Taariikhdii iyo gabayadii abwaan Nuur maxamed Fadal

Maxamed Nuur Fadal wuxuu ku dhashay kuna barbaaray Degmada Berbera xilli ku beegnaa 1885. Mas’uuliyiinta mustacmaraddii Ingriiska ee u fadhi jirtey Somaliland waxay isla markii ay heshiisyada la galeen odayaashii beelaha Somaliland 1884kii dareemeen in dadka dhulkaa deggani ay yihiin kuwo ka duwan Afrikaanka iyo Carabta labadaba, lehna firfircooni iyo adkaysi dheeraad ah isla markaana geesiyaal ah.
Xilli ku beegan 1900 oo ahayd markii u bilaabmay dagaalkii la odhan jiray Boer War ee u dhexeeyay dadka

Arar:

Sheekh Ismaaciil Jaamac Cigaal oo loo yaqaanney Fadal wuxuu ahaa sheekh caalim ah oo ku noolaa dhulka gubanka loo yaqaan ee Degmada Xagal iyo xeebta Badda Cas ee bariga Berbera horraantii qarnigii 18aad. Sheekh Fadal markii cimrigiisu weynaadey waxa uu caado ka dhigtay inuu sannad kasta soo guto waajibaadka Xajka. Lama hayo inta jeer ee Sheekh Fadal soo xajiyey, waxase la isku raacsan yahay in uu muddo aad u dheer booqananyey Xaramka oo ku noqnoqon jirey gudashada waajibaadkaas. Sheekh Fadal waxa mar u wada kacay, isna raacay hanaqaad ahaan shan wiil iyo gabadh ay carruurtiisu ka koobnayd.

Maalin ayaa haddaba Sheekhu isugu yeedhay beeshiisa Tad-caar ballaadhan oo uu sameeyey. Xilliga uu Sheekhu Tad-caartaas dhigayey waxay ku beegnayd wakhti ay soo dhowdahay bisha Dul-Xaj ee Xaramka la galo. Sheekh Ismaaciil Fadal waxa uu dadkii isugu yimi Alle-bariga (Tad-caartaas) u jeediyey hadal loo dhadhansaday inuu yahay sagootis iyo nabad gelyeyn, waxanu sheekhu xusay maalintaas in raggii uu dhalay hadda isu kaceen oo is-raaceen, sidaas darteedna aanay u muuqan sabab uu halkan u sii joogo. Ayaantaas ka dib waxa uu Sheekhu isu diyaariyey safarkii uu ka tegi lahaa Xajka, socdaalkaas oo noqday kii kama dambaysta ahaa. Waxa la rumaysan yahay inuu ku biiray dadka loo yaqaan Xashiishul Maka, halkaas ayaanu ku geeriyaaday, kuna aasan yahay Ismaaciil Jaamac Cigaal (Sheekh Fadal) Alle ha u naxariistee.

Haddaba safarkaas aan soo noqoshada lahayn ee Sheekh Fadal waxa la bilaabmay taariikhda Qoys Soomaalida dhexdeeda yaab iyo hadal-hayn weyn ku reebay, waana Reer Fadal. Waa Qoys qof kasta oo ka mid ah; rag iyo dumarba; uu Alle ku galladay oo hibo u siiyey af-tahannimo ku aroorta afka iyo suugaanta soomaalida, gaar ahaan Qoysku waxa ka kaca gabyaa badan oo yeesha inta badan buruud iyo haybad Ilaahi ah. Abwaan Soomaaliyeed oo ka hadlaya hiddaha ka soo jeeda gabayga ayaa yidhi:

Qorshe gabay Salaanbaa yiqiin amase qaynuune Murti qarale hadal qaaliyiyo qodob markay joogto Waa tii iyana loo qariray qoyska reer Fadale

Lama hubo in Fadal uu gabyi jiray, lamana hayo gabay uu leeyahay inksatoo uu jiro gabay Maxamed Nuur Fadal lahaa oo uu dhextaal uga dhigay “Ma dhid-baday dhammow Xaaji Fadal dhaxalki weeyaane”

Iyada oo aanu aabahood mudda badanba sii maqnayn, ayay shantii wiil oo uu hormuud u ahaa Cabdi Fadal la soo baxeen wacdaro iyo firfircooni aan hore loo arag. Waxa ay dardar geliyeen beeshii ay ka tirsanaayeen. Taasoo keentay in habluhu “Shanta ilma Fadal; shan loo dhigo la waa” halkaas oo ay ka bilaabantay silsilad ay soo galeen shan qoys oo isla beeshaas Ilma Fadal ka soo jeedaan ka tirsanaa oo raaskiiba shan nin oo aan kala dhicine u kaceen. Waxa hal-ku-dhiggii golayaasha ciyaar-soomaalidu isu beddeley “Iyana Shanta Ilma Seed shan loo waa, shanta Ilama Shabeelna shan loo dhigo la waa……” taaasoo ku soo gabagabowday “Shanta Ilma Dhacanna Shan loo waa”.

