ISBADALKA HANAQAADKA DOWLADNIMADA IYO DIMUQRAADIYADA SOOMAALIYA

ISBADALKA HANAQAADKA DOWLADNIMADA IYO DIMUQRAADIYADA SOOMAALIYA


Waxaan ka mid ahay in yar oo mar walba diida dhinacna iskaga riixa, aragtiyo in badan oo Soomaaliyeed u guuxaan amase ka guuxaan, anoo aanan ku faaneyn in aan ahay nin wax walba og, uusanna iga maqnayn caqligeenii Soomaaliyeed ee aan wada naqaanay, ayaanse is ogahay, oo aan diidaa LAFTA JECLI, LUDA JECLI, ama LAJIIFIYAANA BANAAN, LAJOOJIYAANA BANAAN iyo sidoo kale halheyskeenii cusbaa CADYAHOW KU CUNAY AMA KU CIIDEEYAY.

Oday Soomaaliyeed ayaa laga hayaa “SOOMAALI LA ARAG, YAAB LA ARAG”.


Waxaa lawada xasuustaa dhawaaqyadii ku aadanaa 9sano ee DFKG ah ay dhisnayd lagu hadaaqayay ee ahaa ISBADAL…. ISBADAL…ISBADAL … ISBADAL BAAN RABNAA, kumeelgaarnimada halaga baxo, xukuumad kooban ayaan rabnaa.


MAANTA MAXAA MUUQDA?

Olalihii iyo hardankii loogalay ka guuridii kumeelgaarnimada iyo geedigii oo lasaldhigay Dowlad rasmi ah, hogaan Baarlamaan oo ka hufan kuwii hore, Madaxweyne kasoo dhexbaxay shacabka, markhaati u ahaa 21sano dhibaatadii ay ku sugnaayeen, aqoontii dhalinta Muqdisho xiligii ugu xumaa garab istaagay, lana tacaalay in ayan qalinka dhigin, asagoo u fududeeyay in badan in ay fursadaas aqooneed ka faa’ideystaan, R/Wasaare la mid ah, bulshadiisa u adeegay asaga iyo hay’adiisii Saacid, wax badan kala socday marxalada dadka iyo dalka, indhahaas ku cusub saaxada siyaasadeena, Miyaysan ISBADAL AHEYN?


Mise ISBADALKA RAGG GAAR ah baan u wadnay?


Waa sida in badan oo Soomaali ah ay u yaqaanaan Isbadalka, Waana NIN JECLAYSI.


ISBADALKA SIYAASADEED MAXUU YAHAY?


Taariikhaha marka la xusayo isbadalladii siyaasadeed ee la soo maray waa ay tiro badan yihiin, balse aan wax ka iftiinsho mid ka mid ah isbadaladaas, oo ka hirgalay Great Britain.

Isbadalkii Siyaasadeed ee Great Britain

Laga soo bilaabo 1750 ilaa 1832, ma jirin wax isbadal siyaasadeed oo ka hanaqaaday Britain, wadankana waxaa lagu xukumi jiray sidan:

a)
Waxaa codeyn karay ragga lacagta iyo guryaha leh oo kaliya.


b) Dumarka noocii ay doonto ha ahaatee (macal kuwa hantida leh)  ma codeyn karin.

c) Aqalka Odayadu waxay laalikareyn sharci walba oo ay soo gudbiyaan Barlamaanku.


d) Waxaa xubin ka noqon karay Aqalka Odayada iyo Baarlamaanka Ragga oo qura.



Intaas oo dhan waxaa ka darnaa musuqmaasuqa iyo nidaam xumidii tiilay, waxaa jiray wax loogu yiiri jiray “Rotten Boroughs” oo ahaa deegaano qadiimi ahaa, cid kunool ama ka codeysana aysan jirin, hadana Xildhibaano Baarlamaanka ka soo gali jireen.

Labada ugu caansan oo taariikhdu xustana waxa ay kala ahaayeen Old Sarum and Dunwich.

Old Sarum: Waxaa lagu dacaayadeyn jirey (magaaladii Halka nin, labada sac iyo Beerta ay ku noolaayeen, oo hadana laga soo dooran jiray labada Xildhibaan, “Iyadoo dhab ahaana ay ku noolaayeen 15 qof, kana dhisnaayeen saddex Guri”.

Dunwich: tani waa ka darneyd sida la sheego tan kore, sababta oo aheyd, waxa ay aheyd deegaan ku yaalay xeebta halka loo yaqaan Suffolk, tanoo burburtay badduna liqday gabi ahaanteediiba, ayaa hadana labo Xildhibaan kasoo gali jireen Baarlamaanka.

Sidoo kale ayaa Deegaanka Gatton, oo Surrey, hoostagta halxildhibaan kasoo gali jirey Baarlamaanka, iyadoo degmadana uu joogay wax codeyn karay hal nin.

