Heshiiska TFG iyo SKA Air Logistics Qalinka (Shakib Dhowre)
Heshiiska TFG iyo SKA Air Logistics
Shakibdhowre@ymail.com
06/09/2010
“Doc hadday u wada jeesato, oo dhawrto dana-heeda,
Ooy duul walaala ah tahoo, duunka ka heshiiso,
Dadka kama yaraa-teena ways, dabar jaray-saaye,
Dubbe madaxa ways kala dhacnaa, daayin abid-keene,
Goortay is wada dooxataa, daad u soo galaye” Abwaan cabdullaahi suldaan(tima-cade)
Markaad aragtid xogta warbaahinta Soomaalidu ka qortay heshiiska kore, oo aan waafi aheyn [1] waxaa markiiba ku bidhaamaya su`aalo badan oo ku daahan heshiiskaas. Sidaas darted waxaa isweydiin mudan qodobo dhawr ah,oo ay ugu horreyso shirkada SKA Air logistics.
Skylink Arabia
Waa shirkad la Aasaasay 2003, lana kowstay xilligii duulaanka sharci-darada ahaa lagu qaaday dalalka Iraq iyo Afganstaan. Mike Douglas oo shirkadan sameeyay, madxna ka ah, wuxuu ka mid ahaan jiray Ciidamada dalalka Ingiriiska iyo Koonfurta Afrika, sida ku cad cinwaankan [2]. Shirkadaan oo hal-ku-dhag ka dhigatay weedhaan “Doing Difficult Jobs in Difficult Places” waxaa xarun u ah magaalada Dubai ee Immaaraadka Carabta. Madaxa shirkadaan oo ka hadlaya howlaha ay qabtaan“Apart from our own airlift capabilities, we are uniquely poised with our presence and infrastructure to handle cargo as well as passenger aircraft at Baghdad, Basra, Erbil, Sulaimaniyah, Kuwait and the UAE airports; in addition to Kabul and many of the Military establishments in Afghanistan” explains Mike Douglas. “This is the first factor that has propelled expansion.” [3]
Shirkadaan oo mudadii yareyd oo ay jirtay hantideeda lagu sheegay [2] $700 milyan, baan aheyn mid wax weyn u arkeysa dhaqaalaha ka soo baxa goobaha loo saxiixay inay maamusho todobada sanadood. Mar haddii runtu sidaas tahay maxaa soo jiitay, kuna dhiirigaliyay shirkadaan iyo madaxeeda inuu heshiis la galo TFG-da? Jawaabta su`aashaan helitaankeedu waa mid aan sahlaneyn, hase yeeshee waxaa waxgaradka Soomaaliyeed ay saadaalinayaan in shirkadaani ay horsed u tahay howlo badan oo loo adeegsan doono garoonka iyo dekedda weyn ee magaalada Xamar. Howlahaasi waxay noqon kartaa ciidamo farabadan oo Soomaaliya ku soo wajahan, ayna muhiim tahay in la sugo gacan ku heynta goobahaas; si looga soo dejiyo ciidamada iyo saheydooda ama laga daabulo. Markii baahi timaado.
Madaxda TFG-da
Sida uu qoray warsidaha [1] in” saddexda mas’uul ee ugu sareysa xukuumadda Soomaaliya ay qalinka ku duugeen in shirkadaasi ay maamulkeeda gacanta ku heyso labada ilood ( garoonka iyo dekedda) ee muhiimka ah dhaqaalaha Somalia” baa waxay tahay arin aad looga xumaado heerka hooseeya oo mas`uuliyadii Soomaaliyeed la gaarsiiyay, oo midkoodna lagu aaminwaayay in heshiis lala saxiixdo. Arinkaan waxaa loo eedeynayaa labo waji:
· Wajiga hore waxaa weeye khilaafka, isqab-qabsiga iyo wada shaqeyn la`aanta u dhexeeya mas`uuliyiinta.[4]
· Daneynta la wada daneynayo faraha dufanka leh iyo inaan laga qadin dhaxalka laga helo shilalka Maandeeq.
· Inayn mar kale dhicin murankii ka dhashay markii badda Soomaaliyeed qeyb ka mid ah la isku dayay in laga iibsho dalka Kenya. [5]
· Iyo inuusan ka fashalin qorshayaashooda kuwa u soo tafa-xeytay boobista hantida iyo kheyraadka dalka Soomaaliya.
Gunnaanadkii qormadaan, Sawirada ay warbaahintu soo bandhigay waxaa laga fahmikaraa in guddoomiyaha baarlaamanka iyo madaxda SKA oo wada socda ay labada mas`uul oo kale ay ugu tageen goobaha ay dagan yihiin.[6]
Ugu danbeyntiina, Waxaa is waydiin leh in heshiiskaan la hor gayn-doono baarlamaanka oo ay fashilin doonaan xubnaha ay wili wadaniyadu ku dambayso iyo in suuqa madaw laga dhigi doono.
Xigasho
[1] http://www.allidamaale.com/Warka.3181.htm
[2]http://www.internationalbusinessreview.net/Sectors/Logistics/tabid/165/vw/1/ItemID/ 260/Default.aspx
[3] www.gvpedia.com/Abu-Dhabi/SKA-Air-and-Logistics.aspx
[5] http://somalitalk.com/2009/may/13/badda117.html
[6] http://www.camaloow.com/news.php?readmore=154
Maqaal: Tafaraaruqaan iyo kala daad sanaantaan baahday xagay salka ku haysaa?
RAXAN KA REEBEEY ALIF WAX MALEH IYO WAALEEYAHAY KALA DAAYA
Bashiir Yusuf: Soomaaliya iyo carbis
FARIINI WAA QAAN SOOMAALIYEEY "BY YUUSUF BASHIIR"
Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu? (QAYBTII SADDEXAAD.
Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu? (QAYBTII LABAAD)
Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu (Qaybta 1aad)By Suldaan Garyare
Ileyn Nimaan Xishoon Dagaal Xeeli Kama Heyso: Suldaan Garyare
DUULAN GALGALA MISE FASHILAAD FAROOLE. (Qalinkii Xassan Carab)
RAAFKA DADKA KA SOO JEEDA K/SOOMAALIYA TALAABO KHALDAN
CALANKEENU LEBEIS MIYUU GALAA IYO ISTUSTUS!
Kaynaan, Kali Kaabay kaalin la wada gabey "1 By Bashiir M. Xersi."
The Roots of the Islamic Conflict in Somalia by Dr Baadiyoow
Puntland! Sidee Xega loo Xagta oo Ilka Unabad Galaan. Maqaal Puntlander
Ma tanaa Turkigiina Baqal usoo fuulay .Qore-Xassan Carab
Hambalyo iyo bogaadin ku socota Isimada Gobalka Bari by DR Yusuf Isse
Puntland Iyo Cadaalada By Dr: Yusuf Issa
Wiil 11sanojir ah uu sababay IN haweenay Gaalo ah Muslimiyo
Magac u Yaallo mise Mansib u Yuurarayaal?!.
Soomaaliya ma argagaxisaa joogto? Dr:Yusuf Essa
Qiso Cajiib ah – Dagaal Waa Tab iyo Xeelad
Maxaa diyaaradihii Yurub fadhiisiyay? Cibra qaadasho la xidhiidha Falkaanaha Iceland?
Taariikh Muhiim ah oo ku saabsan dagaalkii 77 ee dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya
