Qodidii Samsamka iyo Nadarkii Abdi Mudhalib

 

 Maalin ayaa Cabdimudhalib oo hurda manaam loogu yimid lana amray inuu faago ceelka samsamka oo muddo hore duugmay, meel uu ahaana aan la garanayn. Manaamkii ayuu ku weydiiyey meeshuu ceelku ahaa waana loo sheegay

Goortuu hurdadii ka kacay ayuu meeshii tegey isaga oo uu la socdo wiilkiisii Xaarith oo uu markaas carruur ka qabay wuuna qoday. Markii ceelkii la helay ayaa qureysh kula doodday oo tiri: "Cabdimudhalibow waa ceelkii aabahayo Ismaaciil waxaana ku leenahay xaq ee aan kula wadaagsano." Hase yeeshee Cabdimudhalib wuu ka diidey arrinkaa oo wuxuu yiri: "mayeelayo arrinkaan aniga ayaa la igu khaas yeelay". Muddo markii la dooday oo arrinkii lagu kala bixi waayey ayaa la go'aansaday in loo xukun tago habar wax sheegsheegta. Habartii ayaa la wada aaday. Goortii meel cidla ah oo dhexe la marayo ayaa Cabdimudhalib iyo nimankii jifadiisa ahaa, ee reer Cabdimanaf, biyihii ka go'een markaasey raggii kale ee qureysh oo la socday weyddiisteen, hase ahaatee wey u diideen iyagoo ka baqaya in ay dhammaantood oon u wada dhintaan.

Cabdimudhalib markuu arkay xaaladdu meeshay marayso iyo inay halis ku jiraan, meesha ay marayaanna ay tahay saxaraa wax ka dhowna uusan jirin, ayuu ku yiri raggii jifadiisa ahaa "nin walba qabrigiisa ha qoto hana dul fariisto, hadba kii dhintana waa aasaynaa". Sidii ayey yeeleen laakiin markay muddo joogeen ayaa Cabdimudhalib yiri "ma wanaagsana inaan meeshan iska fadhino ee aan soconno". Markuu hashiisii fuulay oo ay dhaqaaqday ayaa biyo ka soo burqadeen meeshay lugta ka qaadday, biyihii ayuu cabbay dhammaan raggii qureysh ee la socdeyna wuu ugu yeeray. Markay kulligood cabbeen, weelashiina ka buuxsadeen ayey Cabdimudhalib ku yiraahdeen" Ilaah baan ku dhaarannaye arrinkii waa laguu xukumay, dib dambana Samsamka kugula doodi mayno, Ilaahii meeshaan saxaraha ah biyaha kaa siiyey yaa Samsamkana ku siiyey ee u noqo waraabbintaadii, waxba habar u tegi maynee".  

Markaa ayuuu Cabdimudhalib wuxuu ku nadray in haddii Ilaahay toban wiil siiyo oo ay wada hona qaadaan uu midkod Kacbada agteeda Alle darti ugu gowraco, halkaas ayaa markaas dib looga soo laabtay, meeshii markii hore loo socday.  

  Cabdimudhalib markii Ilaahay tobankii wiil siiyey oo ay wada hanaaqaadeen ayuu isugu yeeray oo u sheegay nadarkiisii, markay ku wada raalli noqdeenna sanamkii Huda ahaa ayuu ag geeyey una qori tuuray tobankoodii markaasaa waxaa soo baxay qorigii Cabdullaahi oo ahaa wiilkii uu carruurtiisa ugu jeclaa, Cabdimudhalib middi ayuu soo qaatey, wiilkiina gacanta ayuu soo qabsaday oo kacbada dhinaceeda la aaday si uu u gowraco hase yeeshee qureysh ayaa wiilkii ku dhegtay oo u diiday inuu gowraco siiba abtiyaashiis reer bani makhsuum, Cabdimudhalib wuxuu yiri sidee baan nadarkaygii yeelayaa, markaasay kula taliyeen inuu aado habar wax sheegta. Habartii markuu u tegey ayey ku tidhi "magtiinnu waa meeqa?" markaasuu ugu jawaabay "toban halaad", ka dib ayey tidhi "toban halaad iyo isaga u qori tuur, haddii ay tobanka halaad soo baxaan gowrac, hadduu isagu soo baxana geelii kordhi oo toban kale ku dar. Ka dib sidaa geela u kordhi oo hadba toban ku dar ilaa uu geelu soo baxo oo Rabbigiis ka raalli noqdo". Cabdimudhalib waa soo laabtay wuxuuna u qori tuuray toban halaad iyo wiilkii hase yeeshee waxaa qorituurkii ku dhacay Cabdullaahi, ka dib geelii ayuu hadba toban ku darayey qorituurkuna ku dhacayeye Cabdullaahi illaa uu gaadhsiiyey boqol geel ah oo qori tuurkiina ku dhacay geelii. Ka dib Cabdmudhalib wuxuu gowracay boqolkii geela ahaa.  

   Markaa wixii ka dambeeyey magtii qureysheed ee tobanka geelo ah ahayd waxaa noqotay boqol geel ah, islaamkuna markuu yimid boqolkii ayuu u sugay, oo uddaayey, Rasuulka SCW wuxuu yiri: "Anigu waxaan ahay ina labo gowrac" oo uu ula jeedo nebi Ismaaciil iyo aabbihiis Cabdullaahi.  

Waxaa aan qisadaan iyo kuwa la midka ahba ka fahmeynaa sida qureyshu ahaayeen dad diin lahaa hase ahaatee shirki iyo inxiraaf galay, arrimo badanna waxay ku dhaameen dad badan oo maanta islaamka u nasab sheeganaya. Arrimahaas oo aannaan halkan ku koobi karin oo u baahan in iyaga kaliya qoraal ama baaritaan laga sameeyo waxaa tusaale inoogu filan sida markay dhib ku timaaddo ay Ilaahay keliya u baryi jireen ama siday ballanta u ilaalin jireen ammaanadana u xifdin jireen, beentana uga xishoon jireen, nadarkana u oofin jireen. Waxaana xaqiiqa ah in dad badan oo maanta islaamnimo sheegnaya aanan arrimahaas oo dhan laga wada helaynin aysanna nadar oofintiis u gowracayn ilmohooda ama boqol geel ah.  

Cabdullaahi, oo sidaan soo sheegnayba ahaa nebiga aabbihiis, waxaa hooyadiis la odhan jirey Faadumo bintu Caa'id binu Cimraan binu Makhsuum. Cabdullaahi wuxuu guursaday Aamino bintu Wahab binu Cabdimanaaf binu Suhra bin Kilaab, waxayna isku dhisteen magaalada Makka, muddo yar ka dibna, Aamino oo uur leh, ayaa Cabdullaahi arrin u baxay oo aadey Madiina, halkaas oo uu ku geeriyoodey. Da'diisu waxay markaas ahayd 25 sano.

 



Qore: Qore: Osman Bilad | Email: osmanbilad@hotmail.com |