In alla iyo intii iskudayday in ay ka hadasho  ama tilmaanto, wax la dilo ama loo masaafuriyo Austareeliya amase xabsi la dhigo ayay noqdeen, tanoo keentay in uu xoogeysto fikirkii ISBADAL in uu dhaco.

1830, ayaa Boqortooyadii waxa la wareegay William IV, hadaba asaga oo diidanaa ISBADALKA, ayuu dhinaca kalena ka fiiriyay asagoo qaatay go’aan ah, hadii isbadal dhacayaba ha ahaado mid baarlamaanka mara ayna iyugu kontoraalaan isbadalka, ee uu san noqon isbadal KACDOON keenay sida kii Faransa xiligaas ka dhacay.

Isbadalkii ugu horeeyay ee siyaasadeed qarniyo ka dib, waxa uu dhacay 1832,  The Great Reform Act. Muxuu oranayay?

Wuxuu dhigayay

In uu Baabi’iyay 56 Rotten Boroughs oo loo aqoonsanaa Deegaano Xildhibaano kasoo gali jireen.

30 Deegaano yaryar ahaa oo labo Xildhibaan kasoo gali jireena waxaa loo ogalaaday mid hal Xildhibaan.

Magaalooyinkii waaweynaa ee Warshadaha lahaana waxaa loogu daray Xildhibaano siyaado ah ayada oo loo eegayo muhiimada iyo xadiga ay le’egtahay.

Si guud ayaa loogu ogalaaday Dabaqadii dhexe in  ay xaq u lleeyihiin in ay codeeyaan.

Waxaa siyaaday tiradii cod bixiyayaasha, ayadoo ka kacday 435,000 gaartayna 652,000 .

Walow Dumarkii xaqoodii hilin, hadana ISBADALKAAN, xiligiisii dadku waxa ay u arkeen Bilow weyn oo horseedayay DIMUQRAADIYADU IN AY QANGAARTO.

ISBADALKA SOOMAALIYA

Usoo laabo Isbadalka Dowlada Madaxweyne Xassan Shiikh iyo R/W Saacid la yimaadeen,

1) Tiro Wasaaradood oo dhan 10.

2) Tiradii Beelaha oo qaybtoodu ku saleysnayd 4.5, lagana dhigay tiro is le’eg 5.

3) Haweentii u horeysay ee Soomaaliyeed oo qabata Xilalka ugu sareeya wadanka mid ka mid ah.

4) Tiradii ugu badnayd abid haweenka Soomaaliyeed oo Wasiiro hela.

5) Baabi’nta Sadexdii R/Wasaare ku xigeen, ayada oo lagu koobay mid.

6) Geesinimo ku aadan go’aanada ay qaadanayaan.

7) Mideynta iyo isku ururinta bulshada Soomaaliyeed.

8) Baabi’inta Wasaaradihii (
Rotten Minestries) xilalka Magac kuyaalka ah lagu helijiray.

9) Dege-degii Soomaalida lagu yiqiin oo meesha ka baxday, tanoo muujineysa qaangaarnimada muuqata.

 

Sida muuqata intuba waxa ay horseed u yihiin ISBADAL laga runsheegay, una horseedaya wadanka iyo dadka Soomaaliyeedba QAANGAARNIMO xaga Dowladnimada iyo Dimuqraadiyadaba, salkana u goynaya Qabyaalada iyo Fowdadii la hartay wadanka, umadana lagu baaba’shay.

Waxaan dhageystay dhawaaqyo badan oo laga muujiyay isbadalkan dhacay, oo xitaa ay codkooda ku biiriyeen xubnihii hogaanka u ahaa maamulkii dhacay, tanoo runtii fajaciso igu noqotay, halka aan ka filayay in ay yiraahdaan “Guuleysta talaabo aanan qaadin ayay qaadeen,” waana halka Salaan Carabey allaha u naxariistee ka lahaa,


“XAASHA’E NIN LIBIN KAA XASDIYAY, XUMIHI WAA YAABE”

Weeraha la adeegsaday ayaa ahaa in beelaha la qanciyo, la isma weydiin maxaa lagu qancinayaa.

ma waxaa lagu qancinayaa in wasaarado aan shaqeyn oo cidda ka shaqeynaysa ay noqoto wasiirka oo kaliya, la dhiso?

maxaa dalka iyo dadka ugu jira oo faa’iido ah?

Miyaysan la mid aheyn Xildhibaanadii Britain ee Rotten Boroughs 1830-kii ka soo gali jiray Baarlamaanka oo kale, ayaguna aheyn wasiiro iyo qabiilkood raba in 2012-ka Wasaarado Rotten Minestries xil loogu dhiibo.

