Soomaali Hogaankay Eebe Haybsatay Yay Heshay FARMAAJO+KHEYRE = GUUL

Soomaali Hogaankay Eebe Haybsatay Yay Heshay

FARMAAJO+KHEYRE = GUUL
=================

In ka badan sodomeeyo sano Soomaali waxay eebihii abuurtay weydiisanayeen hogaan daacad ah, u naxariista, u cadaalad fala, isku haya kana shaqeeya midnimadooda. Ma ayan helin Soomaaliyi hogaankaas, sababta keentay burburkii qaranku galayna halkaas ayay salka ku heysay. Wixii ka danbeeyay oo la soo maray iyo maanta halka la joogo waa taariikh qoran, runtii waxa Soomaali soo maraytay dhacdooyin murugo badan, welina ku haya calool xumo, halka maantadan oo dowladi jidho kuwo dhacayaan dib u celin kara qarannimada iyo dimuqraadiyada lagu naaloonayo.

Soomaali wax walba haweeydee, marna ma ayan waayin gargaarka eebe, marwalba allaha weyni waxa uu u furayay faraj, ay uga samatabaxaan halis ka wayn inta markaas ay ka cabanayso. Ducada ugu wayni waxa ay aheyd in allaah dadkan u xulo dad matali kara, ugana roon qolooyinkii sheeganayay xukunkooda. Su'aashu waxa weeye allaha weyni maka aqbalay ducadaas?

Inta aanan guda galin in allaah ducadii ka aqbalay iyo in kale aan isweydiino waxa uu yahay Hogaanka daacada ah ee Soomaali eebe wayne ay weydiisatay?

Soomaali waxa halakeeyay eex, musuq, cadaalad daro iyo jahli, intuba waa inta laga rabo hogaanka Soomali raadinayso in uu dagaal la galo, in uu fahamsan yahay dhibta jirta in ay intaas tahay. Hadaba hogaanka intaas la dagaalamayaa waa in uu yahay mid leh sifaha qofka hogaanka ah lagu yaqaan, oo ay ugu horeyso

ü  In uu og yahay halka la taagan yahay, halka loo socdo iyo waxa lagu gaari karo

ü  In uu leeyahay kartidii iyo dadnimadii uu wax ku hogaamin lahaa

ü  In uu yahay daacad ka runsheegaya qalbigiisa iyo afkiisa, Runtana dhadhansiiya kuwa dhagahoodu diidan tahay

ü  In uu yahay nin aan damac aduun siisan waxa uu danta u arko, MAYA-na ka oran kara waxa uusan u arag umadiisa in ay danni ugu jirto.

ü  In uu yahay nin aan eex iyo nin jecleysi ag imaan, xoogana saara u cadaalad falka dadkiisa.

ü  In uu yahay aamin, xafidaya amaanada dadka iyo dalka uu hogaaminayo.

ü  In uu yahay aftahan, fariintiisu ruxayso quluubta shacabkiisa.

ü  In uu yahay nin naxariis iyo kalgacal u haya dadkiisa iyo dalkiisa, ayaguna dareemayaan naxariistaas, isna dugsanayaan.

Sifayaashaa ayaa sal u noqon karna hogaanka Soomaali ku ducaysanaysay mudooyinkii danbe, hadaba maka heli karaa madaxdayada maanta tilmaamahaas?

Madaxweyne Farmaajo xilka uu ku guuleystay ma ahayn mid ku yimid hadiyad lagu sharfay, mana ahayn mid dhiig lagu daadshay oo galaaftay dhalinyaro masaakiin ah oo lagu dagaal gashay xaqeenii ayaa maqan iyo durbaan qabiil, sidoo kale ma aheyn mid ay kursiga saareen kooxo calamo watay iyo dano shisheeye, ee waa mid mudan in aan isweydiino waxa gadaal ka riixayay ama sababay in Farmaajo Madaxweyne noo noqdo.

