Maqaal: Tafaraaruqaan iyo kala daad sanaantaan baahday xagay salka ku haysaa?

Tafaraaruqaan iyo kala daad sanaantaan baahday xagay salka ku haysaa?

Mudanayaal iyo Marwooyin dhibtaan ka dhacaysa dhulkii ama goboladdii aahaa degaankeena waxaa sabab u ah oo ay salka ku haysaa dhowr arimood oo kala ah Mago, Dariiqooyin, Siyaasad, Baayacmushtar, Abaar iyo laab lakac

Magtu waxay ahayd xariga koowaad oo isku xirayey bulshooyinka wada dega oo ehalada ah ama degaan ahaan la wadaaga. Magtaas oo u kala baxda Magwayn iyo Rafiso lahaydna xeer udeggan oo ay wada samaysteen dhammaan jilibyada wada baxsha ama soo qaata magta. Xeerkaas oo ahaa in jilibka dhibta geystay ama loo gaystay uu khaas ulahaa wax la yiraahdo Rafiso. Magtu markay tahay 100 halaad oo la bixinayo Rafisadu waxay noqonaysaa 11 halaad oo jilibkaas dhibta gaystay ugaara iyo 89ka kale uu la wadaago jilibyada kale. Marka magta lasoo qaatay tahay 100 halaad jilibka dhibtu gaartay waxuu khaas u lahaa Rafiso dhan 33 halaad 77da kalena waxuu la wadaagaa jilibyada kale oo Magta labixiya. Waxaa marka dhacday oo soo foodsaaray in lagu takri falo ama lagu xadgudbo xeerkii magtu lahaan jirtay oo jilibada qaarkood markay soo qaadeen Magtii aanay soo gaarsiin jilibyadii magta la bixin jiray oo raggii soo qaaday ay siday rabaan ka yeeleen waxaana dhacda isla jilibka soo qaaday dhexdiisu inaanu war kahayn arintaas raggaasi ku kaceen. Markii xeer jabkaas raggii sameeyey ay lasoo daristo dhib ay gaysteen jilibkii ay gar wadeenka u ahaayeen ayaa waxaa soo wajaha gadoob falkii hore ee xeer jabiska ahaa ee ay ku kaceen waxaana arintaas ka dhasha  in lasoo hordhigo inay keenaan magtii ay soo qaadeen oo ay dhunsadeen. Raggaasi waxay markaas bilaabaan inay baahiyaan in magtii looga baxay oo jilibyadii kale diideen inay la baxshaan iyagoo boor ku qarinaya falxumadii ay ku kaceen ee khaaska iyaga u ahayd oo aan jilibka ay matalaan xataa la ogayn. Arintaasina waxay keentay in  tafaraaruq iyo kala qaybsanaan harayso dhammaan jilibyadii mag wadaaga ahaa oo inay magta kala goostaan ay qarka usoo fuushay ama jilibyada qaarkood kala goosyteen magtiiba. Halkaasna waxaa ka baxay isu damqashadii ka dhaxaysay jilibyadaas mag wadaaga ahaa waxayna dhaxal siisay inaan reerna reer kale dhibta ku timaada aanay xil iska saarin oo aad mooddo inaanay kala jeclayn  oo reerba reerka kale ku eedaynayo shalay inay iyagu lahaayeen xeer jabkaas keenay tafaraaruqa.

Dariiqooyin..Dadkii iyo Culamadii oo dariiqooyin ukala qaybsamay oo dariiqa kastaa ku duulaan tahay dariiqada kale waxna u ogolayn. dariiqo kastaana ku eedaynayso dariiqada kale inay bidco yihiin oo ay garab mareen dariiqii Rasuulka scs iyo Asxaabtii mareen oo Allah swtc inoo jideeyey inaan raacno ilaa ay ka saareen xadkii islaamnimada. Arintaasi waxay keentay in colaad aad u xoog badani dhex marto culamadii, colaadaasina saamayn ku yeelato dhammaan dadkii  dariiqada kukala raacsanaa culumadaas waxayna dhalisay in daadinta dhiiga culamadu uu noqdo mid sahal ah masaajidadii Eebe ee loo carari jiray markii qofku nafta u yaabo ay noqdaan meesha hadda laga cararo iyadoo laga baqayo in dhibi kasoo gaarto.

