Baaqa Imaamka Al Azhar uu ku taageerayo Shirka London Soomaalida loogu qabanayo

Baaqa Imamka waxaa u dhigna sida hoos ku qoran

Ilahay baa amaan leh, Allihii koonka abuuray. Naxariista Alle iyo Nabadgalyadiisu ha ahaato korka rasuulkii u dambeeyey, walaalihiisii rususha kale ahaa iyo kuwa xaqa taageera markasta..

Soomaliyeey!

Allaha wayni waxa uu idiinku sheegay [ Qur’anka dhexdiisa] “qabsada xarigga eebbe, dhammaantiin, oo ha kala tagina; waxaanad xasuusanaataan waxa eebbe idinku galladay; waxa aad ahaydeen qaar isu cadaw ah markaasuu alle isu  keenay quluubtiina, waxaanaydu ku noqoteen naxariistiisa alle awgeed qaar walaalo ah”  

Rasuulka Eebe, naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee waxa uu yiri:

Qofka mu’iminka ah iyo qofka kale ee muminka ahi waxa ay isu yihiin sidii dhisme oo kale barkiiba barka kale uu xoojinayo.

Sidoo kale waxa uu yiri:

Muslimku waa walaalka qofka muslimka ah ee kale. Sida daraadeed yaanu dulmin yaanuna dulayn. Qofka qof muslim ah u garagaara ilaahay ayaa isna u gargaara; qofka qof muslim ah dhib ka fayda ilaahay ayaa isna ddhibta ka fayda maalinka qiyaame; qofka qof muslim ah ceebtiisa asturana ilaahay ayaa ceebtiisa astura maalinka qiyaame.  .

Walaalaha Soomalida ahoow: Dadkiina sharafta leh waxa soo martay dhib iyo xanuun badan waxaanay u muuqataa haatan in damiirkii  dunidu dhaqaaqay ama ay isku dayayaan in ay wax idinla qabtaan .

Waa in aad ka shaqaysaan sidii nabarkiina  u daweyn lahaydeen, aad u daryeeli lahaydeen agoontiina iyo kuwa barakacay ugana hortagi lahaydeen in dhiig dambe oon waxba galabsani daato . 

“qofka muslimka ah qofka kale ee muslimka dhiiigiisa, hantidiisa iyo sharaftiis in uu dhaawacaa waa ka xaaraan” (sunahii nabiga )

Kuwii aan diinta ku walaalawnayow, miyaydaan ka daalin qaybsanaanta iyo dagaalka? Miyaydaan ka daalin in aad qori caaraddiisa kuwada hadashaan iyo qalalaasaha dadkiinii ku barokacay daafaha dunida, dumarkiinii iyo caruurtiiniinau baylihiyay silica iyo ayaan darida?

Markii aan maqlay shirka London runtii waan idiin damqaday waxaanan jeclaystay in aan idinla hadlo, aniga oo rajo ka qaba in oraahdeyda  gaarto qalbiyadiina oo aad aqbashaan. In la heshiiyo, lays cafiyo laysuna dulqaato ayaa loo baahanyahay si dhaawacyada dalkiinu u bogsoodaan dhibaatada dadkiinuna u soo afjaranto.

Waxaan Alle waydiisanaynaa in uu idinku guuleeyo dadaalkiina sharafta leh waxaananu u rajaynaynaa mustaqbal ifaya dadkiina dhibta badani soo gaartay.

Ilaahayow waxaan kaa baryaynaa  in aad na siiso  naxariis aad ku hagto qalbiyadayada, nagu midayso nagagana ilaaliso imtixaanada. Ilaaha dunida oo dhan Abuurayoow.  .

Naxariis, nabadgalyada ilaahay guudkiina ha ahaato.

 Shaykh Al Azhar

Dr Ahmed El Tayyeb





Casho sharaf lagu soo dhaweynayey gudoomiyaha rugta ganacsiga Puntland mudane Siciid Xuseen Ciid oo ay qabteen Jaaliayada Puntland ee leicester

Barnaamijka Daldhis ee Somali channel oo wareysatay Dr Siciid Ciid ( video)

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntand oo fursadaha Puntland yaala ku soo bandhigey Shirka London [Sawiro]

Gudoomiyihii Rugta Ganacsiga Puntland Dr Saciid Xusseen Ciid oo London soo gaaray

COMMUNIQUE OF THE 21ST EXTRAORDINARY SUMMIT OF HEADS OF STATE AND GOVERNMENT OF IGAD,

ABDIFATAH WARSAME ROOTI OO KU DHAWAAQAY INUUYAHAY MADAXWEYNAHA MAAMUL GOBOLEEDKA JUBBALAND‏

Press release Ambassador Matt Baugh condemns murder of Somali journalist Rahmo Abdikadir

Tacsi: allaha u naxariisto Marwo Caasha Axmed Dheere

Madaxa Xiriirka Dibada ee Golaha Mahra iyo Socotra Bashir Hassan Hagi Abubakar Al-afrar oo ka qayb galay Shirkii Yemen ee London