Siyaasada Soomaaliya iyo dowladnimadaba waxa ay ahayd mid laga soo minguuriyay gumeystihii dadka iyo dalkaba aan danta u hayn, waxaa 1960-kii Soomaaliya ka hanaqaaday dowladnimo taas oo dadkii Soomaaliyeed ilaa iyo maantadan aan joogno u haystaan in dowladu tahay mid la boobo hantideeda, siyaasadiina u qaatay been iyo balanfur. Waxa uu gumeystuhu uga tagay Afrika ma ahayn wax sahlan, mana ahayn waxa qaarada yurub ka jiray, ee waxa ay ahayd xargo laba dible loogu xiray dowladihii la yiri waa Xarowdeen, mar walbana waxaa jiray haadaamo u qodnaa oo markii la fahmi waayo afka looga guro, Soomaaliya haadaamaas ayay ka dhexqaylinaysaa maanta. Taas waxa uu sabab ahaa markii la waayay madax soomaaliyeed oo fahamsan in dalka iyo dadku ayagu masuul ka yihiin, danta iyo xalku waxa Soomaali ugu jirtana umadooda u horseeda.

Dadka Soomaaliyeed waxa oon iyo haraad u qabeen qof cod daacadnimo kula hadla, Qof aan shafka u garaacin qabiilka uu ka dhashay iyo qabyaalada, qof ka caagan hantidooda iyagana coodkooda ka hor istaagin iyo qof aan eex iyo nin jeclaysi ku kala dilin. Tilmaamahaas qofka ay raadinayeen ay ku xulanayeen ayaa waxa ay ka soo daahireen Madaxweyne Farmaajo, markii la barbardhigo madaxdii labaatameeyada dhameyd ee isku sharaxay xilkaas. Waana sababta madaxweyne Farmaajo loo doortay.

Madaxweyne Farmaajo waxaa ka muuqday sifo walba oo Soomaali u oomanayd, waxa uu soo jiitay quluubtii inta badan, waxaa uu godka ka soo saaray dadnimadii iyo soomaalinimadii, waxaa ilin soo wada fuushay indhihii hooyooyin badan oo soomaaliyeed, dhalaan aan dowladnimo iyo Soomaalinimaba ku dhalan, waxaa baxday AR FARMAAJO II GEEYA, waxaa timid su'aal caalamku isweydiiyay Yuu yahay shaqsigan Soomaaliyi soo heshay maanta? ayaga oo filayay wajiyadii Soomaalinimada godka gashay mid kaloo la mid ah in uu soo muuqan doono.

Hogaan daacad u ah umadiisa waxaa lagu yaqaan in uu u xulo qof asaga uga sii daacadsan si himiladooda iyo halka ay beegsanayaan loogu hogaamiyo, waxaa cadaatay taasi in uu ka dhabeeyay Madaxweyne Farmaajo markii uu xilka Ra'iisul Wasaaranimada u magacaabay Mudane Xassan Kheyre, oo sifayaashii hogaanka Soomaali u oomanayd kasoo wada bidhaameen, aqoonyahan, aftahan, geesi, daacad, naxariis, wadaniyad, dadaal iyo kirtiba. Taasi waxa ay daliil u tahay in Soomaali waa cusub u baryay, in wado ilaa iyo 1960-kii aan loo horseedin maanta qaadi doonto, walow caqabadaha jira iyo jid gooyada taal aysan oolin xiligii la qaatay xornimada, waayo? cadowgu maanta dhinac walba ayuu kaa xigaa, ilaa uuba noqon karo walaalka kula dhashay adiga, marka ma ahan in aan iska indho saabayno waxa runta ah ee madaxda Soomaaliyeed maanta horyaal, waxaase Soomaali in ay ku faraxdo mudan in ay haysato geesiyaal hadii ay garab istaagto dhib walba wajihi kara, kana mira dhalin karta hawl walba oo ay u gacan qaadaan.

