Warmurtiyeedka Shirkii Gaalkacyo ee Saxiixayaasha Road-Map-ka
Warmurtiyeedka Shirkii Gaalkacyo ee Saxiixayaasha Road-Map-ka
Galkacayo 26 March,2012: Shirkii wadatashagiga saxiixayaasha somaliyeed ee Barnaamijka dhameystirka xiliga kala guurka ah ayaa maanta oo bishu tahay 26 March,2012 lagu qabtey magaalada Galkacayo.
Shirka waxaa marti galiyey Maamulka Puntland waxaana fududeeyey xafiiska Ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobey u qaabislan Somalia.
Shirka waxaa ka soo qayb galey saxiixayaashii geedi socodka barnaamijka dhameystirka xiliga kala guurka ah oo ay kamid yihiin mudane sheekh Shariif Sheekh Axmad Madaxweynaha dowlada federaalka KMG ah ee Somalia, mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan Gudoomiyaha Barlamanka Federaalka KMG ah, mudane Cabdiweli Maxamad Cali Ra’isal wasaaraha xukumada dowlada Federaalka ah KMG ah, Mudane Cabdiraxman Sheekh Maxamad Maxamud “Farole” Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdisamad Cali Shire Madaxweynaha ku-xigeenka Puntland, Mudane Cabdisamad Nuur Guuleed Madaxweyne ku-xgeenka ahna ku-simaha Madaxweynaha Galmudug, Sheekh Maxamad Maxamud Yusuf “Libaax” oo matalaya Ahlu-Sunaha Waljamaca iyo danjire Augistin Mahiga ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobey u qaabislan arimaha Somalia.
Iyadoo laga ambaqaadayo xaalada siyaasadeed ee Somalia iyo baahida loo qabo in si deg-deg ah loo dhaqangaliyo barnamaijka dhameystirka ee xiliga kala guurka ah “Roadmap-ka” iyo mabaadiida lagu heshiiyey Garowe1,2, waxaa hogaamiye-yaashii shirka kasoo qayb galey ka doodeen qaab loo fulin lahaa heshiisyadaasi waxeyna isku raaceen qodobada hoos ku xusan;
1- In la dardar galiyo dhameystirka barnaamijka xiliga kala guurka ah, heshiiyadii geedi socodka iyo mabaa’diida Garowe 1,2.
2- In la dedajiyo xulushada xubnaha kamid noqonaya golaha ansaxinta Dastuurka oo shuruudahoodu ku cad yihiin go’aamada Garowe1,2 waxaana la isla gartey in loo soo xulayo xubnaha shirweynaha la yareeyo si ay ugu sahlanaato wax qaybsiga 4.5 ee lagu heshiiyey.
3- Tirada golaha ansaxinta Dastuurka oo lagu go’aamiyey Garowe2 oo aheyd 1000 (kun)qof waxaa la isla gartey in laga dhigo 825 oo lagu qaybinayo habka 4.5, oo loo arkey wax qaybsi raad-raac hore leh.
4- Waxaa la isku raacey in madax dhaqameedyada Somaliyeed ay noqdaan dadka soo xulaya xubnaha golaha ansaxinta Dastuurka iyagoo kaashanaya qaybaha kala duwan ee bulshada sida culu’maudiinka, aqoonyanahada, dhalinyarada, haweenka, Ganacsatada iyo qaybaha kale ee bulshada.
5- Waxaa la isla gartey 135 xubnood oo ka imaanaya madax dhaqameedka afar beelood oo min 30 xubnood ah iyo beesha 5aad oo 15 xubnood ah iyagoo la tashanaya beelahooda waxay soo xuli doonan xubnaha golaha ansaxinta Dastuurka iyo xubnaha Barlamanka cusub iyagoo ay gacan siinayaan guddi farsamo oo ka kooban 17 xubnood oo lix xubnood ka imaanayaan hay’adaha dowlada Federaalka Somaliyeed, 3 Xubnood Puntland, 3 Xubnood Galmudug, 3 xubnood Ahlu Sunah, 6 Xubnood oo Federaal ah iyo 2 xubnood oo ah xafiiska siyaasada qaramada midoobey ee Somalia UNPOS. Iyo 6 Xubnood oo ka socda beesha caalamka oo goobjoogayaal ah, wixii caqabad noqda waxaa loola soo noqonayaa saxiixayaasha Raodmap-ka iyo mabaa’diida Garowe1,2.
6-Waxaa lagu heshiiyey in shirka ugu horeeya ee madaxdhaqameedyada soo xulaya ergada ansaxinta Dastuurka ay kulankooda ugu horeeya ku yeeshaan magaalada Muqdisho 25 April 2012.