KHUDBADII SULTAN ABDALLA BIN ISSE AL-AFRAR EE SUQADARA

Press release; Ururka Midnimo Hanaanka Xisbiyada Puntland

Press release BRITISH AMBASSADOR TO SOMALIA -WELCOMES COMPLETION OF UK-FUNDED BALAD ROAD AND BRIDGE REFURBISHMENT

Daawo Video-ga soo dhaweynta Sultan Abdalla Bin Issa ee Jaziirada Suqadara

Tacsi: Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajacuun (Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax)

Maalin Taariikhi ah: Ku noqoshada Sultan Abdalla Bin Isse Al-afrar SUQADARA

ICRC War Saxaafadeed - Soomaaliya: Gargaar xanaanada xoolaha ah oo la gaarsiiyay 43,000 xooladhaqato ah ee ku nool waqooyiga

Dabeylo xoogan oo ka dhacaya waqooyi bari ee mareykanka

THE REGISTRATION OF POLITICAL PARTIES CONDITION INTERNATIONAL LAW

Tacsi: JAALIYADA NORWAY OO TACSI DIREYSA Axmed Cali Bile allaha u naxariisto ayaa London ku geeriyooday

Siyaasi Cabdullaahi Cali Barre (Ciddi Libaax) oo ku dhawaaqay Musharaxnimada Madaxweynanimada Puntland

Inaa lillaahi wa inaa illeyhi raajicuun Abshiro Xirsi Kibriid

Sawirada safarka Madaxweyne Xassan Shiikh ku marayo Jamhuuriyda Jabuuti

Kulan dhexmaray Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka DF Somalia iyo Wasiiradda Arimaha Dibedda Kenya

Xildhibaanada Soomaaliya oo ansixiyey golaha wasiirada

ISBADALKA HANAQAADKA DOWLADNIMADA IYO DIMUQRAADIYADA SOOMAALIYA

Obama Madaxwenaha Mareykanka

Doorashada Mareykanka iyo Alcarab

Doorashada Mareykanka iyo Alcarab

Ogeysiis: Kala soco Doorashada Mareykanka alcarab iyo CAWAAFE FAAQIDIDOONA

Ra'iisul wasaare Saacid oo ku dhawaaqey golihiisa wasiirada

CIID MUBAARAK KULU CAAM WA ANTUM BIKHEYR UMADA MUSLIMIINTA CAALAMKA IYO SOOMAALIBA

R/W Cabdi faarax Shirdoon oo sheegay in uu la tashandoono Xildhibaanada iyo Madaxda Dowlada soo xulidiisa Dowlada Cusub

PRESIDENT HASSAN SHEIKH MOHAMUD let's celebrate for this historic milestone

WAR-SAXAAFADEED Dhadhaab: hoggaamiyeyaashu waa in aaney guul-darro u keenin xerada qaxootiga ee dunida ugu weyn. MSF

COL/ XUMBUL XAANBUL OO DHANBAAL TAAGEERO AH U DIRAYA Madaxweyne XASSAN SHIIKH

United Nations investigators say an Australian citizen is helping to fund and run a

HAMBALYO: DHALASHO CAWA IYO AYAAN LEH C/LAAHI C/QAADIR FAARAXSAN

Tacsi: Qunsulkii Safaarada Nayroobi ayaa geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Cismaan Aadan

Xassan Shiikh Maxamuud oo noqday hogaamiyihii isbadaldoonka ee Shacabka Soomaaliyeed doonayeen

Siciid Xuseen Ciid oo la wareegay xilkii gudoonka Rugta Ganacsiga Puntland

Guddiga Doorashada Madaxweynenimada Soomaaliya oo ku dhawaaqay xilliga ay dhaceyso doorashada Madaxweynenimada Soomaaliya

Xildhibaan Tahaliil Cabdi Khudbadiisii Musharaxnimada G/ku xigeenka Koowaad oo lala dhacay

SAWIRADII SHIRWEEYNIHII MAHRA IYO SOCOTRA EE AL GHAYDA

XILDHIBAAN TAHLIIL CABDI MAXAMED OO U SHARAXAN GUDOOMIYE KU XIGEENKA KOOWAAD EE BAARLAMAANKA

Xubno ka mid ah Xildhibaanadii hore ee Mahra ayaa cadeeyay in ayan wax lug ah ku laheyn eedo dhawaan soo baxay

Gudigii Qabanqaabada Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka oo shir caawa u soo gabgaboobay

Bashiir Xassan Abubakar Al-cafraar oo loo magacaabay Madaxa Xiriirka Dibada ee Golaha Fulinta Mahra iyo Suqadara

Xildhibaanadii Mahri oo noqday kuwii ugu horeeyay ee qaata kaararkii aqoonsiga galabta

MAAMULKA ALCARAB CIID MUBAARAK KU LEH SULTAN CABDALLA BIN SULTAN CIISE

ALCARAB.COM OOCIID MUBAARAK KU LEH SHACABKA ISLAAMKA IYO IYO SOOMAALIBA