MSF: WAR-SAXAAFADEED Umul-raaca Hooyooyinka: Waa dhibaato laga baaqsan karo

 
***WAA LA XAYIREY ILAA LAGA GAARO: 10PM CET (10KA FIIDNIMO WAQTIGA BARTAMAHA YURUB), MAALINTA ARBACADA 7 MAARSO***

WAR-SAXAAFADEED

Umul-raaca Hooyooyinka: Waa dhibaato laga baaqsan karo

 Médecins Sans Frontières ayaa soo bandhigeysa hababka caafimaad ee lagu baajin karo geerida hooyooyinka ee timaadda marka ay dhibaatooyinka bani’aadamnimadu jiraan

Sydney, 8 Maarso 2012: Munaasabadda Maalinta Haweenka Adduunka daraaddeed ayaa ururka bani’aadamnimada ee caafimaadka ee caalamiga ah, Médecins Sans Frontières (MSF) waxaa uu hoosta ka xarriiqayaa xaqiiqada ah in haween aad u tiro badan ay weli dhimanayaan geeri laga baaqsan karey taas oo ah umul-raaca hooyooyinka. Waraaqda warbixinta ee MSF, “Umul-raaca Hooyooyinka: Waa dhibaatooyin laga baaqsan karo” ayaa faahfaahineysa sida marka daryeelka degdegga ah ee uurreyda iyo umulaha la siiyo haweenka ay haystaan dhibaatooyinka degdeg ah iyo kuwo dabadheer oo bani’aadamnimada ay saameyn toos ah ku yeelan karto ayna badbaadin karto nafta haweenka.

Ka dib markii ay sanado ballaarineysey barnaamijyadeeda ay wax uga qabaneyso baahiyaha haweenka uurka leh, ayaa MSF waxaa ay hadda dooneysaa in ay dareenka dadka ku soo jeediso sida uu u yar yahay daryeelka uurreyda iyo umulaha ee lagu bixiyo meelaha ay dhibaatooyinku ka jiraan. Waraaqda ayaa eegeysa xaaladda haweenka uurka leh ee 12 dal oo ay MSF ka shaqeyso, dalalkaas oo ay ka mid yihiin Pakistan, Soomaaliya, Koonfurta Suudaan iyo Haiti, waxaana ay muujineysaa sida loogu baahan yahay gargaarka caafimaadka ee degdegga ah, gaar ahaan marka uurka ay weheliyaan dhibaatooyin/cudurro kale.

“Waxaan ogsoonnahay in toban iyo shan boqolkiiba dhammaan haweenka uurka leh ee guud ahaan dunida ay la soo gudboonaadaan dhibaatooyin/cudurro dheeri ah,” ayaa ay tiri Kara Blackburn, oo ah La-taliyaha Caafimaadka Haweenka ee MSF. “Haweenkan waxaa ay u baahan yihiin in ay helaan daryeelka uurreyda iyo umulaha ee degdegga ah oo ah mid tayo leh haddii ay ku nool yihiin Sydney, Port-au-Prince ama Muqdishu – xaqiiqada jirtana waa mid keliya haddii la joogo cusbitaal casri ah oo magaalo caalami ah ku yaalla ama meel uu iskahorimaad ka jiro, xero qaxooti ama haddii la hoos fadhiyo bac fidsan ka dib markii uu dhacay dhul-gariir wax burburiya.”

Maalin kasta, qiyaastii 1000 haween ah ayaa umul-raaca ama u dhinta dhibaato/cudur la xiriira uurka.  Haseyeeshee, marka gacan laga helo umulisooyin xirfad leh, oo la helo dawooyinka iyo qalabka loo baahan yahay, ayaa nafta haweenka iyo tan ilmahooda dhasha ah la badbaadin karaa.