7- Waxaa la isku raacey in masuu’liyada iyo dhameystirka barnaamijka xilaga kala guurka ah iyo mabaadiida Garowe1,2 ay si gaar ah u saaran tahay saxiixayaasha barnaamijka “Roadmap-ka” oo ah cida loola noqonayo wixii caqabad ah.
8-waxaa la isku raacey fududeynta iyo takeerada maaliyadeed ee barnaamijka dhameystirka xiliga KMG ah in si deg-deg ah looga sugayo beesha caalamka.
9-Wixii aan halkaan ku cadeyn waxaa loola noqanayaa “Roadmap-ka” iyo mabaadiida Garowe1,2.
Waxaa saxiixey dhamaan xubnihii aksoo qayb galey kulankaan.
Barnaamijka Daldhis ee Somali channel oo wareysatay Dr Siciid Ciid ( video)
Gudoomiyihii Rugta Ganacsiga Puntland Dr Saciid Xusseen Ciid oo London soo gaaray
COMMUNIQUE OF THE 21ST EXTRAORDINARY SUMMIT OF HEADS OF STATE AND GOVERNMENT OF IGAD,
ABDIFATAH WARSAME ROOTI OO KU DHAWAAQAY INUUYAHAY MADAXWEYNAHA MAAMUL GOBOLEEDKA JUBBALAND
Press release Ambassador Matt Baugh condemns murder of Somali journalist Rahmo Abdikadir
Tacsi: allaha u naxariisto Marwo Caasha Axmed Dheere
KHUDBADII SULTAN ABDALLA BIN ISSE AL-AFRAR EE SUQADARA
Press release; Ururka Midnimo Hanaanka Xisbiyada Puntland
Daawo Video-ga soo dhaweynta Sultan Abdalla Bin Issa ee Jaziirada Suqadara
Tacsi: Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajacuun (Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax)
Maalin Taariikhi ah: Ku noqoshada Sultan Abdalla Bin Isse Al-afrar SUQADARA
Dabeylo xoogan oo ka dhacaya waqooyi bari ee mareykanka
THE REGISTRATION OF POLITICAL PARTIES CONDITION INTERNATIONAL LAW
Inaa lillaahi wa inaa illeyhi raajicuun Abshiro Xirsi Kibriid
Sawirada safarka Madaxweyne Xassan Shiikh ku marayo Jamhuuriyda Jabuuti
Kulan dhexmaray Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka DF Somalia iyo Wasiiradda Arimaha Dibedda Kenya
Xildhibaanada Soomaaliya oo ansixiyey golaha wasiirada
ISBADALKA HANAQAADKA DOWLADNIMADA IYO DIMUQRAADIYADA SOOMAALIYA
Doorashada Mareykanka iyo Alcarab
Doorashada Mareykanka iyo Alcarab
Ogeysiis: Kala soco Doorashada Mareykanka alcarab iyo CAWAAFE FAAQIDIDOONA
Ra'iisul wasaare Saacid oo ku dhawaaqey golihiisa wasiirada
CIID MUBAARAK KULU CAAM WA ANTUM BIKHEYR UMADA MUSLIMIINTA CAALAMKA IYO SOOMAALIBA
PRESIDENT HASSAN SHEIKH MOHAMUD let's celebrate for this historic milestone
COL/ XUMBUL XAANBUL OO DHANBAAL TAAGEERO AH U DIRAYA Madaxweyne XASSAN SHIIKH
United Nations investigators say an Australian citizen is helping to fund and run a
HAMBALYO: DHALASHO CAWA IYO AYAAN LEH C/LAAHI C/QAADIR FAARAXSAN
Xassan Shiikh Maxamuud oo noqday hogaamiyihii isbadaldoonka ee Shacabka Soomaaliyeed doonayeen
Siciid Xuseen Ciid oo la wareegay xilkii gudoonka Rugta Ganacsiga Puntland
Xildhibaan Tahaliil Cabdi Khudbadiisii Musharaxnimada G/ku xigeenka Koowaad oo lala dhacay
SAWIRADII SHIRWEEYNIHII MAHRA IYO SOCOTRA EE AL GHAYDA
XILDHIBAAN TAHLIIL CABDI MAXAMED OO U SHARAXAN GUDOOMIYE KU XIGEENKA KOOWAAD EE BAARLAMAANKA
Gudigii Qabanqaabada Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka oo shir caawa u soo gabgaboobay
Xildhibaanadii Mahri oo noqday kuwii ugu horeeyay ee qaata kaararkii aqoonsiga galabta
MAAMULKA ALCARAB CIID MUBAARAK KU LEH SULTAN CABDALLA BIN SULTAN CIISE
ALCARAB.COM OOCIID MUBAARAK KU LEH SHACABKA ISLAAMKA IYO IYO SOOMAALIBA