Maxamed Nuur Fadal

Si kastaba ha ahaatee waxaynu qormadan maanta kaga hadlaynaa taariikh-nololeedkii gabyaagii weynaa ee ruug-caddaaga ahaa Maxamed Nuur Fadal oo dadka intiisa badani ku garanyaan inuu ahaa ninkii Sawaaxil (Kenya &Tanzania) ka soo gabyi jiray bilowgii qarnigii tegey.

Maxamed Nuur Fadal wuxuu ku dhashay kuna barbaaray Degmada Berbera xilli ku beegnaa 1885. Mas’uuliyiinta mustacmaraddii Ingriiska ee u fadhi jirtey Somaliland waxay isla markii ay heshiisyada la galeen odayaashii beelaha Somaliland 1884kii dareemeen in dadka dhulkaa deggani ay yihiin kuwo ka duwan Afrikaanka iyo Carabta labadaba, lehna firfircooni iyo adkaysi dheeraad ah isla markaana geesiyaal ah. Xilli ku beegan 1900 oo ahayd markii u bilaabmay dagaalkii la odhan jiray Boer War ee u dhexeeyay dadka caddaanka ah ee la yidhaaho Afrikaners ee deggen South Africa iyo dawladii Ingriiska ee markaa xukumaysey South Africa ayaa maamulayaashii Ingriisku go’aansadeen in dadka Soomaalida oo aan geesinnimadooda awgeed looga maarmi karin inay ka qayb galaan dagaalkaa oo markaa ay gacanta sare lahaayeen Afrikanersku.

Waxa dhacay in ciidan qoris uu Ingriisku isla markiiba ka bilaabay beelo deganaa Guban iyo agagaarka Berbera. Dadkii ugu horreeyey ee ciidan qoritaas loo qaaday waxa ka mida ahaa Maxamed Nuur Fadal iyo Faarax Nuur Fadal oo ahaa walaalkiis oo ka yaraa. Waxa kaloo dhallinyaradaa ka mid ahaa Cige Muuse oo ah nin gabayada Maxamed Nuur Fadal ku xusan markii dambena ay xididnimo dhex martay. Xilligaa Maxamed askarta la qoray da’diisu way ka yarayd labaatan-jir.
Dhallinyaradii la soo ururiyey ayaa dhulka la mariyey si loo gaadhsiiyo dekedda Mombasa oo la doonayey in laga sii daad gureeyo. Intii ay jidka ku sii jireen dhallinyardaasi waxay soo diri jireen heeso ay xalaaddooda iyo mustaqbalkooda kaga warramayaan. Waxa ka mid ahaa heesaha aan weli hadhin ee la sii xasuusan yahay:

Annagu soconnoo sarkaal na wadyee; ninkii na sugaayayow samir.” Mar kalena waa kuwii lahaa: “Wallee adna hoogtay hooyadyay; wallee anna haadku iga dhereg”

Markii dhallinyarada la geeyay Kenya ayaa waxa bilaabmay ifafaalihii Dagaal- weynihii Koowaad ee Adduunka, iyadoo dhinaca kalena ay ciidamadii Ingriiska ee ka dagaalamaayay South Afrika xaqiiqsadeen in inaanay ka guuleysan karin ciidamadii Afrikaners. Waxay talo noqotay in Soomaalidii loo wadey South Africa la kala qaybiyo oo inta badan Kenya lagu reebo maadaama ay Tanganika markaa ahayd maxmiyad Jarmal, inta kalena loo diro South Africa. Maxamed Nuur Fadal iyo walaalkii Farax Nuur Fadal labaduba waxay noqdeen dadkii lagu reebay Kenya. Waxay dagaaladii Boersku si rasmi ah u dhaammaadeen 1910 oo ahayd markii xornimada South Afrika la siiyay, taasoo keentay in raggii markii hore South Afrika la geeyay badidooda dib loogu soo celiyo Kenya.

Dagaalkii ka dib
Maxamed Nuur Fadal wuxuu Dagaalkii Koowaad ee adduunka ka galay Afrikada Bari oo markii dambe dhammaanteed u gacan gashay dawladdii Ingriiska. Markii uu dhammaaday dagaalku ee askartii Soomaliduna guulo badan ka soo hoyeen, xukuumadii Ingriisku waxay goosatay in Soomaalida loo tababaro dhinaca maamulka iyo ganacsiga si ay ugu caawiyaan gumeysigii Ingriiska gacan ku haynta dhulkii ballaadhnaa ee Afrikada Bari.

Ciidamadii Somalida iyo qoysaskoodii waxa la dejiyay magaalada Siyoolow oo loo qoondeeyay inay noqoto magaalo ay leeyihiin Somalidii laga keenay British Somaliland. Maxamed Nuur Fadal oo intii uu ciidanka Ingriiska ka mid ahaa aad wax u bartay, wuxuu u leexday dhinaca ganacsiga wuxuuna degay magaalada la yidhaaho Thika oo qiyaastii 40Km dhinaca waqooyi ka xigta Nairobi. Muddo yar gudaheed wuxu Maxamed ka mid noqday maal-qabeennada uga waaweyn Afrikada Bari oo dhan.