Marka uu ilmuhu dhalanayo waa waqtiga ugu muhiimsan ee la badbaadin karo nafta hooyada iyo ilmaha dhalanaya, iyada oo badi geerida hooyooyinku ay dhacdo ka hor inta aaney dhalin, marka ay dhaleyso iyo ka dib marka ay dhasho, taas oo badanaaba ay sababaan dhibaatooyin aan la sii saadaalin karin. Maaddaama ay tahay urur caafimaad oo hawlaha degdegga ah ka shaqeeya, MSF waxaa ay ku dadaaleysaa in ay saameynta ugu weyn uguna degdeg badan ku lahaato yareynta geerida hooyada ee dhacda marka ay jiraan dhibaatooyin bani’aadamnimo, waxaana ay si weyn u maalgelisey kobcinta kartideeda farsamo iyo tan adeeg si ay u bixiso daryeelka degdegga ah ee uurreyda iyo umulaha oo lacag la’aan ah, nafna lagu badbaadiyo.

“Waa masiibo taagan in aan weli arkeyno haween badan oo umul-raacaya, annaga oo og in daryeel tayo leh oo la bixiyo marka ay hooyadu umuleyso uu saameyn toos ah yeelan karo,” ayaa ay hadalkeeda ku sii dartey Kara Blackburn. “Waa in aan mar kasta xusuusnaanaa in umul-raacu yahay geeri laga baaqsan karo.”

MSF waxaa ay daryeelka uurreyda iyo umulaha ku bixisaa ku dhowaad 30 dal. Sanadkii 2010kii, shaqaalaha MSF waxaa ay ka umuliyeen hooyooyin dhaley carruur ka badan 150,000.







Casho sharaf lagu soo dhaweynayey gudoomiyaha rugta ganacsiga Puntland mudane Siciid Xuseen Ciid oo ay qabteen Jaaliayada Puntland ee leicester

Barnaamijka Daldhis ee Somali channel oo wareysatay Dr Siciid Ciid ( video)

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntand oo fursadaha Puntland yaala ku soo bandhigey Shirka London [Sawiro]

Gudoomiyihii Rugta Ganacsiga Puntland Dr Saciid Xusseen Ciid oo London soo gaaray

COMMUNIQUE OF THE 21ST EXTRAORDINARY SUMMIT OF HEADS OF STATE AND GOVERNMENT OF IGAD,

ABDIFATAH WARSAME ROOTI OO KU DHAWAAQAY INUUYAHAY MADAXWEYNAHA MAAMUL GOBOLEEDKA JUBBALAND‏

Press release Ambassador Matt Baugh condemns murder of Somali journalist Rahmo Abdikadir

Tacsi: allaha u naxariisto Marwo Caasha Axmed Dheere

Madaxa Xiriirka Dibada ee Golaha Mahra iyo Socotra Bashir Hassan Hagi Abubakar Al-afrar oo ka qayb galay Shirkii Yemen ee London

KHUDBADII SULTAN ABDALLA BIN ISSE AL-AFRAR EE SUQADARA

Press release; Ururka Midnimo Hanaanka Xisbiyada Puntland

Press release BRITISH AMBASSADOR TO SOMALIA -WELCOMES COMPLETION OF UK-FUNDED BALAD ROAD AND BRIDGE REFURBISHMENT

Daawo Video-ga soo dhaweynta Sultan Abdalla Bin Issa ee Jaziirada Suqadara

Tacsi: Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajacuun (Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax)

Maalin Taariikhi ah: Ku noqoshada Sultan Abdalla Bin Isse Al-afrar SUQADARA

ICRC War Saxaafadeed - Soomaaliya: Gargaar xanaanada xoolaha ah oo la gaarsiiyay 43,000 xooladhaqato ah ee ku nool waqooyiga

Dabeylo xoogan oo ka dhacaya waqooyi bari ee mareykanka

THE REGISTRATION OF POLITICAL PARTIES CONDITION INTERNATIONAL LAW

Tacsi: JAALIYADA NORWAY OO TACSI DIREYSA Axmed Cali Bile allaha u naxariisto ayaa London ku geeriyooday

