Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Canada, John Baird ayaa kala qayb-galay jaaiyadda Soomaaliyeed ee ku nool Ottawa xaflad dhaqaale loogu aruurinayey
Axad, Maarso 04, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Canada, John Baird ayaa kala qayb-galay jaaiyadda Soomaaliyeed ee ku nool Ottawa xaflad dhaqaale loogu aruurinayey hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee loo yaqaano MSF maalintii Khamiista ee bishan ay kowda ahayd.
Kulankaas oo si heer sare ah loosoo agaasimaya ayaa waxaa kasoo qayb-galay xubno ka tirsan jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Ottawa, Toronto, Montreal iyo marti sharaf kale oo ka kala yimid dalka Canada.
Ugu horreyntii waxaa halkaas ka hadallo soo dhaweyn ah ka jeediyay, Cabdulqaadir oo u mahadnaqay dadkii xafladda kasoo qaybgalay iyo kuwii lasoo qaban-qaabiyay xafladda.
"Macluusha (Famine) iyo dhibaatooyinka kale ee maanta ka taagan Soomaaliya ayaa igu kalifay inaan abaabulo kulankaan dhaqaalaha loogu aruurinayo dadka ku dhibaateysan dalka Soomaaliya," ayuu yiri Cst. Cabdulqaadir oo loo yaqaano (Abdul) mar ay Hiiraan Online weydiisay sababaha ku kalifay inuu qabto xafladdaan. Cst. Abdull wuxuu intaa ku daray inuu sii wadi doono mashruucan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Canada, John Baird oo isaguna hadal jeediyay ayaa wuxuu sheegay in dowladda Canada ay mar walba garab taagan tahay kaalmeynta ummadda Soomaaliyeed. Isagoo xusay in shacabka iyo dowladda Canada ay ku kaalmeeyeen abaarihii ka dhacay dalka Soomaaliya dhaqaale gaaraya $145 Million oo Dollar.
Mr. Baird Wuxuu kaloo sheegay inuu ka qaybgalay shirkii Soomaalida ee lagu qabtay London, isagoo hoosta ka xariiqay sida ay dowladda Canada diyaarka ugu tahay inay kaalin firfircoon ka qaadato dib u dhiska dalka Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegya inay dowladdiisu ay Soomaaliya geyn doonto cutub ka tirsan booliiska Uganda oo ay ku taageerayaan qalabka iyo dhaqaalahaba si ay uga howl-galaan magaalada Muqdisho una tababaraan booliska Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Canada, John Bird ayaa ah mudane laga soo doorto galbeedka xaafadda Nepean ee magaalada Ottawa, halkaasoo hoy u ah Soomaali badan.
Sidoo kale, wasiirku wuxuu ka hadlay Bashiir Maqtal oo ah ruux Soomaali-Canadian ah oo uu sheegay inuu si xaqdarro ah ugu xiran yahay dalka Itoobiya, isagoo xusay in dowladdiisu ay dadaal u galayso sidii xabsiga looga sii-dayn lahaa.

Dhinaca kale, waxaa xafladda hadal xiiso badan ka jeediyay, Cumar Maxamed Cali Xaasn oo ku hadlay magaca jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Ottawa isagoo ah sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Canada. Cumar wuxuu u mahadceliyay dadka iyo dowladda Canada sidii isaga iyo kumanaan kale oo Soomaali ah ay ugu soo dhaweeyeen dalkooda markii ay dagaalka sokeeye ka qarxeen dalka Soomaaliya, isagoo markaas 10-jir ahaa. Wuxuuna ku booriyay dhallinyarada Soomaaliyeed inay ka faa’iideystaan fursadaha badan ee uu leeyahay dalka Canada gaar ahaan waxbarashada oo uu ku tilmaamay tan kaliya ee lagu hanan karo horumar dhinac kasta ah.
Munsabadda oo ay si wadajir ah u daadihinayeen xildhibaan Pierre Poilievre oo ah mudane laga soo doorto xaafadda Nepean-Carleton ee magaalada Ottawa iyo Cst. Cabdulqaadir Khaliif Cabdi ayaa waxaa lagu aruuriyey dhaqaale gaarayo $30,000 (Soddon kun doollar). Qayb ka mid ah lacagtaan (15%) ay waxaa loogu deeqay dugsi laga dhisayo bur-saalax oo Soomaaliya ku taalla, iyadoo dhismaha dugsigaas uu hormuud ka yahay Maxamuud Climi oo isna ka tirsan booliska magaalada Ottawa.