Isbadalkani Beelaha Soomaaliyeed waa uu mideynayaa, isku soo dhaeynayaa, dareensiinayaana in ay wax wada leeyihiin, magacwadaag iyo dheefwadaagba wadayihiin.

Kuwase raba in Qabiilka ay qaybta ku qaateen, loosii kala qoqobo, oo isla magacii dalada ay huwanaayeen ahaa, leh waxba nagama galin, YAA WEEYE SOOMAALIGA WAX LAWADAAGAYA OO WAX KA GALEEN?

Waxaad eegtaa Beelaha shanaad, oo iyagu sida kuwa kale ee afarta ah aan huwaneyn hal magac, balse isutag Soomaalinimo ka dhaxeyso, marka labo ka mid ah kusoo baxaan xilka intii kale ee isutag ahaayeen, ay ugu qanacsan yihii, beelaha afarta ah sidaas ayaa looga fadhiyaa.

Dhab ahaan markaan u wadahadalno Soomaali wali qaargaarnimadii Dowladeed iyo midii dadnimoba su’aal ayaa naga fuuleysa.

Waxaa in la xasuusto mudan in bilo ka hor lalahaa Soomaaliya Gumeysi bay galeysaa, kumeelgaarnimona laga biximayo, maantana waxa su’aal la gelinayaa ISBADALKII LAGU WADA HADAAQAYAY, iyo Dowladnimadii ka guurtay KUMEELGAARNIMADA.

Miyaanan noqonaneyn in ala iyo intii ka hortimaada ISBADALKAN haba ahaadaan Xildhibaanada Baarlamaankee kuwo QABYAALADI madax martay, Dowladnimo, Cadaalad iyo badbaadinta shacabka Soomaaliyeedna dan ugu jirin?


U maleynmayo Baarlamaankaan Curdinka ah in uu xambaarsan doono dhaliisha caynkaa ah, waxaanan rajeynayaa in ay qaataan ISBADALKAN CUSUB qeybna ka noqdaan, lanawadaagaan xukuumada iyo Madaxweynaheedaba magaca ISBADAL KA HANAQAADKA DOWLADNIMADA IYO DIMUQRAADIYADA SOOMAALIYA.


Waana kii ugu horeeyay, ugu cadaaladsanaa, ugu go’aan qaadasho adkaa ee Taariikhda Soomaaliya soo mara, raga horseeday kuna talaabsadeyna, waa GEESIYAAL TAARIIKHDA SOOMAALIYA BAAL DAHAB AH KA GELI DOONA, waxa ayna naga mudan yihiin mahadnaq iyo abaalmarin, waayo? Waxa ay faleen wado mustaqbalka dhow iyo kan fogba Soomaali Dowladnimo iyo Dimoqraadiyad Cadaalad iyo sinaan ku dhisan u horseedaya.


DOWLADI WAXAY ISTAAGTAA
AMA DAAWO NOQOTAA
MARKA FAHAM DADKEEDII
QALBIYADAWGA DUXO’OO
NIDAAMKEEDA DAHABKA AH
LAABTA AY UGA DANANTOO
RUUX WALBAA DAREENSADO
DARBIGEEDA ADAG IYO
DIFAACEED IN UU YAHAY. (maansadeydii DAWO)

GUUL IYO GOBNIMO

Muxyadiin X CIID
ALCARAB1@YAHOO.CO.UK





Casho sharaf lagu soo dhaweynayey gudoomiyaha rugta ganacsiga Puntland mudane Siciid Xuseen Ciid oo ay qabteen Jaaliayada Puntland ee leicester

Barnaamijka Daldhis ee Somali channel oo wareysatay Dr Siciid Ciid ( video)

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntand oo fursadaha Puntland yaala ku soo bandhigey Shirka London [Sawiro]

Gudoomiyihii Rugta Ganacsiga Puntland Dr Saciid Xusseen Ciid oo London soo gaaray

COMMUNIQUE OF THE 21ST EXTRAORDINARY SUMMIT OF HEADS OF STATE AND GOVERNMENT OF IGAD,

ABDIFATAH WARSAME ROOTI OO KU DHAWAAQAY INUUYAHAY MADAXWEYNAHA MAAMUL GOBOLEEDKA JUBBALAND‏

Press release Ambassador Matt Baugh condemns murder of Somali journalist Rahmo Abdikadir

Tacsi: allaha u naxariisto Marwo Caasha Axmed Dheere

Madaxa Xiriirka Dibada ee Golaha Mahra iyo Socotra Bashir Hassan Hagi Abubakar Al-afrar oo ka qayb galay Shirkii Yemen ee London