Siyaasi Cabdullaahi Cali Barre (Ciddi Libaax) oo ku dhawaaqay Musharaxnimada Madaxweynanimada Puntland

Inaa lillaahi wa inaa illeyhi raajicuun Abshiro Xirsi Kibriid

Sawirada safarka Madaxweyne Xassan Shiikh ku marayo Jamhuuriyda Jabuuti

Kulan dhexmaray Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka DF Somalia iyo Wasiiradda Arimaha Dibedda Kenya

Xildhibaanada Soomaaliya oo ansixiyey golaha wasiirada

ISBADALKA HANAQAADKA DOWLADNIMADA IYO DIMUQRAADIYADA SOOMAALIYA

Obama Madaxwenaha Mareykanka

Doorashada Mareykanka iyo Alcarab

Doorashada Mareykanka iyo Alcarab

Ogeysiis: Kala soco Doorashada Mareykanka alcarab iyo CAWAAFE FAAQIDIDOONA

Ra'iisul wasaare Saacid oo ku dhawaaqey golihiisa wasiirada

CIID MUBAARAK KULU CAAM WA ANTUM BIKHEYR UMADA MUSLIMIINTA CAALAMKA IYO SOOMAALIBA

R/W Cabdi faarax Shirdoon oo sheegay in uu la tashandoono Xildhibaanada iyo Madaxda Dowlada soo xulidiisa Dowlada Cusub

PRESIDENT HASSAN SHEIKH MOHAMUD let's celebrate for this historic milestone

WAR-SAXAAFADEED Dhadhaab: hoggaamiyeyaashu waa in aaney guul-darro u keenin xerada qaxootiga ee dunida ugu weyn. MSF

COL/ XUMBUL XAANBUL OO DHANBAAL TAAGEERO AH U DIRAYA Madaxweyne XASSAN SHIIKH

United Nations investigators say an Australian citizen is helping to fund and run a

HAMBALYO: DHALASHO CAWA IYO AYAAN LEH C/LAAHI C/QAADIR FAARAXSAN

Tacsi: Qunsulkii Safaarada Nayroobi ayaa geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Cismaan Aadan

Xassan Shiikh Maxamuud oo noqday hogaamiyihii isbadaldoonka ee Shacabka Soomaaliyeed doonayeen

Siciid Xuseen Ciid oo la wareegay xilkii gudoonka Rugta Ganacsiga Puntland

Guddiga Doorashada Madaxweynenimada Soomaaliya oo ku dhawaaqay xilliga ay dhaceyso doorashada Madaxweynenimada Soomaaliya

Xildhibaan Tahaliil Cabdi Khudbadiisii Musharaxnimada G/ku xigeenka Koowaad oo lala dhacay

SAWIRADII SHIRWEEYNIHII MAHRA IYO SOCOTRA EE AL GHAYDA

XILDHIBAAN TAHLIIL CABDI MAXAMED OO U SHARAXAN GUDOOMIYE KU XIGEENKA KOOWAAD EE BAARLAMAANKA

Xubno ka mid ah Xildhibaanadii hore ee Mahra ayaa cadeeyay in ayan wax lug ah ku laheyn eedo dhawaan soo baxay

Gudigii Qabanqaabada Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka oo shir caawa u soo gabgaboobay

Bashiir Xassan Abubakar Al-cafraar oo loo magacaabay Madaxa Xiriirka Dibada ee Golaha Fulinta Mahra iyo Suqadara

Xildhibaanadii Mahri oo noqday kuwii ugu horeeyay ee qaata kaararkii aqoonsiga galabta

MAAMULKA ALCARAB CIID MUBAARAK KU LEH SULTAN CABDALLA BIN SULTAN CIISE

ALCARAB.COM OOCIID MUBAARAK KU LEH SHACABKA ISLAAMKA IYO IYO SOOMAALIBA