Gabay Aqoonxume Aqoolxume Haddana Magac Amiireedle -Maxamad Xaaji Ereg---
(AQOONXUME AQOOLXUME)
Waxaa tiriyey Macallin Maxamad Xaaji Ereg
Wuxuu ka hadlayaa kaalinta aqoonta
1-Inta ururka joogtiyo intuu gaaro eraygaygu
2- Inta aragta ee maqasha ee faaqidda oraahda
3- Inta inay addoomo u yihiin Eebbe garanaysa
4- Inta oge Islaam inay yihiin aamintaye raacday
5- Intaan wali ka quusane Iaah same ka eegaysa
6- Ayaan waxaan rabaa inaan u diro talo abwaaneede
7- Ikhyaaryahay salaam iga aqbala idil ahaantiinba
8- Ujeeddada dabuubtayda iyo iidda arartayda
9- Dhambaalkaan idiin wado hadaan baal yar ka iftiinsho
10-Aqoontaan waxaan rabey inaan dood yar ka iraahdo
11- Asagoo Ummiya oon waqii alifna loo meerin
12- Iqra wuxuu Rasuulkii Jibriil ugu ikraahaayey
13- Aqri wuxuusan arag oo maql ugu ijbaaraayey
14- Sirta amarka Eebbe ugu furay Aayadaha Diinta
15 Aqoontuu culayskeeda rabey inuu ogeysiiyo
16- Waa inay ahmiyad weyn tihiyo waajibaad adage
17- Waa inay abuurkaba u tahay udub dhexaadkiiye
18- Waa inuu aqoon nimaan lahayn uu waxba ahayne
19- Jinni iyo Insiba waa inuu Eebbe caabudo e
20- Waa inay addoomuhu dhamaan wada adeecaane
21- Ha yeeshee Ibliis iyo dirkiis ma laha iimaane
22- Jahli nimuu ag degey ruuxu waa ehelu shaydaane
23- Aafaadka rogay uunka waa aabihii dhalaye
24- Idinna waa arkaysaan haddaan lays inkirahayne
25- Ummad wada Islaam sheegatoo Ehelu tawxiida
26- Abtirsina wadaagtiyo afkiyo oogadiyo dhiigga
27- Carro-edegna meel wada degtoo aqal qura u hoyata
28- Isku qoys ah ooy wada dhaleen Aabbe iyo Hooyo
29- Inay kala irdhowdoo nacayb shaniba meel aaddo
30- Ic-tasimuu bixablilaah iaan iska illowno
31- Amarkii walaa tafarraquu boorka lagu aaso
32- Wadadii Islaamkana sidaa aayar kaga boodno
33- Ishtihada nafteennii rabtiyo aan hawo eryoonno
34- Anfariirka waxa noogu wacan waa aqoon yariye
35- Urugadiyo diiftiyo bugtadu waa aqoon yariye
36- Arradka iyo gaajada faqrigu waa aqoon yariye
37- Oonkiyo harraadkiyo asqadu waa aqoon yariye
38- Omoskiyo abaartiyo saqmigu waa aqoon yariye
39- Ambadkiyo dayowgiyo riyadu waa aqoon yariye
40- Anshixiyo akhlaaqxumada fiday waa aqoon yariye
41- Ururrada arqaankiyo fisqigu waa aqoon yariye
42- Axdigiyo ammaanada la qubay waa aqoon yariye
43- Anigaa amiiriyo qabkani waa aqoon yariye
44- Inkirkiyo ogaal dhaarashadu waa aqoon yariye
45- Asaraarka beentiyo dulmigu waa aqoon yariye
46- Uurgumaka hoosiyo xasdigu waa aqoon yariye
47- Arxan li,ida lays dooxayaa waa aqoon yariye
48- Aargoosi aanada Qabiil waa aqoon yariye
49- Isirsooca eeddiyo tuhmadu waa aqoon yariye
50- Isbaaradiyo boobka iyo dhacu waa aqoon yariye
51- Afduubkiyo qafaalkiyo kufsigu waa aqoon yariye
52- Idlee oo dil aad uga hartide waa aqoon yariye
53- Ajal aad abaal uga heshide waa aqoon yariye
54- Is-dilkiyo inkaartiyo fidnadu waa aqoon yariye
55- Iqtiyaalka aan hadafka wadan waa aqoon yariye
56- Aqri-waa ujeeddo aan lahayn waa aqqon yariye
57- Gar soo oodan oon irid lahayn waa aqoon yariye
58- Axsabtiyo firqada kala ajoon waa aqoon yariye
59- Isbahaysiyada baadilka ah waa aqoon yariye
60- Ikhtilaafka aan laga gudbayn waa aqoon yariye
61- Ha ii imaanin uu iman mayee waa aqoon yariye
62- Waxa uubta Qarankii ku riday waa aqoon yariye
63- Istiqlaalka waxa loo dafiri waa aqoon yariye
64- Isticmaarka waxa loo ag degay waa aqoon yariye
65- Aayaheenna iyo irid noo furaa waa aqoon yari
66-Wax ilaxa loo diidayaa waa aqoon yariye
