QIIMA DHIMIS WADAMADA DIBADA AH OO SHIRKADA GOLIS SOO BANDHIGTAY
Shirkadda isgaarsiinta ee Golis oo kamid ah kuwa ugu waaweyn dalka Soomaaliya gaar ahaan Puntland ayaa maanta soo bandhigtay adeegyo cusub iyadoo sidoo kale dhintay qiimaha lagu waco dibadda.
Shir saxaafadeed oo ay maanta mas’uuliyiinta ugu sareeya shirkadda Golis ku qabteen gudaha xarunta ugu weyn ee shirkadda oo ku taal magaalada Boosaaso ayey kusoo bandhigeen dhowr adeeg iyo qiimi dhimis noqonaysa tii ugu balaarnayd ee ay shirkadu abid samayso.
Mas’uuliyiintii shirkaas saxaafadeed ka hadlayna waxaa kamid ahaa Madaxa howlgalada ee shirkadda Golis ahna sii hayaha xilka maareeyaha guud Cabdilaahi Cali Cumar, madaxa xafiiska suuqgeynta Siciid Xuseen Ciid, ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdilaahi Jaamac Dayax iyo madaxa xafiiska ganacsiga Cumar Ciise Maxamed (Faaruuq).
Madaxa suuqgeynta ee shirkadda Golis Siciid Xuseen Ciid oo isagu ugu horeyn saxaafadda la hadlay ayaa ka warbixiyey adeegyada cusub ee ay shirkaddu soo kordhisey isagoo xusay inay yihiin kuwo ay bulshada faa’iidooyin badani ugu jiraan.
Madaxa howlgalada ahna sii hayaha xilka maareeyaha guud ee shirkadda Golis oo intaas kadib hadalka qaatay ayaa ku dheeraaday sida ay shirkadda Golis uga go’an tahay inay adeegga isgaarsiinta u wada gaarsiiso dhamaan deegaanada Puntland, isagoo sheegay in shirkaddu ay mar walba u taagan tahay sidii ay adeegga isgaarsiinta bulshada uga haqab tiri lahayd.
Madaxa ganacsiga ee Golis Cumar Ciise Maxamed (Faaruuq) ayaa isna faah faahin ka bixiyey mid kamid ah adeegyada ay shirkaddu maanta soo bandhigtay kaas oo ah adeegga Ku-naso. Adeeggan ayaa ha mid aad ku xiranaysid moobilkaaga ay dadka kusoo wacayaa inta uu mobileku u dhacayo maqlayaan.
Adeegyada Cusub ee ay Golis Maanta Soo Bandhigtay:
Ku-naso
Waa adeeg kuu sahlaya inaad u doorto dadka kusoo wacaya cod ay maqlaan inta uu Telefoonku u dhacayo sida: Qur’aan, Nashiidooyin, Xadiisyo iyo suugaan kala duwan sida: Gabayo, Geeraaro, iyo buraanbur.
Codka aad doorato waxaa maqli doona qofka kusoo waca iyadoo codka caanka ah ee marku ay Telefoonadu dhacayaan la maqlo uu bedeli doono hadba codkii aad ka doorato kuwaas kor ku xusan.
Suubiska Golis
Waa adeeg dhowr jeer oo hore ay shirkadda Golis macaamiisheeda ugu fududaysay, adeeggan ayaa ah mid khuseeya ku shubashada daqiiqadaha hadalka, waxaana qofkii lacag ku shubtaa uu helayaa %10 oo free ah.
Qiime Dhimista
Qiima dhimista ay shirkadda Golis maanta samaysay oo ah tii ugu badnayd ee ay shirkad ka tirsan kuwa isgaarsiinta ee geeska Africa ka shaqeeya samayso ayaa ahayd sidan:
Wadamada Carabta:
- UAE
- Yemen
- Saudi Arabia
- Syria
- Oman
- Qatar
- Kuwait
- Bahrain
- Egypt
- Iraq
Asia:
- Idina
- Pakistan
- Thailand
- Malaysia
- China
Qiimaha halkii daqiiqo lagu wacayo dhamaan dalalkan oo ah kuwo ay Soomaali arday iyo ganacsato u badani ku dhaqan yihiin ayaa ah 0.10$ oo u dhiganta labo kun oo shilin.
Europe:
Qiimaha lagu wici karo dhamaan wadamad Yurub waa isku mid, waxayna shirkaddu ka dhigtay in halkii Dollar lagula hadli karo qofka Yurub jooga muddo dhan 5-daqiiqo.