Hantida Maxed Nuur Fadal waxa la sheegaa inay ka bilaabantay macdanta loo yaqaano Dheemmanka oo uu ka helay meel u dhow Thika, ka dibna uu ka iibiyey nin Hindi ah oo ganacsade ahaa. Dad kale ayaa ku dooda in hantidiisu ay ahayd mid uu kula soo baxay kartidiisa. Maxamed Nuur Fadal waxa uu magaalada Thika ka dhisay masaajidkii ugu horreeyey, kaasoo ilaa hadda taagan, loona yaqaan Masaajidka Maxamed Nuur, waxa kale oo uu sameeyey goob ganacsi oo ay ku yaallaan dukaamo ilaa labaataneeyo gaadhaya.

Jacaylkii Max’d ku dheeraaday iyo guurkiisii

Maadaama Maxamed Nuur Fadal uu ahaa nin dhallinyaro ah markii dalka laga kaxeeyey oo aan fursad u helin inuu la kulmo hablihii dhiggiisa ahaa, waxa markii Dagaalkii Koowaad dhammaday ku habsaday jacayl sheeko dheer iyo gabayo badan reebay. Waxa dookhu kaga dhacay gabadh Soomaaliyeed oo ka mid ahayd dadkii laga soo qaaday Somaliland ee la keenay Kenya dabayaaqadii dagaalka. Sida ku cad gabayadiisa wuxuu damcay gabadhaa inuu guursado oo ay xaaskiisa noqoto, waxaana taas kuu caddaynaya tuducan ka mid ah gabay uu arrintaa kaga hadlayo:

Xasanow dhawaaq gabay haddaad, iga dhaguugayso
Haddii guur qalbiga; kaaga dhaco dheelin baad tahaye

Waxa uu gabadhaa Maxamed ula baxay saddex magac oo kala ah Dhudi, Saaqa iyo Dawli sida ku xusan gabayadiis. Maxamed wuxuu aad u faalleeyey quruxda gabadhaas, isaga oo sida caadadu ahayd ka hadlay gabadha qaab-dhismeedkeeda jidhka iyo socodkeeda, wuxuuna yidhi:

Dhadhan malaha naagaha middii; Dhoocil noqotaaye Dhulka jiifta lama guursadiyo; dhererka qaarkiise Hadday dhuubo weyda tahayna waa; raaxo kaa dhimane Meeshiyo dhallaannimo yartaan anigu dhowraayay Dhildhilaha gacmahiyo shanshada; dhumucda loo yeelay Dhexda madaga dhaaha indhaha; dhaban wanaageeda
Dhudda qoorta iyo faayahay; Dhudi la soo jeedo Dhubbad qaadka timahaad; haldhaa dhalanki moodayso Cirrid dhuxula iyo sunniyaa; dhibic dawaadeeda Dhumbal-mada cad dhoolaa ilku; dheygag noo dile e’

Marka uu quruxda gabadha ka hadlayo, Maxamed wuu ka leexday dhaqanka abwaannada Soomaalida ee ilaa hadda joogta lagu yaqaan oo ah in gabdhaha quruxda dabiiciga ah lagu ammaano. Sida tuducyada hoos ku qorani tilmaamayaan, Maxamed Nuur Fadal wuxuu quruxdii dabiiciga ahayd ku daray tilmaan kale oo qayb weyn ka qaadata quruxda dumarka, taasoo ah lebiska ama hu’-qaadka iyo hannaanka dhar xidhashada.

Saddex-dhudaley dhaclaa iyo Dawli; dhixir wanaageeda Sindi dheehan qoolow; sidii lagu dhextaalleeyey Waqfiyadaa gacmaa lagu dhuftee; Saaqa lagu dheehay Dhamideedba maalintay dirays; dheeg iskaga yeesho Ee ay dhabeelnimiyo qurux; dhuuxa ka iftiinto Dhugta lugaha iyo faayahay; dhebel u sii deyso Kolkay socodka dhiif uma wadee; dhebi sidii liicdo Dhugay inan rag kay dhinac martaa; dheelmatiin galabe Dhaqan iyo adduun lama hadheen; dhogorta xoolaade Inta dahabku lacagta dheer-yahayay, dumarka dhaantaaye

Nasiib darro gabadhaa iyo Maxamed calafku isma siin. Markii loo sheegay in gabadhii la guursaday Maxamed waxay ku noqotay murugo iyo qaadan waa’. Waxaanu ku caddeeyey tuducda soo socota inaanu marna jacaylku ka ba’ayn, gabadhaana inkastoo la guursaday aanu ka samrayn:

Dhadhab igula looshiyo; hurdada dhool anoo ledaye Dhuuxayga iyo feedhahay; Dhudi ku laaqnayde Sidii malaga ruuxayga; dhigay laygu kaa dhererye Inkastoy dhallaan yeelatiyo; ubad dhawaaqaaya Dhimashadu ha joogtee si kale; waa dhur sugayaaye
Dhufsataye qalbiga yaa, Dhudi ka soo reebaaya