Tilmaamaha cajaa'ibka ah ee RW Kheyre ka muuqda waa kuwii Soomaaliyi u dhutinaysay mudo ka badan nus qarni, waa nin dareensan Soomaaliya in koox ama qabiili afduub u haysan karin, waa nin diyaar u ah Soomaaliya in uu ka qaado meesha ay taal, una horkaco wado cusub, waa wadani codkiisa dananaya kicinkaro qofkii in yar oo wadaniyad ahi ku jidho qalbigiisa, waxa uu fahmay musuqmaasaqu in uu ka mid yahay cudurada Soomaali dilooday, dagaalkii ugu waynaa oo lagu qaadana waa uu iclaanshay, waxa uu toosh ku ifiyay dulmiga, asaga oo yiri Soomaali dhexdeed u ogalaanmeyno in ay dulmi danbe kala gasho, waxa uu u muuqdaa halyeey wadani ah Soomaalina heybinaysay in badan.

Fahamka iyo dareenkiisa garasho iyo aqoontiisa ayaa ah mid in la xuso mudan, waxana cadeynaysa su'aal markii mudo bil ah uu xukunka hayay uu weydiiyay mid ka mid ah wariyayaasha SNTV, oo aheyd sidan;

Wariye SNTV: Mudane Dowladihii kaa horeeyay waxaa la haray khilaaf, khilaafkaas waxaa xudun u ahaa DASTUURKA, maxaa kaaga qorsheysan dib u eegista Dastuurka?

Ra'iisul Wasaare Kheyre: Maya, Dastuurku waa waxa isku haya umada Soomaaliyeed. Waa waxa haga xukuumada, Baarlamaanka, Madaxweynaha iyo hay'adaha kale ee dowlada. Dadka waa in uu fahmo meesha uu marayo Dastuurka, meesha la rabo in la gaarsiiyo iyo waxa ka dhiman.

Midkale oo Wadaniyadiisa noo cadeynaysa waxa an kaso qadan karnaa oraah uu u jeediyay ciidanka qaranka ee uu Balidoogle ugu tagay asaga oo baraya qiimaha calanka garabka bidix ugu dhaganaa waxuu yiri " Calanka garabka idiinku dhagan waakii Halyeygii Xalane u diiday in uu cadowga uga cararo, dhulkana uu taabto, idinkana sida xalane ayaa la idinka rabaa in aad u ilaalisaan jiritaankiisa difaacdaan una dhimataan, anaguna aan idinku xusno sida magaciisu maanta Xalane u nool yahay ayaad u noolaan doontaan".

Mudadii yareyd ee uu xukunka hayay talaabooyin badan oo caqabado ah ayaa soo wajahay, dhamaanna wuu ka talaabsaday, waxa uuna tusay in waxa uu ku taagan yahay ama go'aanada uu qaatay sax yihiin qarankana dantiisu ku jidho, gadaalna uusan uga laabanayn. Taasina waa sifaha hogaanka lagu yaqaan kuwa ugu qaalisan laguna xusho in ninka hogaanka ahi uu leeyahay dhiifonaan waxa uu u arko xaqa u bareeri karo.

Ma malayn kartaan qiimaha ay ugu fidhiyaan dhalaanka Soomaaliyeed marka RWasaarihii wadanku salaamo, la fariisto, la sheekeysto, dhabta saaro, wax la cabo, taasi waxa ay ka mid tahay tilmaamaha R/Wasaare Kheyre leeyahay oo ah in uu yahay nin u nugul dadkiisa jilicsan.

Su'aal kama taagna in hogaan sifuhuu lahaa Madaxda Soomaaliya maanta ka muuqato, sidoo kalana ka doodi mayno in ay awood u leeyihiin in ay Soomaaliya meesha ay joogto maanta ka dhaqaajiyaan una horkacaan Nabad, Nolol iyo Dowladnimo aan mudo ka badan nus qarni ruux Soomaali ahi ku naaloon.

