SHARIIF SONKOR: NIN SHEEGA IYO NIN SHEELABA SHARIIF WAAYAHAA KU SHAACIYAY
SHARIIF SONKOR: NIN SHEEGA IYO NIN SHEELABA SHARIIF WAAYAHAA KU SHAACIYAY
“GIDAARKAAN KU TIIRSADAY RAG IN UU GARAB MARAAN
SHEEGTAY
GEERAARSHE DHEER IYO DAGAAL WARAN GALAAN SHEEGTAY
GACAN IYO IN GEED LAGA HADLIYO GOBANIMAAN SHEEGTAY” Garaad WiilWaal.
Soomaali 21sano ee la soo dhaafay qaxarka iyo qaran jabka heysta waxaa sabab u ahaa qabyaalad iyo cududa qabiilka oo noqotay mid xalaal iyo xaaraanba u xeerinaysay qoyskii isbida in ayagu wax walba xaq u leeyihiin.
Sifaha ceynkaan ahi waxa ay horseeday in rajadii loo qabay badbaadinta Qaranka Soomaaliyeed, ay u sii huleesho ceel ka gundheer kii 1991-kii afka uga dhacday.
Taasoo sababtay in sanadba sanad uga gudbo Soomaalida ayadoo loo afxiran yahay Reer, Qoys ama Qabqable maalmahaas miciyihiisu tusiyeen in keligiis ilkihiisu waxgoyn karaan, ilaa ay gaartey in diintii laftigeedii lagu muruqmaasho.
Dhaqanka noocaan ahi waxa uu dhinac u riixay Bulsho badan oo taariikh, magac iyo sharafta ay ku lahaayeen Soomaalida ayan aheyn mid caad ku dheehnaa, loona tixgalin jiray karaamada muuqatay ee ay kasbadeen.
Waxa ay qayb ka ahaayeen halgamadii iyo sooyaalkii loo soo maray hanashada calanka iyo xornimada Soomaaliyeedba, ayna cadeyd in inbadan oo ku doodeysa in manta Soomaaliya wax walba gar u leeyihiin uga xaq badan yihiin.
Hadaba markii miisaskii iyo golayaashii xal iyo nabad in lagu baadigoobo loo fidinayay ay buuxinayeen asxaab qabiil xambaarsaneyd, gacmahoodana u soo fidinayay si mid walbaa u muujiyo muruqa iyo cududa asaga iyo reerkiisu xambaarsan yihiin, maxey noqoneysay kuwa gacmahooda aan miiska soo saareyn, uuna u muuqday xal iyo nabad in Soomaali uu dan u yahay, waa kuwa Soomaali tiri “DAL YAROW DURUG”.
Uma muuqan dadkii aan saameynta ku laheyn Qaran Dumiska in xalka qayb ka ahaadaan, Balse kuwii salka u furay Dowladnimadii Soomaali ayaa hadana raqdeedii laga talogashay, ayaguna kobtii ayay hiigid ula fariisteen.
Tani waxa ay keentay in lagu waraaboobay dhiigii calanka iyo ciida Soomaaliyeed ka baxayay, waana ay adkaatay in waraabayaashaa xero ay lasoo galaan nin aan muruq iyo itaal uu muujiyaa jirin, BALSE CAJIIB.
Waa maxay CAJABTU?
Wiilka Ina Shiikh Aadan ah, muruq iiga muuqdaa oo majlisyadii maqaawiirta xoogsatay usoo maryo dhigteen uu la yimaado ma arkinne, MAXAA KHALDAN?
Magacyadii loo habar wacan jiray marka Qarannimada Soomaaliya lugta intii laqabto lajiidi jirayna Shariif Xassan kuma uusan hadaaqine, TALO ISII?
Dadkiisa Digil iyo Mirifna allaha daayee duulaan uma aysan soo galin intaan ogeyn dumintii Dowladnimadeenee, HALKEE KA DAGEY SHAXDA QARAN DUMIS?
Ashraafna allaa sharfay, SHIFO in ay noqdaan maahane marna SHAR LOOMA XISAABIN, ee Shariif Xassan shukaantiisu Ashraafba mafuushee, YUU LA SHOWRAA?
SU’AALAHA SHARIIF SONKOR?