Waxa dhacday in gabadhii markii la guursaday ay wax dhal ah iska waydey. Waxa ay u qaadatay in gabaygii Maxamed Nuur guhaan ku noqday, dhashana iska hor taagey. Markii muddo ay reer lahayd, wax ubadana aanay yeelan, ayay socdaal ugu tagtay Maxamed oo Thika deggen, iyada oo sida la sheegay ku tidhi hadda i guurso aan ninka iska soo furo’e. Taasi Maxed waa u cuntami waydey, aakhirkiina intuu si fiican gabadhii u xooleeyey ayuu gabay ay ka mid ahaayeen tuducyadni u mariyey:

Kalaamkaasi wuxuu kuu ekaa, kulantideeniiye Adigoo karkii soo riday kabtiga, ha ila soo korine

Ugu dambayntii Maxamed Nuur Fadal wuxuu guursadey Saluugla’ Cariish Qalinle oo ahayd inan ka timi Somaliland. Maxamed iyo Saluugla’ waxay isu dhaleen 12 carruur ah oo afar ka mid ahi ay u hano qaadeen.

Asaaskii Isxaaqiya Community:

Waxa dhacday in intii u dhaxaysey labadii dagaal ee dunida ay dawladdii Ingriiska ee u talinaysey waddamada Afrikada Bari soo rugtay nidaam midab kala sooca ah oo dadka dhulalkaas ay gumaysato ku noolaa loogu kala saarayo saddex kooxood oo kala ah :

1) Caddaanka: waa dadka asalkoodu Yurub ka soo jeedo

2) Is-ku-jir: waa dadka Eeshiyaanka ah sida Hindida, Carabta iyo dadka ay iska dhalaan madowga iyo caddaanku iyo

3) Madowga: oo ahaa dadka Afrikaanka ah. Kala qaybintaasi waxay ahayd mid ku salaysan laba tilmaamood oo ku saabsan muuqaalka kore ee qofka, kuwaas oo kala ahaa midabka iyo timaha. Saddexda kooxood ee dadka loo kala saaray waxa mid walba loo sameeyey nidaam u gaara ah oo ku saabsan dhinacyada shaqada, mushahaarooyinka, canshuuraha laga qaado, deegaanka iyo direyska shaqada iyo ciidamada. Soomaalida oo markaa aad ugu badnayd ciidamada iyo maamulkaba waxa lagu daray madowga oo ah derejada ugu hoosaysa.

Waad garan kartaa dareenka qof Soomaaliyeed oo noolaa xilligaa iyo qabka ku jirey oo mar keli la yidhi waxaad la mid tahay Afrikankii ay ka faani jireen. Maxamed Nuur Fadal oo markaas ahaa maal-qabeenka ugu weyn ee Soomaaliyeed ee dadkii deggenaa Afrikada Bari ayaa arrintaasi u arkay mid aan la qaadan karin, wuxuuna isaga oo kaashanya hantidiisa iyo raggii kale ee la aragtida ahaa u galay halgan aad u ballaadhan sidii Soomaalida looga saari lahaa qaybta dadka Afrikaanka ah loo qoondeeyey oo loogala xuquuq dhigi lahaa dadka is-ku-jirka ah ee derejada labaad sida Hindida iyo Carabta oo iyaga ay dhinaca macaamilka aad isugu dhowaayeen Soomaalida.

Maadaama Soomaalidii xilligaa ku hoos jirtey nidaamka Ingriiska ay u badnaayeen beelaha Isaaqa iyo Hartiga waxa markii hore la isku dayey in arrinta si wada jir ah oo Soomaalinimo ah looga hor tago. Nasiib darro khilaafka beelaha Soomaalida markasta u dhaxeeya, ayaa sababay in isku mawqif ay qabaa’ilkii arrinta ka noqon waayaan, taasoo keentay in beelihii Hartiga oo u arkayey inaanay suurto gal ahayn in nidaamka dawladda la beddeli karo ay aqbalaan inay kaalinta saddexaad galaan iyagoo qaatay kaadhahdhkii madowga loogu talo galay.

Markii sidaa loo kala qaybsamay waxa Maxamed iyo raggii kale ee la socday khasab ku noqotay in beelaha Isaaqa oo keli ahi ay arrinta u hawl galaan. Si haddaba qaab habaysan loogu hawl galo waxa la abuuray ururkii la odhan jiray Isixaaqiya Community oo loo diiwaan geliyey qaab community, hase yeeshee ujeeddada ka dambaysaa ay ahayd sidii looga hor tegi lahaa takooridda iyo cunsirayadda hoos loogu dhigay Soomaalida. Markii doodo iyo isku dhacyo badani dhex mareen maamulayaashii Ingriiska iyo raggii hormoodka ka ahaa ololaahas, ayaa waxay xakuumaddii Ingriisku go’aansatay in la xidho Maxed Nuur Fadal iyo siddeed nin oo kale oo hawsha la wadey. Markii la xidhay Maxamed Nuur Fadal wuxuu ka baqay in inta uu xidhan yahay ninkii markaas maamulka community-ga la wareegey oo ahaa Cige Muuse lacag la siiyo, dabeetana iyada oo magaca community-ga la isticmaalayo la oggolaysiiyo Somalida oo dhan inay qaataan kaadhadhkii madowga. Si aan taasi u dhicin wuxuu Maxamed cheque books-kiisii ku wareejiyey Cige Muuse, isaga oo kula dardaarmay in haddii uu lacag u baahdo uu xisaabaadkiisa (account-kiisa) inta uu doono kala baxo, hase yeeshee aan marnaba magaca community-ga loo isticmaalin si qadiyaddaa la burburiyo.