N.America:
Qiimaha lagu wici karo dalalka Maraykanka iyo Canada waxay shirkaddu ka dhigtay in halkii Dollar lagula hadli karo qofka labadaas dal jooga muddo 15-daqiiqo ah.
Horay shirkadda Golis waxay u dhintay qiimaha lagu waco gobolada dalka gaar ahaan kuwa koonfurta iyo waqooyi galbeed (Somaliland). Source: Horseedmedia.net
Barnaamijka Daldhis ee Somali channel oo wareysatay Dr Siciid Ciid ( video)
Gudoomiyihii Rugta Ganacsiga Puntland Dr Saciid Xusseen Ciid oo London soo gaaray
COMMUNIQUE OF THE 21ST EXTRAORDINARY SUMMIT OF HEADS OF STATE AND GOVERNMENT OF IGAD,
ABDIFATAH WARSAME ROOTI OO KU DHAWAAQAY INUUYAHAY MADAXWEYNAHA MAAMUL GOBOLEEDKA JUBBALAND
Press release Ambassador Matt Baugh condemns murder of Somali journalist Rahmo Abdikadir
Tacsi: allaha u naxariisto Marwo Caasha Axmed Dheere
KHUDBADII SULTAN ABDALLA BIN ISSE AL-AFRAR EE SUQADARA
Press release; Ururka Midnimo Hanaanka Xisbiyada Puntland
Daawo Video-ga soo dhaweynta Sultan Abdalla Bin Issa ee Jaziirada Suqadara
Tacsi: Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajacuun (Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax)
Maalin Taariikhi ah: Ku noqoshada Sultan Abdalla Bin Isse Al-afrar SUQADARA
Dabeylo xoogan oo ka dhacaya waqooyi bari ee mareykanka
THE REGISTRATION OF POLITICAL PARTIES CONDITION INTERNATIONAL LAW
Inaa lillaahi wa inaa illeyhi raajicuun Abshiro Xirsi Kibriid
Sawirada safarka Madaxweyne Xassan Shiikh ku marayo Jamhuuriyda Jabuuti
Kulan dhexmaray Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka DF Somalia iyo Wasiiradda Arimaha Dibedda Kenya
Xildhibaanada Soomaaliya oo ansixiyey golaha wasiirada
ISBADALKA HANAQAADKA DOWLADNIMADA IYO DIMUQRAADIYADA SOOMAALIYA
Doorashada Mareykanka iyo Alcarab
Doorashada Mareykanka iyo Alcarab
Ogeysiis: Kala soco Doorashada Mareykanka alcarab iyo CAWAAFE FAAQIDIDOONA
Ra'iisul wasaare Saacid oo ku dhawaaqey golihiisa wasiirada
CIID MUBAARAK KULU CAAM WA ANTUM BIKHEYR UMADA MUSLIMIINTA CAALAMKA IYO SOOMAALIBA
PRESIDENT HASSAN SHEIKH MOHAMUD let's celebrate for this historic milestone
COL/ XUMBUL XAANBUL OO DHANBAAL TAAGEERO AH U DIRAYA Madaxweyne XASSAN SHIIKH
United Nations investigators say an Australian citizen is helping to fund and run a
HAMBALYO: DHALASHO CAWA IYO AYAAN LEH C/LAAHI C/QAADIR FAARAXSAN
Xassan Shiikh Maxamuud oo noqday hogaamiyihii isbadaldoonka ee Shacabka Soomaaliyeed doonayeen
Siciid Xuseen Ciid oo la wareegay xilkii gudoonka Rugta Ganacsiga Puntland
Xildhibaan Tahaliil Cabdi Khudbadiisii Musharaxnimada G/ku xigeenka Koowaad oo lala dhacay
SAWIRADII SHIRWEEYNIHII MAHRA IYO SOCOTRA EE AL GHAYDA
XILDHIBAAN TAHLIIL CABDI MAXAMED OO U SHARAXAN GUDOOMIYE KU XIGEENKA KOOWAAD EE BAARLAMAANKA
Gudigii Qabanqaabada Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka oo shir caawa u soo gabgaboobay
Xildhibaanadii Mahri oo noqday kuwii ugu horeeyay ee qaata kaararkii aqoonsiga galabta
MAAMULKA ALCARAB CIID MUBAARAK KU LEH SULTAN CABDALLA BIN SULTAN CIISE
ALCARAB.COM OOCIID MUBAARAK KU LEH SHACABKA ISLAAMKA IYO IYO SOOMAALIBA
