Qoraallo xiiso leh
83jir sheegta inuu 70sano cuno iyo cabitaan midna dhuunta u marin iyo baari
Saynisyahanada Ciidamada Military-ga Dalka Hindiya ayaa ku mashquulsan baadhitaanka nin 82-jir ah kaas oo sheegtay inaanu Waxna Cunin Waxna Cabin Muddo ku siman Todobaatan Sano.
Prahlad Jani ayaa lagu baadhaya oo lagu hayaa Cusbitaal ku yaal Magaalada Ahmedabad ee Gobolka Gurjurat halkaas oo baadhitaan iyo La socod xaaladiisa ah ku sameenayaan Saynisyahano ka tirsan Ururka Cilmi-Baadhista ee Dhinaca Difaaca.
Ilaa hadda intii lagu Bilaabay baadhitaanka Lix Cisho ayaanu waxba cunin waxna cabin iyadoo si weyn ul a socdaan xaaladiisa caafimaad dhakhaatiirta iyagoo sheegay inaanu jidhkiisa wax saamayn ah ku yeelan cunto la'aantu lixdaa cisho isagoon dareemin wax gaajo ah ama haraad ah.
Ninkan oo sheegay inuu ka tagay gurigooda isagoo todoba jir ah ayaa noola isagoo sheeganaya inuu yahay nin barakaysan oo laga haybaysto, balse sheegashadiisu waxay muran ka dhex dhalisay dhakhaatiirta iyagoo qaar aaminsan inuu jiri karo qof caynkaas ahi halka qaar kalena fikradaas kasoo hor jeestayn.
Xarunta Horumarinta Difaaca iyo Cilmi-Baadhista Hindiya oo inta badan soo saarta Diyaaradaha Dagaalka, Gantaalaha Qaaradaha iskooga gudba iyo Bambooyinka Cusub ayaa sheegaya in haddi Mr Prahlad waxa uu sheeganaya run noqdaan ay doonayan inuu baro ciidamada Dalka Hindiya sidii ay u noolaan lahayeen una badbaadi lahayeen iyagoon cunto cunin marka xaaladaha halista ah lagu jiro.
Taariikhda Khilaafaadka Dariiqooyinka Soomaaliya iyo Laba Kacleynta Suufiyada
Sideen ugu Abtirinnaa Suugaanteena
Geedaha iyo Haadda oo si wada jir ah u diyaar Cabdulle iyo Cawaale
Wiil 11sanojir ah uu sababay IN haweenay Gaalo ah Muslimiyo
Qoraalkii Hay’adda Cilmi Baarista PDRC looga xiray Kulankii Garoowe Eeg Qod
Golaha Wasiirada Puntland. Qaybtii II. Qalinkii Prof. Farjac