Maxamed Nuur iyo raggii kale markii ay muddo xidhnaayeen ee lala hadli waayey, ayay bilaabeen inay cuntada ka soomaan inta ama maxkamad loo gudbinayo ama la sii daynayo. Aakhirkiina waxay noqotay in kiiskooda ay qaaddo maxkamadda Nairobi. Intii aan loo gudbin maxkamadda ayuu Maxamd codsaday in maxkamadda horteeda la keeno biyo ku jira qaruurad si fiican loo arki karo, nin Hindi ah, nin qabiilka Kikuuyada ah iyo nin caddaan ah. Arrintiina waa laga oggolaaday. Markii maxkamadda la hor keenay sagaalkii nin, wuxuu Maxamed codsaday in ninka Hindiga, ka caddanka ah iyo ka Kikuuyada ah midba madaxiisa tin laga soo jaro, biyaha quruuradda ku jirana lagu rido. Waxa dhacday in tintii ninka Hindiga ah iyo tii ninka cad laga soo jaray ay biyihii dul sabbeeyaan, halka tintii ninka Kikuuyada ahi ay degtay oo salka quraaradda fadhiisatay. Markii intaasi dhacday ayaa Maxamed Nuur oo ahaa nin aad u timo jilicsani uu codsaday in isna tin laga gooyo oo quraaradda lagu rido. Waxa dhacday in tintii Maxamed Nuur Fadal laga soo jaray ay biyaha dul sabbaysay oo degi waydey.

Bandhigaasi ka dib, garsoorahii maxkamadda oo ahaa nin caddaan ah wuxuu markiiba go’aamiyey in Soomaalida hoos timaadda xukunka Ingriiska laga bilaabo maalintaa ay ka mid yihiin derejada labaad, Maxamed iyo raggii la xidhnaana waa la sii daayay. Waxa go’aankaa ay maalintaas maxkamadda Nairobi gaadhey adeegsatay dawladdii midab-takoorka ahayd ee South Afrika sannadkii 1948kii markii xisbigii Afrikaner Nationalist Party uu si rasmi ah dustuurka dalka uga dhigay mid ku salaysan midab kal sooca iyadoo Soomaalida loo aqoonsaday inay yihiin derejada labaad ee dadka midabaysan (Cloured).

Markii Maxamed iyo raggii kale ee maxkamaddu soo deysey oo guul ku doonyaanaya ay guryahoodii yimaaddeen, ayuu Maxamed damcay inuu gabay u tiriyo kooxdii ka tirsanayd beelaha Hartiga oo iyagu horeba u oggolaaday inay galaan derejada saddexaad, laakiin waxa la yidhi intii aanu gabaygaasi soo bixin ayaa Maxamed loo sheegay in intii uu xidhnaa ay qabaa’ilka Isaaqa beelo ka mid ahi qaateen kaadhadhkii madowga, qoysas badanina ay ka baxeen xadka oo u tallaabeen dhinaca Ethiopia. Markuu warkaas helay, Maxamed Nuur Fadal wuxuu tiriyey gabay uu kula hadlayo qolooyinka Isaaqa ahaa ee oggolaaday kaalinta saddexaad. Isagoo marka hore ka hadlaya sida ay waajib u ahayd in la hawl galo iyo kaalinta ay ka soo baxeen beeshiisu wuxuu yidhi:

Nin naftiisa biime geshiyo, bohol xun mooyaane Bawdada nimay kaga dhacdiyo, boqonta mooyaane Gobanimo bilaash looma helo, ban iska taal taale Markuu gaalku buuggiis ku dhigay, sida biddaa iibsha Ee dhalashadiinnii beddela, baaranku ahaaday Ee talada sidii ceel birqoda, bawda laga saaray Ee ficilka baas iyo hawadu, nala buraanleysay Barna lama hadhin reer tolkay, baasihii dhacaye
Ka badbaadnay oo eebbahay, nama belaayeyne

Isagoo si gaar ah ula hadlaya beelihii Isaaqa ee oggolaaday inay qaataan kaadhadhkana wuxuu yidhi:

In yar oo dhankaa bari degtiyo, boqol nin mooyaane Ballankii Allaa nagu furteen, waanad baqateene Buruud jaba’e karin boodhle, baad nagu bannayseyne Markay baaxad sooraha gashaad, naga baqoosheene Markay berisamaadkiyo ahayd, baanisaha tooxan
Booxaalligii baa na hoday, budhadhki dheeraaye Mar haddii dagaal loo ballamo, bellena qiiqayso Inaydaan wax nagu biirinayn, waa hal noo baxaye Rag waa baro rabina waa u bel-reeb, beliyo khayrkeeda Wax bakhtiyay badduba waa, tuftaa baaxaddaa lihiye
Ha ka baxo biyaa reer Isaaq badhax rusheeyaaye Ha ka baxo buluushtiyo Garrahu, biidna yay tarine Ha ka baxo dar badanbaa ku jiroon, kuba bannaanayne Ha ka baxo in Binu-Haashimoo baaqiyaa hadhiye.