67- Asaagaa wax loo tuugsadaa waa aqoon yariye
68- Uqubadiyo aafaha dhibtiyo eelka hari waayey
69- Imtixaanka nagu fooraraa waa aqoon yariye
70-Idil xumaha aadmiga ku jira waa aqoon yariye
71- Asalkaba balaayada adduun waa aqoon yariye
72-Aqoonxume aqoolxume haddana magac amiireedle
73- Itaal iyo awood yare haddana aar iskala weyne
74- Asagoo inkaar iyo uh qaba awliyo is-moode
75- Aagoon waxba ogeyn tashiga hayjad la abaare
76- Umaddana inqaab iyo dab iyo aabi la horjooga
77- Axan rida ashuunkana jajabi oohintana raaci
78-Ku ururtay taladeenu albaab kaas ka ii adage77-K
79- Cid kale eersanmaynee ogow waa aqoon yariye
80- Waa waxa aan eednee na baday uurkutaallada e
81- Ibtilada aan soo sheegay iyo iimahaan tiriyey
82- Abjedyada jahligu na huwiyee moolka nagu aasay
83- Ololkiyo cadaabtiyo xabsiga ubuca naareed ah
84- Abeesadiyo goodkiyo maskiyo eyda golaheeda
85- Mar haddaan iftiinshoo xaqii oogta ka caddeeyay
86-Mar haddaad ogaateen shidada oogan waxa keenay
87-Waa idiin ayaan li’i inaad sii okorotaane
88- Iska tuura oo soo baxoo kalaya imaada
89- Aqli iyo awood mgansadoo oodda soo jabiya
90-Ka soo agabsadoo aqbala oogsigiyo nuurka
91- Inshaa’allaahu wuu naga aqbali Eebbe Weynuhuye
92- Istiqfaarsadoo soo noqdoo kaalaya imaada
93- Ilaahay u soo labta oo kaalaya imaada
94- War istaaga oo soo ordoo kaalaya imaada
95- Iliilaha aqoontiyo dugsida kaalaya imaada
96- Ardaayada Cilmiga loo alkumay kaalaya imaada
97- Aqallada Cibaadada Ilaah kaalaya imaada
98- Ahlu-diinka soo aada oo kaalaya imaada
99- Iftiinkiyo ilayskiyo nasriga kaalaya imaada
100- Ugbaadka iyo dooggiyo nimcada kaalaya imaada
101- Anhaartiy xareedda is-agyaal kaalaya imaada
102- Acnaabtiyo nakhiishiyo sarciga kaalayaimaada
103-Ubixiyo baraaraha adduun kaalaya imaada
104 Ifkiinna iyo aakhiro aflaxa kaalaya imaada
105 Ajarkiyo barwaaqada gurtoo kaalaya imaada
106- Inan iyo igaar iyo hablow kaalaya imaada
107- Oday iyo dallaan iyo ragow kaalaya imaada
108- Ugaas iyo garaad iyo duqow kaalaya imaada
109- Idilkiinba Soomaaliyey kalaya imaada
110- Ilaahay ka yaaboo dadyohow kaalaya imaada
111- Ayaaamaha cimrigu waa beryee kalaya imaada
112- Ifka joogimaysaane Hooy kaalaya imaada
113- Ammin dhexe aroor iyo dharaar fiid iyo alleylba
114- Xarumaha aqoontiyo cilmiga aadka loo mahadshay
115- Iska jooga oo ka aflaxoo dhuuqa abidkiinba
116-Ha ka aadinnina meel kaloo galiya iimaanka
117- Ilaahayna wada caabudoo qaata amarkiisa
118-Markaasaa runtii laga adkaan dhib iyo eedaade
119- Is-raac iyo markaasaa la heli aayo nabadeede
120- Abaartiyo markaasaa la weyn cudurka eelkiisa
122- Arsaaqdiyo markaasaa la furi ibihii awdnaaye
123-Ilbax iyo markaasaa la noqon Qaran itaal weyne
124- Ururtiyo markaasaa la tegi oogadaa sare e
125- Allowdiyo markaasaa la heli uunka ducadiisa
126- Oo waxaan Ilaah la hor tagnaba la aqbalaayaaye
127- Aamiin Allahayow Rabbow Guusha Nagu Aadi
BY: EREG
Qore: Ogaal
Taariikhdii iyo gabayadii abwaan Nuur maxamed Fadal
Qore: Ogaal
Deelleydii Qarnigii 21-aad C/Raxiin Hilowle uu ku soo biiriyay Maanso cusub "Maanso Dooni"
Qore: Ogaal
"Xildhibaan Baruur laaca" Gabay Cusub oo curiyay Muxyadiin Ciid
Qore:
Xuseen-dhiqle iyo Gabeygiisii Qiimaha badnaa ee Qayb Libaax
Qore: Xigasho"Doollo.com
Gabaygii Waa Duni
Qore: Xigasho"Doollo.com
"Darin iyo go’ wadato" Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub)
Qore: Doollo.com