Siyaasiyiintii oo u batay dad ku jihaysan helitaanka kursi iyo magac sidii ay ugu suurto geli lahaydna ku kacaya iyagoon xeerinayn ehelnimo, tolnimo, wadaninimo iyo qaranimoba waxayna caadaysteen in markii qorshahoodii ku salaynaa kursi iyo magac usuurto geli waayo in ay dab ka dhex shidaan beelihii walaalaha ahaa ee degaanka wadaagay iyagoo ololahoodu ku salaysan yahay jilib jilib  ololahaas oo farshaxanka ugu wayni yahay waxaa wax laygu diiday waa reerka aan ahay iyo jilibka aan ka sii ahay reerkaas awgeed. Taasina keento in jilibyadii  isku reerka ahaa soo kala dhex gasho nacayb, nacaybkaas oo dhaliya fara isku taagtaag iyo is garabsi la’aan ku baahda reerkii oo dhan.

Baayacmushtarkii oo iyaguna u batay dad meesha ay ka heli karaan hanti ama wax ugu gadmayaan ka door biday ehelnimadii iyo tolnimadiiba. Dhibaatada soo gaaraysa eheladoodii iyo tolkoodiiba ay kala wayn tahay hantidoodu oo wax Alla waxii arintoodaas baayac mushtareed khalkhal gelinaya ay ku bixinayaan maal sidii ay u lafa jabinn lahaayeen markii eheladoodu isku daydo inay iska kor qaadaan dhibaatada soo foodsaarta oo kaga imanaysa jihooyin kale oo aan ahayn beelahooda. Waxayna hantiila yaashaasi ay door bideen in haddii kun iyo ka badanba ku gumaad mayaan aanay dheg jalaq usiin oo hantidoodu kala wayn tahay ehelnimadii, tolnimadii, wadaninimadii iyo qaranimadiiba.

Abaaro is daba jog ah oo xaalufiyey dhulkii xooluhu daaqi jireen arintaasina dhashay in reer baadiyihii ay masruufaan xoolihii iyo reerkiiba oo caws, gallay, haruur, biyo raashinba ay noqotay inay soo gataan iyadoo waliba ciriiri tahay iibsashadoodu oo kii xoolaha badan lahaa iyo kii xoolaha yar lahaaba ku noqotay culays aanay qaadi Karin. Dhibahaas soo foodsaaray reer baadiyihii waxay saamayn ku yeelatay magaaladii oo reer magaalka laftiisu u badnaa dad aan wax badan haysan iyo kuwa aan waxbaba haysan meel laga shaqaystaana jirin. Arimahaas isa saarani keentay in is kaalmayntii ka dhaxayn jirtay ehelada baadiye iyo tan magaalo yaraato amaba laba waayo. Waxaana ka dhex abuurmay labadii ehelo is karahsi isu bedelay nacayb.

Laab lakac… Dhallinyaradii miyiga oo dhibahaas abaaruhu keeneen saamaysay  iyo dhalinyaradii magaalada markay ka baxaan dugsiyada shaqo la’aan ku dhacday ayaa waxaa soo wajahay laab lakac ku salaysan sidii ay noloshooda wax uga bedeli lahaayeen oo ay wax u qabsan lahaayeen. Waxayna dani gayeeysiiyey in ay u kala qaybsamaan kuwa tahriiba oo dhibi badan ka qabsatay kuwo burcad badeed noqday oo iyana dhibo badani ka haysato iyo kuwo faraha ugalay ururada siyaasadda, diimaha iyo baayacmushtarka oo ay ku jiheeyaan cidday markaa colka la yihiin oo ay doonayaan inay is dhaafshaan. Ururadaas oo kala isticmaalaya dhaqaale, toloysi siyaasadeed iyo diin ku salaysan dariiqooyin. Marba marka kasii damaysana way ka sii daraysaa oo waxay qorka usaaran yihiin hadda in waalidkood loo adeegsado inay dilaan oo ay ka dhammaato dhallinyaradeenii eexaysigii ehelinimada iyo qaarabaysiga ahaa.