Daacad Xumo
Sida aynu hore u soo sheegnay waxa Maxamed cheque buuggiisii ku wareejiyey Cige Muuse si inta uu xidhan yahay wixii kharash loo baahdo uu xisaabaadkiisa (account-kiisa) uga saaro. Maxamed markii la soo daayey wuxuu arkay in Cige lacag badan accountkii ka saaray, markii uu weydiiyey waxa uu lacagta intaa le’eg ku qabtayna, jawaabtii Cige waxay noqotay mid aan qancin Maxamed Nuur Fadal. Waxa Maxamed u tiriyey saaxiibkii Cige Muuse oo uu khiyaamo ku dareemay gabayga la yidhaahdo Daacad xumo oo ka mid ah kuwa ugu xigmadda badan gabayada Soomaalida.

Tixda Daacad xumo waxa ka buuxa tusaalooyin uu adduunka oo dhan ka soo qaatay, kuwaas oo ina tusaya cawaaqib xumada khiyaamada iyo daacad la’aantu leedahay. Maxamed Nuur Fadal wuxuu xigmaddiisa ku caddeeyey in bani adamku haddii ay isu daacad noqon waayaan oo ay is khiyaameeyaan, ay taasi keenayso inay is dilaan oo dhexdooda ay ka dhacaan dagaalo lagu hoobtaa. Wuxuu tusaalaynayaa Cige in dagaalada ka dhacay dunida ay sababtoodu ahayd iyadoo la fulin waayey wixii la isku ogaa. Wuxu tilmaamay Dagaalkii 1aad ee dunida. Wuxu kaloo soo qaatay dagaalkii Adwa ee Talyaanigu Ethiopia ku qaaday aakhirkii qarnigii 18aad. Wuxu tilmaamay dagaalkii mar labaad Talyaanigu ku qaaday Eithopia 1936. Wuxuu sifeeyey dadaalka uu Boqor Xayle Salaase ugu jiro dalkiisii oo dabed wareegga ka dhigtay. Maxamed wuxu u calaacalay reer Indo-China (Vietnam, Cambodia, Laos) oo markaa ku jiray gacanta Faransiiska oo aan cidi u nixin oo cagta la mariyey. Wuxuuse aad u muujiyey shucuurtiisa ah inuu aad ugu xumaa burburkii soo wajahay Ururkii Umadaha ee la odhan jiray (League of Nations), ururkaasi oo uu ku tilmaamay inuu ahaa naftii dunida.
Wuxuu yidhi Maxamed:

“Cigaw daacad xumo, waa waxa laysku dilayaaye Waa waxa arlada dooriyee, galiyey duufaane waa waxa dareenkaba dhex dhigay, dawladii Yurube Waa waxa dacwiga Kiimankii, ugu dibboodeene
Waa waxa naftii dunida iyo, dumiyey Liigiiye Waa waxa dakano raagtay iyo, duugga soo fadhaye waa waxa Xabuush lagu dagee, daayacaa badaye Waa waxa dagaalkii Cadwiyo, keenay Dibin-jaaqe
Waa waxa dadkii Jayna dhalay, loo daldalayaaye”

Gabayga Daacado xumo wuxuu Maxamed ugu calaacalayaa sida uu isu beddeley degaankii iyo dhulkii uu yaqaanney siiba Burco, Hargaysa, Nugaal iyo Dannood.

“Dixdii dhimatay damashii Burciyo, dooxyadii Herere Kama di’in Dannood iyo Nugaal, dirirkii Cawleede Docdii laga yimaaddaba abaar, diiran lagu sheegye”

Maxamed wuxuu tixdaa ku gegebeeyey ogeysiis uu saaxiibkii ku wargelinayo in aanay mar dambe sii wado shaqayn karayn, madaama uu khiyaamo dareemay, wuxuu yidhi abwaanku:

“Waataan ku doortee tolkeen, kaa durraansadaye Hadii aad abees duuban tahay, daahir iyo baadin Ood dacar la qooshiyo sidii, dib u qadhaadhaatay Iga durug dab aan kula shitaan, dib u kulaalayne
Iga durug dannigu yuu i gubin, diirka oogada’e Iga durug dadkaba igama xigtid, Daahir iyo Nuuxe”

