Caalim Caalamka wareegaya shiddo la’aan iyo ardaygiisii aan godkuu galaba ku badbaadayn? Suldan Garyare

Caloolyoobayeey Culimmadda Soomaaliyeed Qaybtood Ma Xiddigihii Ciyaarahoo Kaley Noqdeen Dhamaan ammaan oo dhan waxay u sugnaatay allaah (swt) ee nagu manaystay nimcooyin badan oo aan xisaab lahayn iyo rasuulkiisii suubaanaa Muxamed (csw). Intaa kadib waxaan salaamayaa guud ahaan Muslimiinta, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed Ummadda Alle kala ayaan badan sida dhulka, geedaha iyo bahaayinkuba u kala ayaan badan yihiin.

Waxaa caalamka macruuf ka ah oo cid walba ogtahay in dadka caanka ku noqda hiwaayadaha kala duwan ee bani’aadamku ku soo caan baxo sida xidigaha ciyaaraha oo kale (sport stars), inaay suuq geyn u noqdaan badeecadaha kala duwan ee shirkadaha caalamku soo saaraan, iayagoo badeecad walba lagu xayeysiinaayo xiddig caan ku ah qayb ciyaaraha ka mid ah, ujeedaduna aay tahay in xiddigaasi suuq geyn u sameeyo badeecaddii lagula heshiiyey inuu suuq geeyo, sababtoo ah waxaa dhici karta cid walba oo xiddigaa jaceyl ama raqbo uhaysa inay badeecaddaa boob ku bilowdo iyagoo aaminsan in xiddigoodiiba iibsaday. Taasi waa nooc ka mid ah habka wax loo kala iibsado ama badeecadaha loo suuq geeyo (marketing tricks).

Waxaa taas la mid ah waayahan dambe waxaad moodaa shaashadaha(televisions) ku hadla afka Soomaaliga oo aad moodo in qaybo ka mid ahi aay fidinayaan afkaaraihii aay fidin jireen idaacadaha gumaysigu(imperialist), u samaystay wadamadda Islaamka iyagoo weliba luuqadda Soomaali ku baxa dadka Soomaaliduna aay dhammaantood fahmayaan, culimmo Soomaaliyeed oo iyaguna sidii xiddigihii ciyaaraha xayeysiin ka smaynaya, sabatoo ah dadka Soomaaliyeed ee diinta jecel baa culimadaas xayeysiinta samaynaysa raqbo iyo jacayl u qaba, taasina aay macquul ka dhigto in badeecad badan la iibsado.

Culimmadaasi raalli haka ahaadeen oo heshiis hala galaan shirkaddaha ganacsiga ee Soomaaliyeed ama yeysan la geline markhaati uma baahna inay shaqadaas hayaan oo shaashadaha oo dhan baa laga daawadaa, gaar ahaan kuwa kala jooga Bariga Afrika(Kenya, Uganda, etc), Jidda(Ardul Xijaas), Dubai, Waqooyi Bari iyo Waqooyi Galbeed Soomaaliya.

Haddii qofku ka tago shaqadiisii oo uu shaqo kale aado wareer buu la kulmaa, culimmadssi waxay ahayd inay ummadda dowrkii aay u hayeen qaataa oo ummadda hoggaamiyaan, ileyn waligeedba ummadda Islaamka ah culimaa hoggaamin jirtay hadaysan ku qanacsanayn fikraddaha gaaladu fidiso oo ah in hogganka Islaamka(diinta) iyo siyaasadda la kala saaro fikradaasoo asalkii ka timi reer Galbeedka markii aay kala saareen kaniisada(Church) iyo dawladdii (state) taasoo oranayso Boqorka Qaysar udaaya waxa uu leeyahay oo xukunka ah Allena udaaya waxa uu leeyahay oo ah Kaniisadaha (Regard to Kaiser as Kaiser’s, and regard to God as God’s), taas oo ah fikrad mulxidnimo iyo kufaarnimo xambaarsan ileyn xukunka iyo abuurkaba Alle (swt) ayaa iska leh.

Niman badan oo hoggaamiyayaal sheegta oo aan aaminsanahay in aqoontooda diiniga ahi liidato ayaa ku hadaaqi jiray in Culimmaddu masaajiddada ku ekaadaan oo siyaasadda iyo masraxyada bulshada laga hago ayan shaqo ku lahayn, aragtidaasoo aad moodo inay daba socota wixii lagu soo baray meelaha aay waxbarashada ka soo qaateen (Westernization and Capitalism or Marxism and Communism), taasoo aad moodo inayan si fiican u fahmin maadaama aay usoo ergiyeen ummad aan waxaas fahamsanayn ama aan aqoon u lahayn fikradahaa dibaddaha aay dibadda kala yimaadeen.

Haddii waagii hore culimmadda la oran jiray idinku dadka meherka, dhaxalka iyo ducada ayaad leedihiin oo aad moodo inay fikradda aan kor ku xusay aay dhaqan gashay, maanta dadka Muslimiinta ah waxa la doonaaya ninka caalimka diinta Islaamka bartay inuu xukumo oo kii afkaarta qalaad loo soo dhiibayna xukunkaa ku hoos noolaado ilaa fikirkaa khaldan laga dhaqayo (rehabilitation from foreign thoughts ).

Taasi mowduucayga ma ahayn ee qoraalkaa ila galay. Waxaa kaloo aad la yaab u leh culimmo ka mid ah kuwa Soomaaliyeed oo weliba caan ah oo dadku aad u yaqaan inay u muuqdaan kuwo xambaarsan afkaar diinta Islaamka aad uga fog. Muddo aan sidaa u fogayn waxaan akhriyey maqaal uu qoray nin Sheekh Soomaaliyeed ah wuxuuna cinwaan uga dhigay ”Waxaan risaalo aan ka wado Nelson Mandela u wadaa Sheekh Xassan Daahir Aweys iyo Dr sheekh Cumar Iimaan”.