Inta aanan guda galin jawaabaha su’aalaha SHariif Sonkor, mise saad jecleydeen baan dhahaa SHARIIF SAKIIN, ilama aha in libinta uu lagalbado Shariif Xassan mar walba uu ku muteysto magacyo xun, ee waxa ay ila tahay in aan wada qirno, ARAGNANA WADADA CUSUB EE UU U FURAY SIYAASADA INDHAHA LA’EYD EE SOOMAALIYA.
“Xaashaye nin libin kaa xisdiyay, xumihis waa yaabe” SALAAN CARABEY
Waa in aan wada qirno sida uu u madax garaacay siyaasadii QABKA IYO QAROWGA QABYAALADEED HUWANEYD, ee Qabqable, Qaari Shiikh diimeed, Aqoonyahan lagu Qasaaray horboodayeen, HALKEE KA BAXEEN?
Dhamaan Jilayaashii siyaasada Soomaaliyeed 21-dii sano ee lasoo dhaafay waa ay ku guuldareysteen in mansabkii dhiiga iyo dhagarta ay u galayeen xajistaan, mid walbana foolxumo ayuu kala caraabay golahii QARAN DUMIS ee xubinta ka ahaa, asagoo leh
“BI’I WAA CABDINUUROW
COSOBSAAN ISLAHAAYE
CEEB UUNBAA IGA RAACDAY” ABWAAN DACAR.
Inbadan oo naga mid ah ayaa ku hadaaqa in Shariif Xassan loo adeegsado QARAN DUMIS, ayaga oo iska indho saabaya sababta LOO ADEEGSAN WAAYAY KUWII SHEEGANAYAY IN AY KA TUN IYO TABAR WEYNYIHIIN, FULIN KARAANA WAX WALBA?
Sababta Wiilkaan Ashraafeed oo dhamaantiin aad ugu yeertaan LAANGAABKA loogu adeegsado kuwiinaan LAANDHEERAHA isku yaqaan?
Mise waxaad naga dhaadhicineysaan LAANDHEERAA QARAN DUMIS LAGA WAAYAY, oo mushkilada ragaadisay Soomaali 21-dii sano ee la soo dhaafay LAANGAAB-BAA LUGAHA HEYSTAY?
Wali waxaad quuri weydeen ayaa jiree afka maad iska soo marisaan RUNTA, mise tii laga soo sheegay nin REER BAY ah oo la yiri
“Ninbaa ugu faanay WAAR ANIGU
LAANDHEERAAN AHAY”
Saa la yiri waxa uu ugu jawaabay
“LAANDHEER NINKEED AYUU DHIBAA”.
Hadaba waxa cad ee uu nabaray Shariif Xassan waxa weeye, waxaad tahay aday ku jidhaa, Laandheere, Professor , Qabqable,Amiir ama qurinle kaleba, in ay jidho dariiq loo maro wax walba, ayada oo aan QAB IYO QAROW QABIIL lala imaaneyn.
In fikir maskaxeed furfuri karo ama xalin karo mushkilad kasta oo jidha hadii illaah kuugu deeqay MASKAXDAAS.
In mar walba Caqligu shaqeeyo, caadifad, caro, camalxumo iyo cantara baqash la iskaga hadaaqo, hurgumo mooyee, ayan marna wax hagaajin.
Hal heyska Shariif Xassan “NABADBAA NAAS LA NUUGO LAH”waa kalmad qaali ah runtii, dhaguhuna jeclaysanayaan Runtii.
Waxa uu nabaray in wadiiqadii LAANDHEERAYAASHA QARANDUMIS u marayeen Mansabka 21-sano eelasoo dhaafay ay aheyd mid khaldan.
Waxaa daliil noo wada noqotay in Soomaaliyi maanta u baahnayn, aqoonyahan intaas oo shahaado wata, Caalim Diineed afarta mad-hab ka jawaaba, Qabiil Tun iyo Tabari u buuxsantay, Qabqable iyo Qurinle kaleba, ee waxa ay u baahan tahay uu yahay CAAQIL GARASHO DHEER, Fahamsan marxalada lagu jiro iyo Sama baxeedaba.