Suaasha waxay noqonaysaa  wax Malaga qaban karaa arimahaan keenay tafaraaruqa iyo iska hor imaadka sii xoogaysanaya?

Jawaabtu waa sahal oo waa HAA laakiin u istaagideedii wax lagaga qaban lahaa ayaa aad u hawl badan, waxaana sal dhig u ah inay adkaato wax ka qabashadeedu waxaan ku soo koobay saddex arimood

·         Dadkii oo dhibtii ka badatay dhibtaasina gaarsiisay inay damiir la’aan noqdaan oo ay iska socdaan iyagoo ruuxdii firfircoonida ahayd daciiftay kalsoonidiina yaraatay

·         Dadkii oo ay ka hortimi Ururo  badan oo isticmaalaya magaca wax qabasho iyo wax wanaajin oo orodkoodii noqday danaysi iyo meel ku gaarid taasina keentay in markii la yiraahdo waxbaa la qabanayaa aan dheg jalaq loo siin.

·         Dadkii jeclaa in wax qabsoomaan oo ruuxba ruuxa kale ku halaynayo inuu isagu wax qabta oo isxilqaankii wax lagu qaban lahaa yaraaday amaba lagabayba.

Anigu shaqsi ahaan kadib markaan arkay in Jaaliyado badan isku dayeen inay wax qabtaan, maamulaladii isbad bedalayey intuusan ku guulaysan ay ololaynayeen inay waxka qaban doonaan dhibaha ka jira waddanka, haddana wax la qabto iskadaaye sii kala durug iyo is colaysi sii kordhayo. Ayaan waxaan go’aan saday inaan baaritaan ku sameeyo meesha dabka hurinaysa oo ay shidadu ka dami la’dahay iyo sababta wax isla qabsan la’yihiin. Nasiib wanaag waxaa iisuurto gashay inaan u baxay waddankii Puntland oo aan ku maqnaa in mudda ah. Waxaa kaloo iisuurta gashay inaan helo oo aan la shaqeeyo shirkad ka mid ah shirkada xoolaha dhoofiya shirkadaas oo la oran jiray alfurqaan. La shaqaynta shirkadaas waxaan nasiib u helay inaan dhulbadan oo qiyaas ahaan la oran karo boqolkiiba 80 dhulka Puntland ku fadhido aan marno oo isugu jiray miyi iyo magaalaba waxaana iisuurta gashay mar haddii aanan ahayn ruux qadiyad wata ama magac doon ah amase ujeedo kale wato in markii aan waraysto raga halbawlaha u ah bulshadaas aan markaa loo joogno ay iigu waramaan si calool xaaran oo aan kalsooni xumo lahayn. Waxaa waraysigaygaasi ku salaysnaa  waxyaabaha keenaya kala dhantaalka kallifayana tafaraaruqaa maalina maalinta ka danbaysa sii xoogaysanaya. Waxaa arintaas xog waraysiga iiga  soo baxday in meesha dabka aad u hurinaysaa oo asaaska u ah ay tahay arimahaas aan kor kaga soo hadlay ee  kala ah Mago, Dariiqooyin, Siyaasad, Baayacmushtar, Abaar iyo laab lakac.

Waxaan kale oo aan u kuurgalay oo waraysigayga ku lifaaqnaa markii ay iisheegaan wax yaabaha ay dhibsanayaan dhanka jilibyada ay isku reerka yihiin dhanka maamulka ama dhanka beelaha ay wadagaan degaankaba inaan ka waraysto siday u arkayaan waxa xalku yahay keeni kara isu soo dhowaan shaha beelahaas iyo maamulkaba oo meel laysugu yimaado oo wada qancin karta bulshadoo dhan. Arintaasna waxaa iiga soo ifbaxday in dadka intooda badan ay u muuqanayso in ay aad muhiim u tahay in la helo midnimo iyo nabad kuwada noolaansho sharaf ku dhisan aadna ay u jecel yihiin inay helaan. Waxaa markaasna ii muuqatay mar haddii dadka badidiisu doonayaan wanaag in lagu wada noolaado waxa hortaagan inay ku dhaqaaqaan. Waxaa iiga caddaatay in saddexda arimood ee aan kor kusoo koobay ay gundhig u tahay inaysan u kicin inay isu taagaan sidii wanaagaas ay wada doonayaan ku her gelin lahaayeen.

