHAN DEMUQRAADIYADDA:-

Qodobka koowaad ee DASTUURKA Puntland wuxuu dhigayaa sidan; “Ujeedada laga leeyahay in la helo dowlad Puntland, waxa weeye in la dhiso hab dowladeed oo ku saleysan wada tashi, demuqraadiyad, sinnaan iyo caddaalad waafaqsan Shareecada Islaamka”.Inkasta oo ka qeybgalayaasha qaarkood dimuqraadiyadda ku tilmaameen nadaam siyaasi oo ka horjeeda Shareecada Islaamka, badankoodu waxay ku nuuxnuuxsadeen in loo baahan yahay nadaam dimuqraaddi ah oo aan ka horjeedin Shareecada Islaamka, iyagoo leh dimuqraadiyadda iyo Shareecadu way wada socon karaan, nuxurkooduna isma diidayo.

SAAMEYNTA DAGAALADA SOOMAALIYA KA SOCDA:-Xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya waa mid daadsan oo aan la sahamin karin lana saadaalin karin. Puntland dhibaatooyin adag ayaa dhexyaal iyada iyo derisyadeeda (Somaliland iyo gobollada dhexe ee Koonfurta Soomaaliya). Meelahaas oo marar ay ku gasho isku dhacyo la xiriira dhibaatooyin soo jireen ah.

Sidoo kale warar marar welwel abuura howlo xiriiriya budhcad badeeda Soomaaliyeed iyo kooxo kale oo u wada shufteeya dembiyada la xiriira hub keenista, daroogada iyo ka ganacsiga tahriibka dadka, kuwaasoo dhibaato u keeni kara demuqraadiyada Puntland.

CAQABADAHA KU SAABSAN HAY’ADAHA PUNTLAND:-Muddadii ahayd siddeedii sano ee ina dhaaftay, geedi socodka dimuqraadiyad u- guurka Puntland waxaa la soo gudboonaaday dib u dhacyo isdaba joog ahaa. Tallaabo horey loo qaaday oo muhim ah waxay ahayd ansixintii DASTUURKA ee dib loo- eegay, inkasta oo ay weli dhiman tahay in dadweynaha loo bandhigo oo uu ansixiyo. Dowlada Puntland ee hadda jirtaa waxay ku talo jirtaa arrimaha soo socda:-

- inay dhisto GUDDIGA DOORASHADA ee PUNTLAND isla markaasna ay diyaariso qawaaniin doorashooyinka.
- iyo faafinta DASTUURKA KU MEEL GAARKA AH iyo in afti dadweyne loo qaado.

Hawlaha Dastuurka ka dhiman waxaa ballan qaaday xukuumada Puntland oo iyada dadweynaha ka sugayo inay dardargelin cusub ku sameyso geeddi socodka dimuqraadiyada. Si kastaba arrintu ha ahaatee, in badan oo ka qaybgashay doodaha ayaa ka gows-qabsaday inay xukuumadda ay awood iyo karti u leedahay ama ay dadaal ugu jirto inay horay u dhqaajiso hawlaha dimuqraadiyadda waqti ku haboon iyo hab ku haboon oo meel mar noqon kara. Xukuumadda iyo Golaha Wakiilada ayaa hogaaminaya hawsha geeddi socodka dimuqraadiyadda, iyagaana yeelanaya lib iyo khasaare kii ay ku dhamaato, iyagaana laga filayaa inay wax ka qabtaan wixii dhibaatooyin ah oo ka hor yimaada geeddi socodka iyo dhaqangelinta dimuqraadiyada Puntland oo lagu dhaqan geliyo waqtiga ku haboon loona dhaqan gelito habka ku haboon.

Dadku walaaca ay ka muujinayaan dhinaca hay’adaha dawladda, waxay u aaneynayaan inay hay’adahaas ka jiraan arrimo ay ka mid yihiin kuwa soo socda;- ka go’naan dadweynaha, khibrad yari, qorshe liita, isku lad iyo rabitaan la’aan, dib u riixid ula kac ah iyo kharajka oo aaney diyaarin karayn.

3- CAQABADAHA HORTAAGAN AWOODDA (Xukunka) OO HOOS LOO DAADEJIYO:-Inay Puntland qaadatay nadaamka xukunka hoos u fidsan illaa degmooyinka; waxaa lagu qoray xeerkii ku meel gaarka ahaa ee 1998-2001, Dastuurka cusub ee hadda dib u -eegista lagu sameeyey. Qodobka 120 e Dastuurku wuxuu jideeyey in Puntland qaadatay nadaamka dowladnimo ee xukunku hoos u daadego. Maamulka dowladu wuxuu u qeybsamayaa Dowlad dhexe, maamul goboleedyo iyo goleyaal degmooyin, iyadoo degmooyinka ay yeelan doonaan dowlado hoose. Inkasta oo dowlada Puntland ay ku tashan tahay inay fuliso nadaamka xukun hoos u daadejinta la dhisayo goleyaasha dowladaha hoose; haddana horumar la taaban karo weli arintaas laga sameyn.

Maanta Puntland waxaa si rasmi ah uga diiwaangashan 36 (soddon iyo lix) degmo kuwaasoo 25 (shan iyo labaatan) ka mid ah kaliya ayaa leh goleyaal jira. Goleyaasha jira badankood ma hawlgalaan, sababo badan dartood kuwaasoo la xiriira xagga dhaqaalaha kuwo lug ku leh maamul xumo iyo kuwo la xiriira khilaafaad dawladda dhexdeeda ah, mararna keena in dawladdu golaha degmadaba baabi’iso.