Waa halka abwaankeenii
Soomaaliyeed noo iftiimayay waa hore balse wali qarnigaan 22-aad aan iska indho
tireyno, ASAGOO YIRI:
“CAQLIGII WANAAGSAN
ITAAL IN UU KA ROON YAHAY
BAL EEGOO U FIIRSADAAY” XASSAN SH:MUUMIN
Waxaa marag madoonto ah in taariikhdu xusi doonto Shariif Xassan, sida uu ula saan qaaday siyaasada Soomaaliyeed ee dad u dharxirteen in Gole Laandheera uu ka arimmin karo kaliya tahay.
Waxa uu iftiimiyay in tartanku u furan yahay kii waxgarad ah, kii fikir kale ka guuxayayna habaaska cunayo, waxa uu kusoo biiriyay siyaasada Soomaaliya in caqli shaqeeyo, ayadoo edebta hadalka aan laga tageyn.
Ogow maanta in taariikhda danbe ee Soomaali ay xusi doonto raadadkii Shariif Xassan, asagoo macalin ahaan loo adeegsandoono khidadaha cusub ee uu ku daray Siyaasada Soomaaliya mudadii uu ku JIRAY.
Intiina kale ayaan ceebsheegida Shariif u daayay, anna inta aad xusiweydeen mudana sheegideeda ayaan qaatay.
RUNTUSE taas ka dheer, wadaniyada Shariif Xassan ayaa caado noqotay maalmahan danbe in su’aal lagasho, balse ninka su’aasha galinaya ha is fiirsho asaga iyo Qabiilka uu u lug xiran yahayba kaalintii ay ka geysteen QARAN DUMISNIBADII baahday 21-dii sano ee la soo dhaafay.
Xiligii Daraawiish Jabtay baa la yiri nin sheikh ah oo culumadii Saalaxiyada ka mid ahaa lana oran jiray Sheekh Ismaaciil Axmed Barre "Sh Axmed Kolon" ayaa reerihiisii usoo guryo noqday, markaasaa dadkiisii Jab walba oo Daraawiish ugeysatay reerihiisii asaga dusha laga saaray, ayadoo afxumo iyo eed subax walba usha lala dhaco noqotay, subaxdii danbe ayuu Gabey taariikhda galay tiriyay asaga oo cadeynaya sida uu uga nasahan yahay eeda iyo afxumada subax walba lala duljoogo, waxa uuna su’aal gashay wixii dhacay mudadii Daraawiishi jidhay iyo kaalintii uu ku lahaa, asagoo tiriyay Gabeygaan hoose:
Nimanyohow
diihaal ima hayee, waxan la diifoobey
Ay cududahaygu u dubmeen, ummal dad weeyaane
Waagii dillaacaba afxumo, iga dul yeedhaysa
Iyo hadallo deebaaq ahoo, la igu daansheeyey
Darandoorrigaasaan qabaa, sida dabayleede
Dan la'aanta aadmiga kuwaa, dacafka taagaaya
Duubleydu waxay geysatay, iigu dudayaane
Ma anaa wadaadkii ku diray dunida laaynaayey
Waa tuu dariiqadda makiyo diin u haajireye
Isagoo derderan ma anigaa dib uga soo laabay
Dekeddii Berbera ma anigaa dalaq ka soo siiyey
Badduu soo dul maray ma anigaa doonnida u geeyey
Dafdaftuu layimid ma anigaa dabajintii geestay
Ma anuu dabeec iiga helay, dab iyo Maadhiinka
Jiidali ma anaa deg idhi degelladuu saantay
Docmo iyo Nugaal ma anigaa daaro ka ekeeyey
Derbiyaduu rakibay ma anigaa dul iska saarsaaray
Maa anaa fardaha duulaya iyo daabbadaha siiyey
Ma anaa colkii soo dunnaa, dowga marinaayey
Ma anaa raggii degelkan yiil didiyey geelooda
Daaroodka maanaa ka dhigay dooxata miidhan
Deris iyo laftiba reer Isaaq dakharraduu yeelay
In aan diido, inaan daaya adhi, inan digniin geeyo
Haddii aanan daaldaaladkaas, daaqadba u haynin
Daalaca la ii raacay waa, mid iga diimmoone
Haddii uu dacwiyey uunku sow, iguma daw waayin!