KHUDBADII SULTAN ABDALLA BIN ISSE AL-AFRAR EE SUQADARA

Press release; Ururka Midnimo Hanaanka Xisbiyada Puntland

Press release BRITISH AMBASSADOR TO SOMALIA -WELCOMES COMPLETION OF UK-FUNDED BALAD ROAD AND BRIDGE REFURBISHMENT

Daawo Video-ga soo dhaweynta Sultan Abdalla Bin Issa ee Jaziirada Suqadara

Tacsi: Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajacuun (Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax)

Maalin Taariikhi ah: Ku noqoshada Sultan Abdalla Bin Isse Al-afrar SUQADARA

ICRC War Saxaafadeed - Soomaaliya: Gargaar xanaanada xoolaha ah oo la gaarsiiyay 43,000 xooladhaqato ah ee ku nool waqooyiga

Dabeylo xoogan oo ka dhacaya waqooyi bari ee mareykanka

THE REGISTRATION OF POLITICAL PARTIES CONDITION INTERNATIONAL LAW

Tacsi: JAALIYADA NORWAY OO TACSI DIREYSA Axmed Cali Bile allaha u naxariisto ayaa London ku geeriyooday

Siyaasi Cabdullaahi Cali Barre (Ciddi Libaax) oo ku dhawaaqay Musharaxnimada Madaxweynanimada Puntland

Inaa lillaahi wa inaa illeyhi raajicuun Abshiro Xirsi Kibriid

Sawirada safarka Madaxweyne Xassan Shiikh ku marayo Jamhuuriyda Jabuuti

Kulan dhexmaray Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka DF Somalia iyo Wasiiradda Arimaha Dibedda Kenya

Xildhibaanada Soomaaliya oo ansixiyey golaha wasiirada

Obama Madaxwenaha Mareykanka

Doorashada Mareykanka iyo Alcarab

Doorashada Mareykanka iyo Alcarab

Ogeysiis: Kala soco Doorashada Mareykanka alcarab iyo CAWAAFE FAAQIDIDOONA

Ra'iisul wasaare Saacid oo ku dhawaaqey golihiisa wasiirada

CIID MUBAARAK KULU CAAM WA ANTUM BIKHEYR UMADA MUSLIMIINTA CAALAMKA IYO SOOMAALIBA

R/W Cabdi faarax Shirdoon oo sheegay in uu la tashandoono Xildhibaanada iyo Madaxda Dowlada soo xulidiisa Dowlada Cusub

PRESIDENT HASSAN SHEIKH MOHAMUD let's celebrate for this historic milestone

WAR-SAXAAFADEED Dhadhaab: hoggaamiyeyaashu waa in aaney guul-darro u keenin xerada qaxootiga ee dunida ugu weyn. MSF

COL/ XUMBUL XAANBUL OO DHANBAAL TAAGEERO AH U DIRAYA Madaxweyne XASSAN SHIIKH

United Nations investigators say an Australian citizen is helping to fund and run a

HAMBALYO: DHALASHO CAWA IYO AYAAN LEH C/LAAHI C/QAADIR FAARAXSAN

Tacsi: Qunsulkii Safaarada Nayroobi ayaa geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Cismaan Aadan

Xassan Shiikh Maxamuud oo noqday hogaamiyihii isbadaldoonka ee Shacabka Soomaaliyeed doonayeen

Siciid Xuseen Ciid oo la wareegay xilkii gudoonka Rugta Ganacsiga Puntland

Guddiga Doorashada Madaxweynenimada Soomaaliya oo ku dhawaaqay xilliga ay dhaceyso doorashada Madaxweynenimada Soomaaliya

Xildhibaan Tahaliil Cabdi Khudbadiisii Musharaxnimada G/ku xigeenka Koowaad oo lala dhacay

SAWIRADII SHIRWEEYNIHII MAHRA IYO SOCOTRA EE AL GHAYDA

XILDHIBAAN TAHLIIL CABDI MAXAMED OO U SHARAXAN GUDOOMIYE KU XIGEENKA KOOWAAD EE BAARLAMAANKA

Xubno ka mid ah Xildhibaanadii hore ee Mahra ayaa cadeeyay in ayan wax lug ah ku laheyn eedo dhawaan soo baxay

Gudigii Qabanqaabada Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka oo shir caawa u soo gabgaboobay

Bashiir Xassan Abubakar Al-cafraar oo loo magacaabay Madaxa Xiriirka Dibada ee Golaha Fulinta Mahra iyo Suqadara

Xildhibaanadii Mahri oo noqday kuwii ugu horeeyay ee qaata kaararkii aqoonsiga galabta

MAAMULKA ALCARAB CIID MUBAARAK KU LEH SULTAN CABDALLA BIN SULTAN CIISE

ALCARAB.COM OOCIID MUBAARAK KU LEH SHACABKA ISLAAMKA IYO IYO SOOMAALIBA

Maxaa Xubnihii Mehri ee Baarlamaanka loogu gudbiyay magacyadoodii liiskii lasoo bandhigay Axadii looga wayay?