Sida dhaqanka soomaalida Afrikada Bari deggenayd uu ahaa gabayda waxa lala sugi jirey habeenka uu jiro gaaf. Waxa la yidhi iyada oo ay gaaf tahay oo habeenkaa ninkii wax isku haya la sugayo ayuu galabnimadii Mamaxed Nuur u yimi Cige Muuse oo gabaygaas oo halka ah “Cigow daacad xumo waa waxa la isku dilayaaye” uu ku bedelay “Ragow daacad xumo waa waxaa la isku dilayaaye” uu u mariyay Cige Muuse ka dibna weydiiyey bal inuu caawa gabaygan gaafka ka tiriyo, waxa la yidhi Cige Muuse oo aan fahmin in gabaygu isaga ku socdo ayaa ku yidhi “waa gabay fiicane yaanu caawa kula dhaafin”. Waxa la yidhi habeenkaa Maxed iyo Cige iyaga oo wada socda ayay gaafkii yimaaddeen, markii uu Maxed gabaygii qabsaday ee uu ku bilaabay “Cigow daacad xumo waa waxaa la isku dilyaaye” ayuu Cige Muse gaafkii ka baxay.

Bender-caasi

Abwaankii weynaa ee Salaan Maxamed oo loo yaqaanney Salaan Carrabey oo ahaa nin meesha uu joogo isaga la hor mariyo, ayaa booqasho Nairobi ku tegay isag oo ka soo kicitimay Somaliland. Muddo markii uu joogay oo la isla gartay in jilib-jilib loo sooryeeyo ninkaas weyn ee dalka yimi, ayaa markii ay soo gaadhay xilligii ay sooryeyn laahaayeen jilibada mid ka mida ahi laga war helay inay doonayaan inuu nin afaray tirin jiray u gabyo Salaan oo xilligaa xaaladiisa dhaqaale hoosayso. Waxa la yidhi markii Maxamed Nuur Fadal oo markaa joogey Thika loo geeyey warkii, wuu rumaysan waayay isagoo ay ku adkaatay inuu garato ninka Salaan Carrabay afka ku kala qaadi kara ee reerkaas ka tirsani. Ugu dambayntii markii loo sheegay ninka la doonayo inuu Salaan u gabyo ka uu yahay, Maxd isla markiiba wuxuu u soo dhaqaaqay dhinaca Nairobi, wuxuuna toos u tagay mefrishkii Salaan looga yeedhay, wuxuuna halkaa ka tiriyey gabayga la baxay Bender-Caasi. Waxa la sheegay markii gabayga uu dhameeyey inuu Salaan ka kaxeeyey goobtii una sheegay in ninka la sheegayaa uu yahay nin aan u dhigmin oo beyd gaab ah. Isaga oo ku hal-qabsanya nin la yidhaahdo Ina Bidaar, wuxuu tixdan ku ceebaynayaa caasinnimada iyo xiqdiga. Wuxuu difaacayaa kaalinta hormoodnimo ee Salaan Carrabey. Wuxuu tilmaamay in magaalooyinka ay ku badan yihiin dad wax kasta oo iska cad ka hor imnaya oo xaasidaya..
Wuxuu yidhi Maxamed:

Haddii gabay Billado leeyahay, iyo baarri lagu faano Baxsow Ina Carrabey yaa habeen, kaa Ilaah baraye Isagaba dar shalay soo baxay, beretensiiyeene Bender caasi baa loogu go’ay, Ina Bidaarowe Berrinna ha la aasee nin raga, baqaski waa ceebe

Maxamed oo aad ugu xumaaday xiqdiga loo muujiyey Salaan, wuxuu bilaabay inuu baano oo tilmaamo sida ay meel adag ugu soo jeedaan isaga iyo Salaan, wuxuuna yidhi Abwaanku:

Maadhiin bacleeyiyo rasaas barda roobaada Madfac bowle iyo riflekoo baro ka sii deyna Buraamaysigii dunida oo biid la garan waayay Bismilaahiye nimankii hubkii boobaybaan haye Kuwii beerka dhibaybaan ahaa baaxad soorahae Baaruudu nimankay baal jartaan ahaye Banka Goray bannaankii Xadeed, Bohol dhanaankeeda Buur Weyso iyo dooxadii buulku dhiganaanayay
Baro furkii Nugaaleed ragii booday baan ahaye Ee ay haatan beeshiyo farduhu ugu bariistaane Buuuhoodle nimankii ka dhigay boodadaan ahaye Nimankii wadaadkii ba’anaa baacsdaan ahaye
Barqa weerar dhacay geelashoo, bookha laga qaaday Barbar orodka raacdada, markii boga la soo gaadho Markay labada baallood tahee, boogta kala goosta Ninka baha xabuusheed arka’e, baadha dirirteedu Basarkii Qureeshtiyo sidii, Beder ku faallooye
Burmadkiyo lalabahaannu nahay, buur la hoos galo’e Bulbulloow libaax iyo dhurwaa, baawar kala roone Haddii uu bulxamo aarku, wuu bili cuslaadaaye Waxan nahay rag lagu beegi jirey, boqol ninkoodiiye”