Su'aal baase soo laablaabantay in badan, taasoo ah cadowgu ma u ogalaanayaa in madaxdani umadooda u adeegto, u horseedaan nolosha ay u qalmaan, u madax banaanaadaan aayahooda?, hore ayaan u xusay taasi waa maya, dagaal ayaa lagu qaadayaa lagu fashilinayo dhinacuu doono ha ka yimaadee, waxase looga fadhiyaa in ay difaacdaan waa shacabka Soomaaliyeed oo hogaan la'aanta u baaba'ay, wadankoodiina balo ugu adeeganayso.

Waxaan maqlay in madaxdayada cusub dadka qaar yiraadaan "WAA DEGDEGAAN" la yaab ma leh in kuwo sidaas qabaan, waayo? Soomaaliya in mudo ah majirin dad qorshe qaran ama dan guud inta ay u istaagaan waqti go'an wax ku qabta, taasaa waxa ay keenaysaa in hawl la qabto waliba waqtigii lagu balamay lagu qabtay ay u muuqato mucjiso, degdegna logu yeero.

Waxaa jirta aragti la dhaho "BROKEN WINDOW THEORY" oo oranaysa "Hadii aan danbiga kiisa ugu yar aan wax laga qaban, sida daaqad jabsan, kiisa weyna wax lagama qaban karo, marka waa in aadan ogalaan in aad indhaha ka qarsato danbiga kiisa ugu yar" waa ku mahadsanyihiin  Madaxdeenu in ay fikirkaas ku dabaqaan Soomaaliya, dadka aan fahminna degdeg haku sheegaan.

Ugu danbayn, Soomaali Ilaah duco ayay warsatay, ay leedahay ilaahayoow hogaan noo naxa, wadani ah, Soomaali isku urursha, nasii, shaki kuma jiro in uu Ilaah u aqbalay ducadaas, markuu madaxdan sifaha hogaan laga rabay u dhan yihiin xilka ugu dhiibay, waa in aan u mahadcelino eebe, ayagana ku garabgalno shaqadaan u dhiibanay, waxaa hubaal ah in aan wada guuleysanayno.

WQ MUXYADIIN XUSSEEN CIID
alcarab1@yahoo.co.uk





DAALAA DHACA QATAR DAN UMA AHA SOOMAALIYA WQ Muxyadiin Ciid

SOOMAALIYEY WAA LA I DHUFAANAYAA W/Q Muxyadiin Xusseen Ciid

Radical Ideas Muslims Celebrate In Ramadan Abukar Arman

Albaabka Adeega Caafimaadka Beljamka

Hogaan ama Garwadeen W/Q: Abdikadir Ibrahim Ahmed ( Kambale )

HARDANKA LOOGU JIRO HANASHADA SOOMAALIYA BY Abdulqaadir Ibrahim axmed

Allaha u naxariisto Xaydar Maxamed Maxamuud oo dhawaan ku geeriyoodey dalka Hindiya

Soomaalaay Qaranku Aw Cali oo kale ayuu u baahanyahay

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJACUUN Maamo Xaawo Farax Xasan Cade

EID MUBARAK DHAMAAN MUSLIMIINTA IYO SOOMAALIBA

Maqaal: Aragtida Dhimatay iyo Carabnimada Soomaalida

Salaantii Ciida oo ay is-dhaafsadeen Sultan Cabdalla iyo Boqor Burhaan.

Ramadan: Time for Muslim Rulers to Reflect on Ethical Governance

US on collision course with China in the Red Sea .ABUKAR ARMAN

Sultan Abdalla Bin Eissa held a meeting to review the developments on the ground and the importance of protecting the stability of the Almahra and Socotra

Shirweynaha Ururka Caafimaadka Xoolaha iyo FAO ee ka hortaga Cudurada Faafa uga qaybgalay dalka Ivory Coast(Sawirro)

ICRC: Activities in Somalia from January to December 2014

General Ahmed Qahtan " we declared that our against of joining Hathramout Federal Region. The Mehris has a right to decide their future and may have better options that are suitable for them".