Soomali waa daallin aan derejo eegayne
Dariiqyada bannaaniyo sharciga ha iska diideene
Sidii xoolo doog helay hafriin, igula daaqeene
Denbi ha iga qaadeen xanbay, daanka dhigayaane
Kolla haddaanay deyneyn waxay, kala dabeebeyso
Oo aanay deyn kama qabo'e, dux iga qaadaynin
Waa neef dameeroo ka ciyey, dugagga reeraaye
Ninkastaa dannaanni ha shubee danu bax soow maaha! SH:AXMED
KOLON
Soomaalidu
sida gabeyga Shiikha ka muuqata eedooda, sharci iyo kala danbeyn midna uma
muuqatee, waxaa u cad wax ka sheegida Ruux kale iyo la goobida danbigooda cida
kale ee ay is leeyihiin way ku xambaari karaan, sida oraahdoodii oran jirtay “
MISKIINBAA MISKO LA FUULO LEH” Shariif Xassanse MISKIHII MASKIIN LAGA WAA!!,
haduu tago iyo haduu joogaba, waa uu REEBAY BOGAGIISII TAARIIKHDA.
Gabagabadu aan is Xasuusinaa waxa ay tahay in kun iyo kow jeer xalka Soomaaliya CAAQIL GARASHO DHEER UUN KALIYA YAHAY, FAHAMSAN MARXALADA LAGU JIRO IYO XALKEEDA, ee marnaba uusan ku xirneyn Buugaag lasoo akhriyay noocey doonaan ha ahaadaane, Qabiil tun weyn, qabqable iyo qurinle kaleba.
Taasna waa tan ay dhaqanka iyo hidaha u laheyd, anagoo ka dheehan karna Sheeko xariirada Soomaalida mid ka mid ah, oo oraneysay 4nin ayaa isku qabsatay Boqornimo, middi waxa uu ahaa Shiikh, midna Geesi, Midna CAAQIL, midka kalena mahayo, waxay iskula tageen magaalo si ay u kala saarto, magaaladana raxan libaaxyo ah ayaa bishiiba mar timaada qof ayaana laga siiyaa magaalada si ay uga badbaadaan, subaxdii ay yimaadeen magaalada ayaaba aheyd subaxdii libaaxyada la filayay, qofkii la siin lahaana la isweydiinayay, magaaladiina waxay ku tiri waar kiinii libaaxyada aan siin laheyn ama naga badbaadin lahaa iska soo saara, kaas ayaa anagu dantu noogu jidhaaye, Geesigii baa la booday baa layiri “WAAR WARMAHA QAATA AAN DAGAALANEE” saa la yiri tabar loo heli mayo, Shiikhii ayaa dhinaciisa la fiirshay suu yiri WAAR HA I EEGINA, TANI ALAMTARA SOO DHAAFTAY, ugu danbeyn ayaa sheekadu oraneysay CAAQILKII ayaa u tagey libaaxyadii kuna yiri “QOFKII WAAN IDIIN HAYNAAYE MEEYAY KIINII KALIGIIS CUNI LAHAA” halkaasoo libaaxyadii isku qabsadeen, deetana markii labadii ugu danbeysay isku ruuxbaxeen kiisoo harayna si fudud afka ciida loogu gashay, BOQORKIINA CAAQILKII NOQDAY.
Caaqilkaas weeye kan Soomaali danaheeda ka runsheegi kara, kii kale oo meel aan wax jirin karaadiyana waa kan aan wali fahamsaneyn Soomaali, Waana tan uu shariif xassan ku meelmarayo, WAANA TAN AAN IDINLEEYAHAY RUNTA AAN ISKU SHEEGNO, SI AAN SHALOWGA QARANNIMADAYADA UGA SOO SAARNO.
“SHAXDU MAAHA TII
SHALAY
SHAF QABIIL LA TUMI JIRAY
QAROW LALA SHIR TAGI JIRAY
SHEEGASHADA WAX AAN JIRIN
SHAABADEED LA SIDAN JIRAY
EE NIN SHEEGIYO NIN SHEELABA
SHARIIF WAAYAHAA KU SHAACIYAY” Muhiadin ID
Alcarab1@yahoo.co.uk
Muhiadin H Id
Puntland Cadowgeedu waa Caqlixumaday Dugsaneyso
Xiisadaha xamar iyo xaalada nololeed
Reer Buuhoodle oo Bilad Taariikhi ah u Soo Hoyay Magaca Soomaaliyeed iyo Koodaba