Lib-gad

Maxamed Nuur Fadal oo hantidiisu aad u badatay ayaa waxa u yimi niman ay isku reer yihiin oo uu hormood u ahaa nin la odhan jiray Diiriye Kadeed. Maxamed oo ahaa nin deeqsi ah oo bani adamka abaal u gala markuu arkay dayaca iyo dhibaatada raggaas ka muuqata wuxuu u huray hanti badan oo ay ku jiraan dukaanno iyo xoolo noolba. Abaal nin gudaa yare markii ay raggii muddo joogeen oo hanti wanaagsan yeesheen ayay dhex galeen Maxamed iyo walaalkiis Faarax oo isaga u shaqayn jirey oo aan markaas reer yeelan. Waxa la sheegay in nimankaasi Faarax ka dhaadhiciyeen in Maxamed uu ku shaqaysanayo oo aanu dooneyn inuu guursado, si uu arrintaa wax uga qabtana uu walaalkiis dilo, ka dibna xaaskiisana dumaalo, xoolahana qaato. Waxa dhacday in goor galab ah Maxamed Nuur oo kursi ku jiifa berendhaha gurigiisa uu walaalkii Faarax toorrey kula soo orday si uu qudha uga jaro. Laakiin Maxamed ayaa ka il- horreeyey oo toorreydii iska qabtay. Markii uu walaalkii waraystay waxa ku kellifey dhacdadaas yaabka lehna, wuxuu u sheegay inay sidaa kula taliyeen raggii uu ka midka ahaa Diiriye Kadeed. Ka dib Maxamed wuxuu tiriyey mid ka mid ah gabayada taariikhda galay, kaasoo la yidhaaho Lib-gad. Isaga oo naftiisa haaraamaya, kuna canaananaya sida talo uga wareegtay, dhinaca kalena ku dhalliilaya raggii uu sida wanaagsan u galay ee xumaanta ku dambaysiiyey, si gaarahna eedda dusha uga saaraya Diiriye Kadeed oo sida tuducdani sheegayso dhowr jeer oo horena dhibaatooyin u geystay “Mar uun igama liibaansannine, way ladaabsadaye”
Gabaygii oo dhan wuxuu yidhi:

Lax la qalay leggeed iyo, haddii lulato lay ii keeno Waa caawadaan laasan jirin, lug iyo jiidhkeede Waa caawadaan sida lo’ley, luunsanaan jireye Waa caawadii aanan ledin, sida lammaan xiide
Lur-adduunyo waa caawadaan, wax igu laabnayne Ladnaantiyo nimcadu uunka way, wada lugoysaaye Lixdan aniga oo jirey tashigan, laydha iga raacay Immikaan ladhkiisii hurdada, ledis ka waayaaye Nimankaan dukaannada lukiyan, laba laba u siiyey
Nimankaan lo’daydii casayd, laanta ugu duugey Wax la liqiyo xoolaba kuwaan, ugu laxaad yeelay Ee aan lacagta jeebka ugu guray, lohonlohii caydha Hadday aniga leebkiyo warmaha, ii lisanayaane Markuu sida luwaha (Luo) qaawanaa ee, leylka soconaayey Ee aad luquska qoodhaha dameer, lulaya moodeysey
Haddii aan lingaxo oo qalbiga, lahashada u diido Oo aanan luunkaba ka rogin, lur ima gaadheene Kal-laxiiba baan leeyahay, iyo laabta xuunshada’e Laxowsiga xigtada lay geshiyo, libiqsigaan eeday Waa waxa rag igu laacayaa, laxam dhaqaaqaaye Inkastay ladaadyada baruur, laqanyo daacayso Leg ninkii siiyey dishaa, liidda doqoneede Wax laasima nin liitiyo haween, laaxinkood badane Lib-gad iyo abaal-xumona waa, loo[law] u gooniya’e
Ma liibanihii Diiriyaa, loox u daabacaye Waatay liciinkii maqleen, laababka lahaaye Waxba nimaan lilleyneyn, ayay luqaddii raaceene Mar uun igama liibaansannine, way ladaabsadaye
Haddaan maalintii hore lurriyo, iguma laabmeene Lafa-yare iyo Caarraan, wixii lumay i deyneyne Afar-laba-lix jeer buu sidaa, iiga loogsadaye Alla laba iyo toban jeer miyay, liidnimo i raacday.

Gunaanad:

Gabayada Maxamed Nuur Fadal astaankta gaarka ah ee ay kaga duwan yihiin gabayda abwaanada kale tiryaan waa iyaga oo meel kasta oo aad kaga bilwodo gabaygiisa uu macno samaynayo, xataa waxa la yidhaahdaa haddii gabaydiisa qaarkood xaga dambe laga soo akhriyo ujeedadii gabayga oo aan waxba isaka bedelin ayaa kuu soo baxaysa.  Ilaahay naxariista janno ha ka waraabiyee Maxed Nuur Fadal wuxuu dhintay sannadkii 1949, wuxuuna ku aasan yahay xabaalaha xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi.

Qoreyaasha Abdi Roble, roble77@hotmail.com
Mohamed Abokor, Mahmedabokor@yahoo.co.uk

Xigash0: allgedo.com



Qore: Ogaal