Ma xumo farriin waa laysu qaadaa farriinta Mandela oo ah nin ku abtirsada nasaaro dad badan oo reer Koonfur Afrika ahna aay aamin san yihiin inuu san diinba aamin sanayn (eithist), maxay labada Sheekh u taraysaa risaaladiisu?, hadday mabaa’dii noqoto iyagaa Muslim ah kana mabda’a fiican haddii macneheedu yahay in qofku ka runsheego mabda’iisa iyagaa aaminsan inay kii Alle haystaan naf iyo maalbana u huraya kor yeelidda kelmadda Alle( swt) oo qariib ka noqotay caalamkan faasidka iyo foolxumadu ka badatay. Marka Mandela waxba laga qaadan maayee Alle (swt) manhajkiisii baa yaala koomka isagoon badhax lahayn ee wadaadada fikradaha qarbiga iyo tan sharqibu galeenoow Alle u toobad keena.

Waxaa todobaadkii la soo dhaafay dhacday arrin fadeexad ku keentay ciidamada amniga Canada iyo kuwa Sweden, kadib markii diyaarad aay leedahay dalka Pakistan oo ka soo duushay dalka Canada una socotay Pakistan si dedeg ah (Emergency landing) loogu amray inay degto gegida diyaaradaha ee Stockholm(Arlanda airport), ka dib markii lagu wargeliyey inuu saaran yahay nin doonaya inuu diyaaradda qarxiyo.

Markii arrintii la baarayna warkii wuxuu noqday war aan jirin. Haddaba sababta ninkaa looga shakiyey waxay ahayd ninkaa waxaa ka muuqatay sunnaddii Muslimiinta lagu yaqaanay saasaana looga shakiyey.

Bal kawarran kan aadka loo yaqaan inuu yahay Caalim Sheekh Islaami ah oo bishii dhow goor caalamka isaga goosha wax shaki ahna aan laga qabin, wiilashii uu isagu wax soo barayna haddii lagu sheego tuulo ka mid ah Soomaaliya ama Afghanistaan gantaal aad qaali u ah lala beegsanayo hadii la helo xagasha Joqraafiyada(Geographical angle) ee uu dhulka kaga taagan yahay.

Haddaba su’aasha aan akhristayaasha qiimaha badan kaga tagayaa waxay tahay maxaa farqi ah oo udhexeeya Caalimkaas caalamka wareegaya shiddo la’aan iyo ardaygiisii aan godkuu galaba ku badbaadayn?

Wa billahi Towfiiq
Qore: Suldaan Maxamed Suldaan Garyare
(Abu.cabduraxmaam)
mibraahim3@hotmail.com



Maqaal: Tafaraaruqaan iyo kala daad sanaantaan baahday xagay salka ku haysaa?

RAXAN KA REEBEEY ALIF WAX MALEH IYO WAALEEYAHAY KALA DAAYA

Bashiir Yusuf: Soomaaliya iyo carbis

FARIINI WAA QAAN SOOMAALIYEEY "BY YUUSUF BASHIIR"

SOOMAALIYA MA XOR BAA MISE WAA MAXMIYAD HOOS TIMAADA QARAMADA MIDOOBAY (TRUSTEESHIP COUNCIL OF THE UNITED NATIONS)?

Heshiiska TFG iyo SKA Air Logistics Qalinka (Shakib Dhowre)

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu? (QAYBTII SADDEXAAD.

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu? (QAYBTII LABAAD)

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu (Qaybta 1aad)By Suldaan Garyare

Faallo:- Nabad la’aanta ka jirta dalka Soomaaliya waxay salka ku haysaa dhul kala sheegashada iyo Sed-bursiga Soomaalida.

Ileyn Nimaan Xishoon Dagaal Xeeli Kama Heyso: Suldaan Garyare

DUULAN GALGALA MISE FASHILAAD FAROOLE.‏ (Qalinkii Xassan Carab)

RAAFKA DADKA KA SOO JEEDA K/SOOMAALIYA TALAABO KHALDAN

CALANKEENU LEBEIS MIYUU GALAA IYO ISTUSTUS!

Kaynaan, Kali Kaabay kaalin la wada gabey "1 By Bashiir M. Xersi."

The Roots of the Islamic Conflict in Somalia by Dr Baadiyoow

Puntland! Sidee Xega loo Xagta oo Ilka Unabad Galaan. Maqaal Puntlander

Ma tanaa Turkigiina Baqal usoo fuulay .‏Qore-Xassan Carab

Hambalyo iyo bogaadin ku socota Isimada Gobalka Bari by DR Yusuf Isse

Puntland Iyo Cadaalada By Dr: Yusuf Issa

Urur Diimeedkii Ahlu Sunna Wal Jamaaca oo noqday xero doofaar ku soo xoomay oo xaalkeed Ilaah wax ka ogyahay

Wiil 11sanojir ah uu sababay IN haweenay Gaalo ah Muslimiyo

Magac u Yaallo mise Mansib u Yuurarayaal?!.

Soomaaliya ma argagaxisaa joogto? Dr:Yusuf Essa

Qiso Cajiib ah – Dagaal Waa Tab iyo Xeelad

Maxaa diyaaradihii Yurub fadhiisiyay? Cibra qaadasho la xidhiidha Falkaanaha Iceland?

13 jirbaan ahaa goortaan Ogaaday in layna gumeysto waxay ahayd markaan la kulmay 2 qiso oo iyaab galiyaya.

Taariikh Muhiim ah oo ku saabsan dagaalkii 77 ee dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya

Shirka Addis Ababa iyo Shuyuukhda Ahlusunna.