Gabagabadii xafladda ayaa waxaa hadalo mahadcelin ah kasoo jeediyay saraakiil ka socotay hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF iyo Cst. Maxamuud Cilmi oo madax ka ah hay'adda Somali Hope Academy dhisma dugsina kawada tuulada Bur-saalax ee dalka Soomaaliya.
Source:Hiiraan
Barnaamijka Daldhis ee Somali channel oo wareysatay Dr Siciid Ciid ( video)
Gudoomiyihii Rugta Ganacsiga Puntland Dr Saciid Xusseen Ciid oo London soo gaaray
COMMUNIQUE OF THE 21ST EXTRAORDINARY SUMMIT OF HEADS OF STATE AND GOVERNMENT OF IGAD,
ABDIFATAH WARSAME ROOTI OO KU DHAWAAQAY INUUYAHAY MADAXWEYNAHA MAAMUL GOBOLEEDKA JUBBALAND
Press release Ambassador Matt Baugh condemns murder of Somali journalist Rahmo Abdikadir
Tacsi: allaha u naxariisto Marwo Caasha Axmed Dheere
KHUDBADII SULTAN ABDALLA BIN ISSE AL-AFRAR EE SUQADARA
Press release; Ururka Midnimo Hanaanka Xisbiyada Puntland
Daawo Video-ga soo dhaweynta Sultan Abdalla Bin Issa ee Jaziirada Suqadara
Tacsi: Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajacuun (Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax)
Maalin Taariikhi ah: Ku noqoshada Sultan Abdalla Bin Isse Al-afrar SUQADARA
Dabeylo xoogan oo ka dhacaya waqooyi bari ee mareykanka
THE REGISTRATION OF POLITICAL PARTIES CONDITION INTERNATIONAL LAW
Inaa lillaahi wa inaa illeyhi raajicuun Abshiro Xirsi Kibriid
Sawirada safarka Madaxweyne Xassan Shiikh ku marayo Jamhuuriyda Jabuuti
Kulan dhexmaray Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka DF Somalia iyo Wasiiradda Arimaha Dibedda Kenya
Xildhibaanada Soomaaliya oo ansixiyey golaha wasiirada
ISBADALKA HANAQAADKA DOWLADNIMADA IYO DIMUQRAADIYADA SOOMAALIYA
Doorashada Mareykanka iyo Alcarab
Doorashada Mareykanka iyo Alcarab
Ogeysiis: Kala soco Doorashada Mareykanka alcarab iyo CAWAAFE FAAQIDIDOONA
Ra'iisul wasaare Saacid oo ku dhawaaqey golihiisa wasiirada
CIID MUBAARAK KULU CAAM WA ANTUM BIKHEYR UMADA MUSLIMIINTA CAALAMKA IYO SOOMAALIBA
PRESIDENT HASSAN SHEIKH MOHAMUD let's celebrate for this historic milestone
COL/ XUMBUL XAANBUL OO DHANBAAL TAAGEERO AH U DIRAYA Madaxweyne XASSAN SHIIKH
United Nations investigators say an Australian citizen is helping to fund and run a
HAMBALYO: DHALASHO CAWA IYO AYAAN LEH C/LAAHI C/QAADIR FAARAXSAN
Xassan Shiikh Maxamuud oo noqday hogaamiyihii isbadaldoonka ee Shacabka Soomaaliyeed doonayeen
Siciid Xuseen Ciid oo la wareegay xilkii gudoonka Rugta Ganacsiga Puntland
Xildhibaan Tahaliil Cabdi Khudbadiisii Musharaxnimada G/ku xigeenka Koowaad oo lala dhacay
SAWIRADII SHIRWEEYNIHII MAHRA IYO SOCOTRA EE AL GHAYDA
XILDHIBAAN TAHLIIL CABDI MAXAMED OO U SHARAXAN GUDOOMIYE KU XIGEENKA KOOWAAD EE BAARLAMAANKA
Gudigii Qabanqaabada Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka oo shir caawa u soo gabgaboobay
Xildhibaanadii Mahri oo noqday kuwii ugu horeeyay ee qaata kaararkii aqoonsiga galabta
MAAMULKA ALCARAB CIID MUBAARAK KU LEH SULTAN CABDALLA BIN SULTAN CIISE
ALCARAB.COM OOCIID MUBAARAK KU LEH SHACABKA ISLAAMKA IYO IYO SOOMAALIBA