Inkasta oo dhibaatooyin jiraan haddana xukun hoos u daadejintu wuxuu u muuqday mashruuc xoojinaya nabadda, waxtarna u ah mustaqbalka ee habka xukun dawladda Puntland ee Soomaaliya.

Qoraalkani wuxuu guudmar ku samaynayaa caqabadaha la xiriira in uu Puntland ka hirgalo nadaam xukun hoos u daadejin shaqeeya; arintaas oo ku saleysan sidii ay u tilmaameen daneeyayaashii ka qeybqaatay hawshii P.D.R.C. ay ku sahaminaysay tiirarka nabadda saddexda ah.

HABKA XULITAANKA GOLEYAASHA DEGMOOYINKA OO AAN FIICNEYN:-Ka qeybgalayaasha hawshii sahminta tiirarka nabadda, arintan ayey ku tilmaameen ta ugu daran ee soo wajahday hawsha hoos u daadejinta xukunka. xulshada xubnaha golaha degaanka waxaa lagu saleeyey hab qabiil wax ku qaybsi iyadoo wada tashiyo la sameynayo, hase yeeshee habkaas waxaa loo arkay mid aan habbooneyn isla markaasna aan si dhameystiran loo adeegsan.

Mid ka mid ah ka qeybgalayaashu ayaa isagu yiri; “Gole degmo- waliba wuxuu burburaa inta aanu abuurmin”. Arrintaas waxaa loo aaneynayaa habka lagu salaynayey xulashada xubnaha golaha degaankaa oo ah habka qabiil wax ku qaybsiga.

HEERKA KA QEYBGALKA DADWEYNAHA OO LIITA:-Degmooyin badankooda, derejadoodu ha ahaato A,B ama C waxaa liita daneynta iyoka qaybqaadashada dadweynaha go’aamada noloshooda saameynaya ee golahoodu gaarayo; sida qorsheynta iyo miisaaniyad sameynta. Ka qaybqaadashadaasi ama way liidataa ama maba jirto.

Arimaha kale ee la tilmaamay waxaa ka mid ah ka maqnaanta ka qaybgalka go’aamada kooxaha dhallinyarada, haweenka iyo qabaa’ilka laga badan yahay.

CAQABADAHA HAY’ADAHA PUNTLAND:-Waxaa kale oo la tilmaamay inay jiraan dhibaatooyin salkoodu yahay xiriir xumada ka dhex dhalata madaxda heer qaran, heer gobol iyo heer degmo; taasoo marar gaadha heer isnebcaansho. Sidoo kale; waxaan inta badan wanaagsaneyn xirirka goleyaasha iyo bulshada rayidka ah. Khilaafka ka dhexdhaca xubnaha golaha degaanku wuxuu iska hortagaa inay gutaan hawlihii ay u xilsaarnaayeen. sida ka muuqatey degmooyinka (Gaalkacayo, Dangorayo, Jirriban, Badhan, Dhahar iyo Boocame).

Arrintaas khilaafaadka waa arrin khatar ku ah xil gudashada goleyaasha deegaammada, Khilaafaadka kuwo badan ayaa xiriir la leh dhinacyada maamulka iyo maaliyadda, arrimahaas oo dhan dartood dadku waxay goleyaasha deegaamada u arkaan kuwo xilgudashadoodu liidato, kana arradan hufnaanta iyo la xisaabtan oggolaanshaha una badan dhinaca musuq maasuqa.

Xukuumadda Puntlandna, waxaa loo arkaa inay ka gaabisay daneynta goleyaashaas iyo kobcintooda, hadday tahay xafiisyo loo dhiso oo loo qalabeeyo iyo hadday tahay kaalmooyin farsamo kale oo la siiyo.

GOLEYAASHA OO HEERKOODU HOOSEEYO:-Waxaa kale oo goleyaasha degaamada ee hadda jira dhibaato ku ah, waxaa goleyaashaas ku yar dadka si buuxda u tababaran iyo kuwo xirfadaha buxuur ku ah. Arrintaasi waxay wax u dhimaysaa xilgudashada iyo horumarka goleyaasha hadda dhisan. Ka qeybgalayaashu waxay tilmaameen in aan maamulka Puntland xukun hoos u daadejinta siin dhaqaalihii iyo kaalmooyinkii kale ee uu u baahnaa.

XIRIIRKA XUKUUMADDA DHEXE IYO GOLEYAASHA DEEGAAMMADA:-Iyadoo la hubo in dawladda Puntland ay si dhab ah u dooneyso inay hirgaliso nadaamka xukun hoos u daadejinta, taasoo ay si cad ugu muujisay qorsheheeda shanta sano, waxaa weli maqan in ay si buuxda goleyaasha deegaammada ugu wareejiso awoodaha masuuliyaadka kale ee ku beegan. Illaa maanta hay’adaha iyo wakaaladaha dawlada dhexe ee Puntland, farsamo ahaan iyo siyaasad ahaan midna uma dhaqaaqin inay goleyaasha deegaammada u diyaariyaan ururinta canshuuraha heer degmo ku astaysan, Goleyaasha deegaanka laftoodu ma diyaarsan cudud iyo farsamo ay canshuuraha ugu ururiyaan hab caadil ah oo meel mar ah oo mira-dhal ah.

PUNTLAND DEVELOPMENT AND RESEARCH CENTER (PDRC)
Xarunta Horumarinta iyo Cilmi Baarista Puntland (XHCP)
May, 2010, Garowe- Puntland, Soomaaliya