Marka akhristoow aniga iyo adigu makacnaa oo ma soo ceshanaa wanaageenii iyo midnimadeenii mise midka geeskaas kale fadhiya ka sugnaa inuu inoo qabto mise waxaaba ka sii fiican inaan iska seexano oo niraahno beleey yaahuu… Halna ogoow in Allah SWTC yiri duul Allah kama bedelo waxay ku sugan yihiin xume iyo wanaagba inay iyagu iska bedelaan waxay ku sugan yihiin maahee…..

Qorre.. Eng Cabdirashiid Cabdi Daad

Guurey@hotmail.com

RAXAN KA REEBEEY ALIF WAX MALEH IYO WAALEEYAHAY KALA DAAYA

Bashiir Yusuf: Soomaaliya iyo carbis

Caalim Caalamka wareegaya shiddo la’aan iyo ardaygiisii aan godkuu galaba ku badbaadayn? Suldan Garyare

FARIINI WAA QAAN SOOMAALIYEEY "BY YUUSUF BASHIIR"

SOOMAALIYA MA XOR BAA MISE WAA MAXMIYAD HOOS TIMAADA QARAMADA MIDOOBAY (TRUSTEESHIP COUNCIL OF THE UNITED NATIONS)?

Heshiiska TFG iyo SKA Air Logistics Qalinka (Shakib Dhowre)

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu? (QAYBTII SADDEXAAD.

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu? (QAYBTII LABAAD)

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu (Qaybta 1aad)By Suldaan Garyare

Faallo:- Nabad la’aanta ka jirta dalka Soomaaliya waxay salka ku haysaa dhul kala sheegashada iyo Sed-bursiga Soomaalida.

Ileyn Nimaan Xishoon Dagaal Xeeli Kama Heyso: Suldaan Garyare

DUULAN GALGALA MISE FASHILAAD FAROOLE.‏ (Qalinkii Xassan Carab)

RAAFKA DADKA KA SOO JEEDA K/SOOMAALIYA TALAABO KHALDAN

CALANKEENU LEBEIS MIYUU GALAA IYO ISTUSTUS!

Kaynaan, Kali Kaabay kaalin la wada gabey "1 By Bashiir M. Xersi."

The Roots of the Islamic Conflict in Somalia by Dr Baadiyoow

Puntland! Sidee Xega loo Xagta oo Ilka Unabad Galaan. Maqaal Puntlander

Ma tanaa Turkigiina Baqal usoo fuulay .‏Qore-Xassan Carab

Hambalyo iyo bogaadin ku socota Isimada Gobalka Bari by DR Yusuf Isse

Puntland Iyo Cadaalada By Dr: Yusuf Issa

Urur Diimeedkii Ahlu Sunna Wal Jamaaca oo noqday xero doofaar ku soo xoomay oo xaalkeed Ilaah wax ka ogyahay

Wiil 11sanojir ah uu sababay IN haweenay Gaalo ah Muslimiyo

Magac u Yaallo mise Mansib u Yuurarayaal?!.

Soomaaliya ma argagaxisaa joogto? Dr:Yusuf Essa

Qiso Cajiib ah – Dagaal Waa Tab iyo Xeelad

Maxaa diyaaradihii Yurub fadhiisiyay? Cibra qaadasho la xidhiidha Falkaanaha Iceland?

13 jirbaan ahaa goortaan Ogaaday in layna gumeysto waxay ahayd markaan la kulmay 2 qiso oo iyaab galiyaya.

Taariikh Muhiim ah oo ku saabsan dagaalkii 77 ee dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya

Shirka Addis Ababa iyo Shuyuukhda Ahlusunna.