Maansadii ISMA ORAN Muxyadiin Ciid 2007 dib u milicsi wacan

WASIIR SACIID CIID AYAA KA TACSIYEYNAYA GEERIDA EX-XILDH DAHIR KELLI IYO MUDANE CALI AXMED NUUR

Munaasabad uu xilka kula wreegay wasiirka cusub ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Mudane Saciid Xueen Ciid

Al-Haji Yaziin Xassan Ciid ayaa waxa uu ka tacsiyeynayaa Geerida ku tim RW Cumar Crashiid

Dr: Cabdulqaadir Cali Askar iyo Reer Cali Askarba waxa u tacsiu dirayaa Reer Cabdirashiid Cali iyo Reer Macalin Daahir

Dr Abdiweli Gaas oo ka tacsiyeeyay Geerida Xaajiyo Ruqiyo Macalin Daahir AUN

Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Dhirta iyo Daaqa oo ka tacsiyeeyay Geeraida Xaajiyo Ruqiyo Macalin Daahir

Guud ahaan Reer Sharmaarke ayaa Tacsi u diraya RW Cumar Cabdirashiid Cali

TACSI:Xaajiya Ruqiya Macalin Daahir Cali Boss oo aheyd Hooyada R/W CUMAR Allaha u naxariisto

Dowladda Oman ” Waxaan diyaar u nahay xoojinta xiriirka nagala dhaxeeya Soomaaliya”. Jan 19, 2015

Tacsi Guuleed Maxamed Siyaad Barre Allaha u Naxariisto

Sultan Cabdalla Bin Ciise Al Cafraar oo ka tacsiyeeyay geeridii naxdinta laheyd ee DR Xassan Xaaji Al Cafraar

TACSI: DR: XASSAN XAAJI ABUKAR AL CAFRAAR OO LONDON KU GEERIYOODEY ALLAHA U NAXARIISTEE

Somalia to rewrite contracts in response to corruption concerns By Katrina Manson in Nairobi

SAADO: GEENYADII GALBATEY IYO HALAQII LABA AFLAHA (Qoraa sare:Muxyadiin Xuseen Ciid)

UK HOUSE OF COMMON: President Mohamud on the back foot while al-Shabaab attacks continue

Maansadii: Marinhabowga Qarannimo ee aan maalmaha XORIYADA U TIRYAY 1 JULAY 1960

American-Somali relations: What’s in the words? by Abukar Arman

TACSI: Macalin Abdi Jama Warsame (ALLAHA U NAXARIISTO) OO DHAWAAN GEERIYOODAY

YUU AHAA SULTAN ABDALLA BIN SULTAN ISSA AL AFRAR “MAHRA IYO SOQODRA”? QALINKII: Muxyadiin Xusseen Ciid 30/05/2014

QAYB KA MID SAWIRADII SULTAN ABDALLA BIN ISSE INTII UU KU SUGNAA PUNTLAND

المهرة اليوم - خاص استقبلت الجالية المهرية في الصومال السلطان عبدالله بن عيسى بن عفرير باكثر من سبعين سياره وكان على راسهم مشايخ قبائل المهرة ( بن نيمر + الجدحي + بن عتوني + السليمي + وبن عفرير ) وج

قبائل الدارود الصومالية تنصب ملكا جديدا

SAWIRADA CALEEMASAARKA BOQORKA DAAROOD

Security in Kenya Little law, less order Crime, terrorism and police abuse are all rising together

CAMDEN:Father of man stabbed to death in Camden Town street calls for peace

TACSI: REER SHIRE MAXAMUUD OO KA TACSIYEYNAYA GEERIDA MAAMA MARYAN

Daily Nation: How Somalia aid cash funds Al-Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadnaqay madaxda dalka Isutaga Imaadaarka Carabta

Car Bomb: President Hassan Sheikh Mohamud has called the UN envoy to Somalia to say he was not harmed during the attack, envoy Nick Kay has tweeted

Insight - Graft allegations test West's ties to Somali president (REUTERS)

Somalia president dismisses US criticism